Riix Halkaan Si Aad Uga Bogatid Gabayga Asigoo Dhameystiran

dowlad inaan noqono maxaa diidaya
gabaygaan waxaa tiriyey abwaan nuurdiin xuseen max,ed    20/2/2011 
 Continue reading 

JACEEL DHAWAC GALAY MAXAA LAGU DABIIBAA ?

 

qalbijaceylPart 1

 Waa aduunyo is wada badashay, waa jaceyl midaba yeeshay, waa barasho fuddeed noqotay waa mugdi jaceyl maalmo xasuus badan meertada dareenka qofka oo meel ka qabsata, waa dad dhoof wada jeclaaday, waa buufis jaceyl oo dhaawac reebay waa dad naxariistii ka soo dhamaatay waa duni aaminku ku yaraaday waa dad wada intarasti ah oo qofba qofka kale ku meel gadhayo, waa dad wada ordaya oo is wada gaaday , waa la isku maqan yahay waana lakala maqan yahay jacaylkuna dadka uu dusha sare ka fiirinaya , aloow adaa deeqda bixiya. jacaylka anaa la jaaray habeena ka seexan wayaay hurdo iyo sheeko aan dhamaaneen saqdhaxe soo jeed ku gaadhay naftaydu miday jaclaatay bogayga markaan u jeexay waxii jiray aan u sheegay jareexo anaan sugaynin intay xusulka igu jiiday miynaan jixin jixo ka wayaayjaceelku waa shay aan dookh laheen qofkuu doono ayuu asiibaa mana kula tashanaayo naftani waxay ubaahan tahay qofkay ubaahantay waxaana hore loo yiri waxay inadhay arkaan ayaay gacani gooysaa kal sooniduna waa shay qaali ah hadii qofka ay ishu kaaga dhacdo aadna waxana u sheegan karin waa dhibaato naftani jaceelku wuxuu ku reebaa arami aan hadhin waxaa uurka qofka gubayaana waa aamuska haduu sikasta u adkeeysto malaga yaabo inuu jaceelka hayaa qarsoomo sidaan wada ogsoon nahay raga iyo dumarku isku mid mahan ragu way ka calool adag yihiin dumarka waxaana lag yabaa in ninku uu in badan isku dayo inuu qarsado jaceelkiisa lakiin dumarku way ka nugul yahiin raga inkasta oo ay dumarka somalidu aad u xishood badan yahiin hadan sanadahan danbe waxaa soo if baxay inay 70% Dumarku ay soo ban dhigaan jaceelkooda ama haku guulaystaan ama haku qasaaraan taasna waxay aad u fududaysay guurka soo dagdago haday hanaan waydo gabadhu qofkay jeceshahay waxaa suurta gal ah inay samri waydo waayo jacaylku sidaan ogsoonahay waa wax qofka bin aadanka ah ka qaada kaantaroolka inkastoy dumarka somalidu aanay fahan saneen wax jaceelku yahay ay aad u raadshaan qof iyaga jacel hadan kama madhan rabitaanka qofka ay u baahan tahay inay heshoala dumarkeenu qaalisanaa lakiin jaceelka ayaay iska indho tiraan waan ka xumahay aduunka qofba meel ku asqoow  waxaa dalkan aan ku noolahay ka dhacaday qiso aad u cajiib badan wiil ayaa waxaa uu aad ugu dheerayay shukaansiga shabakada internetka waxaanu maalin isagoo fadhiya netcafe soogashay gabadh waxay soo fadhiistay kursiga agtiisa wiilku wuxuu ka helay gabadhii waxaanu isku dayaay inuu magaceeda waydiiyo way ka aamustay waxaanu marlabaad ku dhahay abaayo adigoo raali iga ah magacaaga maad isheegi kartaa waxay dhaday aboowe waad qaldan tahay wuu ka aamusay waxaay gabadhii iska wada tay chatinkii ay ku jirtay waxaana soo koobmay wakhtiga mudo 2 saac ah markay fadhiday gabadhii netcafega isna dhinac fadhiyaay gabadhi waxay isu diyaarisay inay baxado wuuna ka soo daba baxay lacagtii ayuu iska dhiibay gabadhiina waxay afka soo saartay dhanka guriga ay daganeed oo xoog u jiray meesha netcafegu ku yaalay wiilka gabadha wuu soo daba galay agteeda ayuu ku soo dhawaaday marku rabay inuu la hadalo waxaay hore ugu leexatay xafad ay taqaanay oo meesha u dhaweed kabtan Diiceey ma samrine meesha dhagax u dhoow ayuu iska fadhiistay ileen waa naf dabayl qaboow indhaha ka martee mudo 30 daqiiqo ah ayuu fadhiyaay meesha waxaana ku so maray dhalinyaro aad u badan ay is yaqaaneen waxaanay dhaheen kabtan Diiceey cawa maxaa kaa si ah meesha la fadhidaa isgoo ugu jawaabay wiil aan meesha ku sugayaa gabadhii aa soo baxaday iyadoo ay la socoto gabadh kale wuu ka soo daba kacay waxaanu usoo dhawaaday gabadhiihii waxuu si hoos ah ugu dhahay ,abaayo waan idin salaamay ? gabadhii aad ayaay u qoso shay waxay dhahaday raaqiya wiilkan waxbaa ka si ah aan filyaa ilaa cawa wuu idaba socdaa yaab waligeey kanoo lake ma arkin magaalda dadnoocani maku noolaayeen raaqiya !!! raaqiya ayaa ugu jawaabtay siman malaaha wuu waalan yahay waxbaa ka si ah !!! ……intuu ku soo dhawaaday ayuu dhahay malaha abaayo qofka ilaahay dartiis idiin salaamaa wuu walaan yahay lakiin waxaan idinsheegayaa inaan waxba aanan qabin ee waxaan idinla dhaafi wayaay salaanta ….raaqiya ayaa hadal ku celisay oo dhahday qof layqaano ayaa la salaama lakiin qof aadan aqoon maxaad ka salameysaa ? kabtan Diiceey uma muuqdo hadalka raaqiyo leedahay ,waxaanu si dagan u dhahay dumarbaad katahayoo danbi taasna kuma lahid ………..waxaanu u sii raaciyaay siman hadii eysan kula socon laheen kuma salaameen isagoo meesha ka helay magacii labada jeer uu waydiiyay gabadha waxuuna u sii raaciyaay waad ku mahad santahay sida aad iigu fududaysay magaca siman …!!! sidaan hore u soo sheegay jacaylku indho malaahan meel aadan filayn ayuu kaa soo galaa waxaadna la kulmeysa wajiyo kala duwan dumarka somaliduna aad ayey u suuro badan yahiin markay arkaan qof u heelan oo dan ka soo gasho waa dabci ay ka wada siman yahiin hadaba maxuu kala kulamay gabadhi raaqiya aheyd iyo kabtan Diiceey

part 2.

JACEEL DHAWAC GALAY MAXAA LAGU DABIIBAA ?

Part 2

Sidaan hore u soo sheegay jacaylku indho malaahan meel aadan filayn ayuu kaa soo galaa waxaadna la kulmeysa wajiyo kala duwan dumarka somaliduna aad ayey u suuro badan yahiin markay arkaan qof u heelan oo dan ka soo gasho waa dabci ay ka wada siman yahiin hadaba maxuu kala kulamay gabadhii raaqiya aheyd iyo kabtan Osmaan Diiceey 
    Waxaa markhaati madoonta ah in qof wax jecel uusan seexan habeenkii ku dheeraado maskaxdiisuna shaqo badan samayso waxaan ku soo dhacay Kabtan Osman Diicay inuu latashi badan la sameeyo saaxiibadiis waxaanu si toos ah u abaaray saaxiibkiis Ismaaciil Ciiloow isagoo ugu tagay gurigiisa, Ciiloow ayaa hurdad uga soo kacay Osman Diiceey waxaanay u sheekaysteen Si khaas ah wuxuu u sheegay osmaan inay arin jaceyl lasoo daristay kadib Ciiloow wuxuu sitoos ah ugu tilmaamay Gurigey ku nooshahay Raaqiyo wuuna fahmay halkay xaafadu tahay waxaanu Osmaan usheegay Mr Ciilow inay halkaa ku taalo xaafad uu leeyahay abtigiis Sakariye waxaanay isu raaceen Osman Diiceey iyo Ciiloow Xafadii Abti Sakariye oo ay daris ahaayeen Raaqiya.
 
Ciiloow iyo Osman Diiceey waxay tageen xaafadii waxaa ka furtay gabadh shaqaala ah oo Ay sifiican isugu dheeraayeen Ciiloow waxaanay soo dhawaysay Ciiloow iyo Osman Diicayoo si ba’an loo hayo ileyn jaceel indho malahee waxay fadhiisteen fadhigii sida lagu yaqaanay gabdhaha somaliyeed, Manaal oo guriga shaqaale ka ahayd ayaa waxay keentay cabitaan iyo buskud iyo xooga xalwo ah, waxuu Ciiloow ku bilaabay Manaal Qaraabo salaan isagoo ka waraysanayo xaafada sida lagu yahay cabtaankisana si raaxo leh u cabaayo Manaalna ay si jawi dagan ah ugu jawaabayso ,Hadaba Kabtan Osman Diiceey maxuu qabanayay? xageena laga hayaa? waa aduunyo qofba meel ayaay kaga dhagtaa.
    Way iska caday taasi ,Osmaan wuxuu ahaa qof maqane jooga ah wax cabitaan ah iyo buskad ah toona muu isticmaalin waxaanu isku hayay dhabanka iyo gacanta waxaa ku sii dheeranaysay sheekada ay haystaan saxiibkiis Ciiloow iyo Manaal waxaa soo gurmay wakhtigii waxaa u sawirmayay Raaqiyo iyo Qaabka Qurxoon ee ilaahay u sameeyey , waxaa uu Ciiloow u baasay magaca Saxiibkiis Osmaan Diiceey isagoo u furay buug is barasho Manaal sifiican ayaay u soo dhawaysay, wuxay ugu siidartay Manaal aboowe Osmaan waxba maad cunin aniga maad iga xishoonaysaa walaasha camal aan ahay Osmaan intuu ilka cadeeyey ayuu dhahay walaashay waad mahad santahay Ciiloow ayaa isna si kaftan ah ugu tuuray Manaal waxaan kugu nimid inaad arin saxiibkay Osmaan haysata aad wax nagala qabto?
    Manaal way aamusatay iyadoo xishood wayn galay arinkana meelkale u leexisay waxay ugu jawaabatay maxuma Ciiloow lakiin hoosta aad iga soo galisay siday wax u jiraan ,waxii aan awoodo waan idinla garab galayaa haduu ilaahay ka dhigo ee sedee wax ujiraan?
    Ciiloow- waxaan halkan u nimid aniga Osmaan arin maalmahanba nagu rafanaysay waxaa jirta cidan aad darsika tahiin ayaa arin naga soo galay isagoo hadalka usoo koobaya Ciilow wuxuu dhahay abaayo macaaney Wiilkan Osmaan waa saaxiibkay wuxuu aad u radinayaa una danaynayaa Gabadha Raaqiya ah ee cidan aad dariska tahiin ah maxaad nagala qaban kartaa arinkaas ayaan kuugu nimid meel fiicana wad nooga soo baxday ?
    Manaal aad iyo aad ayay u qososhay Waanba naxay waxaan mooday inay aniga arin iga kiin soo gashay waxaan sugayay suaalo badan ayay tiri maxuma aboowe Ciiloow aniga ayaa arinkaa Qayb libaax ka qadanaya iga warsuga.
Maxay kala kulantay Raaqiya Manaal?

Part 3

Hadaba maxay kala kulantay Raaqiya Manaal? Waa aduunyo qofba cayn u tumaya hore ayaa loo dhahay laba kala bariday kala war la.
Waxaa afka Osmaan diicay ka soo booday abaayo manaal aad baad u mahadsantahay walaaley abaalkaaga waxaan ku godo ma aqaan
Waxa uuna ku sii daray goorma ayaan kaa soo war doonaa baayo waxay ugu jawaabtay aboowe khamiista iga soo wardoona.
  Waxaa kurbo wayn ku haysa Osmaan diicey maxaa ka soo yeeri doona Boqorada uu jacaylku kaga wada dhacay ee Miss Raaqiya waxaana ku dheeraatay balanta khamiista ah ee ay manaal u qabatay waxaa wali maskaxdiisa ka guuxaya khamiista ayadoo wakhtigu looqabtay uga badneyd sanooyin uuna dhararaayay in la gaadho khamiista .isagoo ku cel celinaayay dheeraa wakhtigaad soo dhawaysataa waxaa laga soo talaabsaday arbacadii waxaan dhashay subaxii cusbaa ee uu sugayaay ee khamiista,waxaa ka muuqday wajigiisa naxdin wuxuu ahaa qof maqane jooga ah waxaanu xaqiiqa ah inaanu hurda dhan arkin habeenkii la soo dhaafay waxaa Osmaan sugi waayay inta laga gaadhayo 7:00 fiidnimo ee caawa waxaana is waydiinayay maxaa ka soo yeeri doona gabadha Raaqiya aheyd wuxuu ka soomanaa cuntada oo dhan waxaa qofkasta oo arkaa wajigiisa ka akhrisan karayaa in Osmaan uu ku jiro jawi aan caadi aheyn waxaa iska soo gurmay saacadihii waxaa u timid walaashiis oo uu la daganaa aadna u jecleyd kuna taqaanay Osmaan qof sheeko badan oo kaftan badan oo aad iyo aad u fir fircoon waxaanay ku dhahday walaal Osmaan maalmahaan maxaa si kaa ah? ma jirintahay? seedee wax u jiraan? walashiis oo aad iyo aad uga naxday jawiga uu ku jiro Osmaan oo aad uga yaraa iyo xaalada uu ku sugan yahay uma uusan jawaabin walaashiis wuxuu hore ka galay qubays iyo inuu isu diyaariyo inuu usii dhaqaaqo dhanka iyo xaafada ay daganeyd Manaal uu ka sugaayay jawaab iyo waxay kala soo kulantay Raaqiya, wuxuu afka ku sii dhuftay cuna ay u keentay walashiis iyo xooga cabitaan ah waxaan ka soo baxay albaabka gurigiisa isagoo ay kuleyl ku hayso wuxuu sugayay.
Hadaba muxay noqotay jawaabtii uu helay?

Part 4

 

Ileen kala gaceel xasuus buu kugu dilaa , ileen kaftan kaabu kaa jaraa ileen kaskaabuu ku hoos marshaa , inuu yahay jaceel kan aniga i heley bal dadyahoow intaan kaydsanayay daya ……walax iga tan waynbaa qalbigeeyga gubayoo ,iga jaray jidiinki oon ka seexan waayoo walwal igu abuuro alloow sahal amuuraha Rabanaa yasahal ,,,,,,,,,,

Wuxuu osmaan diiceey u soo luuday dhankaa magalada isagoo qalbigisa ay ka dhex guuxayso wuxuu kala kala kulmi doono manaal oo oo uu ka sugaayay jawaab. waa aduunyo qofkasta meel ayaay ka qabsataa wuxuu lugta soo mariyay gurigii saxiibkii ciiloow laakin muusa ka helin wuxuuna isago madluun ah afka soo saaray gurigii manaal ay jogtay intuu jidka ku soo jiray ayuu wuxuu fiirayay sacada ay balanta lahaayeen oo ahayd markay qoroxdu dhacdo wuxuuna jecleestay inuu ka hor u tago waayo waa nin uu waran ku tagan yahay, wuxuu is waydiiyay Osmaan diiceey, hada casir ayaa laga soo baxay guri gabari joogto wakhti la tago maahan ee aan iska samro xoogaaga ka hadhay salaada maqrib sidii ayuu isku caliyay wuxuu iska sii fadhiisatay cafeeteeri ay dhalin yaradu isugu yimaadaan waxaanu isku sii boojeeyey ciyaar meesha lagu fiirsanaayay isagoo marba wakhtiga firinaaya dhagtana u dhigaayay eedaanka makhribka.

Waxay talo sii gurguurtaba waxaa iska yimid wakhtigii uu sugayaay waxaan ku hor maray masaajidka wuxuu iska soo bixiyaay salaadii maqarib kadib kabaha ayuu gashaday wuxuuna isku sii daayay gurigii ay ku nooleed manaal siday tahay ramadaan oo uu afur u ordaayo , Osmaan diiceey wuxuu soo istaagay gurigii uu balanta ku lahaa ee ay ku nooleed Manaal, Osmaan markuu albaabka garaacay wadnahiisa waxuu u garaacmaayay sidii qof ka qayb galaayay Oradada ama maaradoonka 1500 oo miter, waa qof jiran ileyne jacayl waa cudur dhuuxiyo lafaha gala dhagar qabana weeyaan , waxaa guriga ka furtay gabadh yar oo uu san aqoon wuxuna waydiiyaay Manaal gabadhii ayaa ugu jawaabtay Manaal suuqa ayaay u yara baxday Wuxuu sii waydiiyaay Goorma ayay soo noqanaysaa , 2 saac kadib ayaa laga yabaaq inay soo noqoto ayaa loogu jawaabay.

Wuxuu fiirayay saacadii waana 6:30 kii galabnimo wuu iska soo dhaqaaqay Manaal telefan malahan lagala Xidhiidho balantii way ku sii dheeratay wuxuu ku soo laabtay cafeeteri udhoow xaafada Manaal wuxuu iska fadhiisatay waxuu la sheekaysanayay sacadiisa isagoo aad ugu dhararaayay inuu lakulmo Manaal si uu ugu helo Macluumaadkuu ka sugayaay ama waxay ugu hayso Arinta uu u dirsaday ee Raaqiyo waxuu isla sheekaysato waxaa la gaadhay 8 fiidnimo wuxuu isku soo shareeray gurigii Manaal uu ku tabaayay isagoo aad ugu cabsi qaba inaysan joogin wuu soo istaagay wuxuuna yeedhiyay ganbaleelkii guriga waxaa mar labaad ka furtay gabadhii yareed wuxuu waydiiyaay Manaal matimid?
 
 
Yartiina intay qososhay ay dhahday wali may imaan lakiin way soo dhoow dahay ee maxaan kaa gadhsiiyaa haday timaado wuxuu ugu jawaabay Osmaan waad mahad santahay Adeer Waan soo labanaa ,

Osmaan dib ayuu isoo laabtay isagoo aad u madluunsan niyaduna ay ka jabtay wuxuuna ka soo dagay salaanka guriga markuu xoogaa soo dhaqaaqay ayuu waxuu maqlay Osmaan gadaal uu fiirshay wuxuu arkay 2 gabdhood oo soo sacdo bacna gacanta ku sida waxaa ka soo baxday neef aad u wayn wuxuuna u dhaqaaqay gadaal isagoo wajiga saaray dhanka looga yeedhay ee labada gabdhood ka soo socdaan markuu u dhawaaday ayuu sifiican u fiirshay , Waxa uuna gartay inaysan aheyn Manaal qofka u yeedhey ee ay tahay gabadh ay is yaqaanaan waxaanu dib u liqay hamigii hayay isagoo madax ruxaaya ayuu gabdhihii u tagay wuu salaamay cabaar ayaa la is wareeysatay isagoo wajiigiisa ka dhigaya qof faraxsan lakiin qalbigu uu aad u holcaayo wuxa uuna la taagnaa gabdhahii mudo 15 daqiiqo ah waxaanay meesha isku macasalaameeyeen gabdhihii wuxuuna usoo dhaqaayay dhanka cafeeteeriga uu ka yimid hadeer isagoo sheydaanka iska naaraya oo isku qancinayay waxii daaha ayuu qeyrku ku jiraa intaanu soo gaadhin cafteerigii ayuu ku leexaday net caf u dhoow cafateeriga albaabka netka markuu usoo dhoow yahay ayaa waxaa netka cafeega ka soo baxday Manaal aad ayuu u farxay waxaan afkiisa ka soo baxaday AL XAMDU LILAAHI RABIL CAALAMIIN way soo dhaqaaday markay argtay ,

Osmaan diiceey waxay ugu dhigneed isagoo la kulmay Raaqiya, wajigiisa faxada ka muuqatay Sikal gaceel leh ayay Manaal u salaantay waxaanay ka raali galisay Maqnaashaha ay Guriga ka maqneyd waxaanay usii raacisay ina mari aboowe guriga, Osmaan Diicey waxuu laqaaday alaab ay sida tay Manaal,waxaana ay hore ka aadeen guriga Hadaba mar key gareen guriga maxaa dhacay? sideese wax udhaceen? Muxuuse lakulmay osmaan diicey? mase helay jawaab uu ku farxo?

Part 5

Waa nasiibka aduunyo waxaa la wada fadhiisatay fadhiga guriga isagoo cabsanayaa ileen Manaal waa kulankoodi 2 laab ee uu gurigan ku kulmaane lakiin wakhtigaas Manaal waxay ugu dhigneed Qof ay inbadan is yaqaaneen siday u usoo dhaweeysay ee raali galinta laheed ,

 Osmaan diicay waa nin aad u xishood badan oo afgaaban wajigiisana ay ka muuqato daacadnimo taas waxaa usii dheer jaceelka lama filaanka ah ee ku soo booday waxaanay Manaal sidii caaddada aheed fadhiga ugu keentay cabitaan, Manaal waxeey uga cudur daartay maqnaanshahii ay guriga ka maqneed waxaanya ka raali galisay Osmaan waanu ka qaatay ,

 waxaanay ka waraysatay sxbkiis Ciilow ,wuxuu ugu jawaay abaayo wuu fiican yahay waan isa soo raaci laheen lakiin waan ka soo wayaay gurigiisa , wuxuuna uga gudbay dantuu ka lahaa Manaal ,

 waxaanu Manaal ku dhahaay abaayo macaaney maxaad iiga haysaa Arinkii aan kuu dirsaday ee Raaqiya, waxay ugu jawaabtay aboowe macaane waxaan kaaga hayaa sheeko ku anfacaysay waxaanay Manaal hadalka ku bilooday sidan .

 Aboowe waxaan Raaqiyo udiray telifoon waanay iga qabtay salaan gaaban kadib waxaana usheegay in aan arrin ugu baahanay waanay iga aqbashay waxaana Raaqiyo ka soo dhameeyey inay iigu timaaddo guriga habeenka jimacada 7:00 fiidnimo waa hadii ilaahay ka dhigo .
 
 Osmaan wuxuu ku celiyaay hadalkii Manaal, wuxuuna waydiiyaay abaayo macaaney ma u sheegtay inaan anigu ubaahanay?
mise wax ma ugu taabtay sheekadayda?
mise maku waydiisay dantaadka leedahay adigu?

 Manaal oo ilka cadaynaysa ugu jawaabtay aboowe dumarka iyo ragu isku mid maahan, hadaan usheego inaad adiga dankaasoo gashay waxii doona ayaay uqaadan kartaa, lakiin waxaan usheegay inaan sheeko uhayo markaa habeen danbe lee inaga xigta hadii aynu gaarno , waxaan rabaa inaan si lama filaan ah kuugu keeno , waayo sida laguu hayo adigaa ayaa yaqaano waxaan ka baqay aboowe inaan wax kaa haleeyo anigu rabo inaan ku caawiyo sidaa darteed waxaan go’aan ku gaadhay inaad adigu afkaaga uga caano maasho siday kuula muuqtaa Osmaan aboowe?

 Osmaan waxaa ka fuqday falaadhii ku taagneed aheed maxay kuu sidaa ee fariin ah Manaal .waxaana u soo baxaday jawaab ah inuu la kulmi doono Raaqiyo , waxaanu Manaal ku dhahay abaayo macaaney aad ayaad u mahad santahay halkaad ka fakarayso waa meel aad u fog aniga caafimaadkayga ayaa ku jira inaan arko Raaqiyo afkaygana ku sheegto jaceelkayga ihaya ,

 dhagahayguna ay maqlaan waxaa ka soo yeera Raaqiyo indhahayguna ay ii duubaan jamaalka quuxoon ee ilaahay siiyaay waanad mahad santahay walashay ,madheera jimcadu cawa waa khiimiis jimco ku socota waxaanu Osmaan si raaxo leh ku cabay cabitaankii ay Manaal u keentay isagoo hore ka galay jawi degan

 intuu goobta fadhiyaay Manaal wax yar uga taabtau siduu ku arkay Raaqiyo , intuu sheekada waday waxaa wajigiisa ka muuqatay farxada wuxuu soo afjaray sheekadii, waayo wakhtugu waa xili habeen ah oo ku sii dhoow 11:30 kii fiidnimo waxaan meesha ku sii macasalaameey Manaal,

 wuxuu ku celiyeey Meeqa saac aan kuu imaada habeenka jimcada abaayo ,manaal waxaa dhahday aboowe 8:00 fiidnimo ii imoow waxaana kuu rajay naa khar aboowe sidii ayuu ku soo baxay Osmaan waxaawa jigiisa ka muuqta rajo fiican

waxaanu qalbigiisa ku tagaan Raaqiyo oo hortaada soo fadhiisata xagee hadal ugu bilaabi doontaa hadal , maxayse u qadan doontaa kulankaagan qarsoodiga ah, miyaay kaa boodi doontaa mise way ku farxi doontaa ,sikastaba ha uqaadato waa gabadh gayaanka ah afkaagu yuu ku ciilin ayuu ku faataxaysatay,

Osmaan waxaanu hore ka soo aaday gurigiisa si u seexdo una saxo firimisoonkuu la ciyaari lahaa Raaqiyo waxaana naftiisu usheegtay osmaan inuu waxaba ula hadhi doonin hadaba maxaa kala haysta Osmaan iyo Raaqiyo sama fiinalka 8 :00 fiidnimo ee jimcada

Part 6

Waa dareen cashaq oo duufaantiisa wata , waa daymo jacayl oo is fiirinaya ,waa xishood horleh iyo barasho cusub oo daaha ka qaadantay , iyo calool bal balaysa oo jawaab sugaysa wakhtigu wuu socon  layahay fakar iyo fiiro jaceelna meel ayeey  ku  sugayaan

waa interview cusub oo wajiyo hor le , waa tashaday Osmaan  tii ilaahayna meel ayaay talaa , iga baxi Allahayoow caashuqu bad weeye

waxaa la soo gaadhay subaxii jimcada jawiga maalintaas waa dagan yahay cirka waxaa xuubka saaray daruur ceer yaanteeda wadata dabayel qaboow ayaa dhacaysa dhulku xili roobaad ayuu  u eeg yahay , Osmaan wuxuu qiimayn saaray wajiguu kula kulmi lahaa Raaqiya waxaanu dhexda u xidhay lakulanka cusub ee uu hor fadhiisanayo Raaqiyo, ileen qof aadan  oqoon  oo jaceel kuu galaa  garaadkaaga  ayaa  kuu heeshee  iyo geesinimada aad  mu  jiso ,

waxay talo sii gur guurataba aakhirkii waxaa madaxa lala galay xiligii uu balanta lahaa wuxuu isku taagay labis aad uqurxoon oo  indhaha soo jiidanaya  ileen  labisku waa kabadh  quruxda qofka dhalinyarda  ,waxaanu afka soo saaray dhankaa guriga Manaal ay joogtay wuxuu fiirinayay wakhtiga ay  balanta lahaayeen oo aheyd 8:00 fiidnimo waxaa isku soo beegay xiligii ay balan sanaayeen Manaal waxaanu isa soo tagay guriga waxaa kafurtay Manaal waxaanay usoo dhawaysay si heer sare ah iyadoo guriga oo dhan ay ka carfayso isku soo haad ama bukhuurka ay dumarka ku soo jiitaan raga waxaanu usoo gudbay gudaha wuxuu iska fadhiistay kursi gii ay is yaqaaneen ee uu hore u fadhiisan jiray wuxuu hore ka qiimeeyey xaaladda guriga ,

waxaa u muuqan waysay gabadhii Raaqiya aheed jawigu wuxuu ula muuqday nooc kale waxaa hor yimid Osmaan Su’aalo badan waxaa ka muuqatay wajigiisa cabis iyo xishood dareenka caashaqu waa dhib badan yahay daqiiqado kadib waxaa jikada ka soo baxday Manaal oo sidii la isku yaqaanay sida cabitaan iyo buskud qalabka martida loogu talagalay waxaanay  saartay miiska udhow Osmaan afkeeda maykala furin dib ayay u noqotay waxaanay gashay guriga iyadoo hore u dhaaftay jikada wuxuu maqlay cod iyo nux nux aad ayuu u shakiyay dareenkii su wuxuu isku shareeray cirka indhahu way is qaban waayeen dhagahu waa maqal raadis afkiisa cabitaan muusaarin iyo alaabtii loogu talagalay waxaa u baxaya hadal meel dheer ah oo xanshaashaq ah makala saari karo inta qof ee wada hadalaysa lakiin wuu dareensan yahay in meesha lagu badan yahay oday Osmaan wuxuu samro oo sugo dadka nuxnuxda meesha kahaya waxaa soo baxaday Manaal oo gacanta haysa Raaqiyo oo afka garbasaartii ay sidatay saartay sidii qof wajiga qarsanaysa kii  xishood ahaane  uu indhaha ka saran yahay.
 
 
 Osmaan waxaa ku yeedhay wiishka Waxaa ku baryay waa cusub waxaa ka lumay kantaroolkii waxaa jidhkiisa oo idil is qabsaday dhidid, dareenkiisa oo dhana wuu aamusay , wuxuu ku war helay  Oday Osmaan, salaan Manaal ay iska soo hor marisay ASlaamu calayku warax matu laahi wb ,

Osmaan fadhiga ayuu ka istaagay waxaanu si cod gaaban ah ku dhahay Wacalayku wasalaam wwbrk waxaanu dib ugu fadhiistay kursigii uu fadhiyaay,

daymada Osmaan way is badashay jawiga gurigu aamus ayuu galay, wadanaha Osmaan  wuxuu ushaqeenayo si aan caadi aheen wajiigisa  naxdin ayaa ka muuqata, waa la wada aamusay sidii film horror ah la shiday xaaladu indhaha ayaay isku qabsatay xishoodkii la yaqaanay ayaa guriga roob ku noqday, waxaa iftiinkiisa shidmay jacayl ,waxaa daaha soo rogay dareen culus afkiibaa juuqda gabay alloow adaa ku tala saartay ,

hadaba Manaal oo u dhalatay  firfircooni ayaa meesha waxay ka furtay barsho horleh , waxaanay hadalka ku biloowday Raaqiyo soo dhawoow wiilkan waa walaalkay waxaana ladhaha Osmaan ,dadkuna waxay ku fiican yihiin aqoonta hadanay aqoon isu lahayn waa lakala xishoonaya ,Osmaan waxaa ka soo fuqay hadalkii mudo daqiiqada ah qalbigiisa ku duugnaa waxaanu si aad soo jiisha uleh ugu celiyaay barasho wanaagasan abaayo magacaygu waa Osmaan Raaqiyo ayaa ka gudoontay si xishood ku dheehan yahay , waxaanu hadalka ku sii daray Manaal aad iyo aad baad ugu mahad santahay abaayo sida sharafta leh aad noo soo dhawaysay , Manaal oo ah qof reer magaal ah oo aad u diyaarsan ayaa waxay goobta ku dhex tuurtay alaab ayaan hooska soo qabsanayaa ee iska sheekeeysta waxaanay u dhaqaaqday dhanka albaabka guriga waxaanay kula sii kaftantay intay sii socotay gurigu waa gurigiina ha is martiyeeynina ,

Osmaan iyo Raaqiyo goobtaa ayaa ku waynaatay guriga ayaa ku balaadhay kii xishood ahaana weerar ayuu soo qaday kii jaceel ahaana mukeefkiisa qaboowaa ayuu ooda ka soo qaaday waa la isla aamusay , halkaan ka baxaa meel Alle ayay maraysaa xaaladu , xiwaar intee in la eg ah ayaa dhex maray Osmaan iyo Raaqiyo wajigan cusub muxuu noqon doona ?

Allaahu Aclam Bimuraad

Part 7

 

Sida ubax dhalaal badan

dhaayahaygu kuu jecel

wax dhantaala quruxdoo

dhagtu diido ha oran

dhamaantii jacaylka

sidii shiikh cilmiga dhiga

ayaan kuu dhagaysataa

dhadhami Raaqiyo caashaqa

dhadhami Ruuxii dhabkuu dhibta looma quuree,

Yaa halaa Yaah ahaal ila soco

Osmaan waxaa hortaagan Qaab dhismeedka aadka u quruxda badan ee illaahay u sameeyey Raaqiya Midabkeeda indhahaaga soo jiidanaya, sanqarooka jaaheeda suunayaha isku dhagen ee ay deeqda u heshay, indhaha aad ka u qurxoon ee xishoodku daboolay, waa nasiibka aduunyo ninkii Raaqiyo hellaa, Madhabaa mise waa dhalanteed Osmaan Diiceey waxaa hortaagan arin aanu qiyaasi Karin , yaaaaaaaaaa salaam

Osmaan waxaa qalbigiisa ka dhex yeeraya, hoowlahan igubayaa ma wax dunida gaadh sii saanbaa , Ma wax aniga ii gaaraba kala garanba waaye hoowshiyo dhibkaan qabo Guuloow iga Gargaar,

Sidaan hore usoo sheegay Osmaan iyo Raaqiyo goobtaa ayaa ku waynaatay guriga ayaa ku balaadhay kii xishood ahaana weerar ayuu soo qaday kii jaceel ahaana mukeefkiisa qaboowaa ayuu ooda ka soo qaaday waa la isla aamusay , halkaan ka baxaa meel Alle ayay maraysaa xaaladu , xiwaar intee in la eg ah ayaa dhex maray Osmaan iyo Raaqiyo wajigan cusub muxuu noqon doona
 
 
 Fadhigii gurigu wuu sanqar beelay waa indho aan is fiirin karin daahii Cishqiga ayaa kala dhex galay , codku wuu soo bixi wayay mudo daqiiqada ah ayaa lakala aamusnaa , Osmaan ayaa wuxaa ka soo fuqay hadal aad u qaboow waxaana afkiisa ka soo yeerey Raaqiyo soo dhawoow walaashay barsha wanaagsan isagoo markii hore u dhashay nin aad aftahan u ah, waxaanu meesha ka furay hordhacii jaceylka cusub lagu yaqaanay isagoo ku soo hal qabsanaya aduunyada waxaanu hadalkiisa u sii riixay sidan

Raaqiyo walaashay barashadu waa shay qaali ah oo qofkasta hor imanaysa waxaan nahay dad dhalin yaro ah, dadkana labadii is qaadi karta oo naftoodu is raacdo ayaa wada rafiiqi kara ama sheeko wadaagi kara waxaana makhraati madoon ah in dadkan aad argtay ee aduunku ku nool ee saaxiib layahay ee la isqabo ee wax la isku darsanayo ,inta meel ku wada dhalatay way yartahay 2 qofba maalin ayaay is bartaan ok barasho wanaagsan , lasoco walaashay qaali dareenka naftaydan ku soo dhawoow macaanto waxaana ku tusaa barshadu inta nooc ee ay u qaybsanto ,

Marka xigta barashadu waa 2 laba nooc 1 … kubartay oo kaama haro , 2…kubartay oo kuuma soo laabto, hadaba waxaan kugu soo dhawaynayaa Raaqiyo abaayo barasho aad u xiiso badan oo ka soo maxaatay qalbigeeyga waxaana kuu sidaa hadiyada naftayda ugu qaalisan waxaana kugu bushaaraynayaa qalbigayga inuu boos mahiim kaaga banaan yahay naftayduna ay kuu baahantahay dareenkayguna uu kuu soo jeeddo dookhaygunu uu ku hortaagan yahay indhahayguna ay ku janteen dhagahaygu ay maqalkaaga u baahan yahiin ,

Waxaana usii raaciyaay murti ku soo maaxatay qalbigiisa intaasan u jaawibin Raaqiyo oo dhabanka iyo gacanta isku haysa oo Roobkii jaceelku biya dhigay ileen jaceelku waa nabare

dhalaan sabi lamoodyey

dheehaaga wacaan baa

igu dhaliyaay caashaqa

dhayal ha u malaynine

dhabarka iyo laabtaba

adigaa dhex jiifoo

dhuuniga ma cunikaro

dhanka aad xigtaaban

dhidibada u aastaa

dhaayaha ku fiirshaa

Raaqiyo oo aad ula dhacday hadalka murtiyeysan ee ka fatahaya Osmaan aadna u miisaamaysa Xikmada Afkiisa ka baxaysa iyo Qiirada ka muuqta indhahiisa ayaa waxaay ugu jawaabtay Osmaan aboowe waan dareemi karaa marxalada aad ku jirto waxaana kuu sheega walaalkay horta waan kaa gudoomaya barashadeena cusub ee aad buugeeda furtay wana runtaa laba qofkasataa mar lee is bartaan waana kaa gudoomay barashaadii aadna waad ugu mahadsantahay hadala murtida leh ee ka maaxanaayay qalibaaga waxaan kuu sheegaa abaawe Osmaan waxaan joognaa Guri aan marti ku nahay xiliguna waa xili danbe waxay ku dhoowdahay 11:30 kii habeenimo waxaanad qalbiga galisaa waa maalinkii ugu horeeysay barashadeena , waan kaa dhagaystay hadalkaagii waana fahamay waana ideeqay hadalkaagu aboowe macaane waxaan wataa hal codsi ee waxaan kaa rabaa inaad iiga ogalaatid ?

Osmaan wuxuu ka ogalaaday codsigii Waxaana Raaqiyo hadalka ku soo afjartay iyadoo wakhtiga fiirinaysa sidan Osmaan aboowe waan qaatay hadal murtiyeedkii aad naftayda ugu tala gashay waxaana kaa codsanaya aboowe macaan inaad wakhti isiiso calashaan fursad aan kaga soo fakaro waxaana inoo balan ah habeenka isniintu soo galayso hadii ilaahay ka dhigo 7:fiidnimo ,

Oday Osmaan ileen aduun hoowli kama dhaamaato , Gacal Haween Nimuu Gallaa Hurddada Aan Gama Kasiinee Gargaar Guulaan ka sugayaa , Osmaan isagoo ka Caga jiidaya hadalka Ka soo yeeray Raaqiyo ayuu wuxuu ugu jawaabay abaayo macaan waxaba kama qabo waxaa inoo balan ah habeenka isniitu soo galso hadii Alle idmo .

Osmaan waxaa ku tagaan Maxay noqon doontaa jawaabta ka Raaqiyo ka soo yeeri doonta illaahoow sidii roon

Part 8

Raaqiya iyo Osmaan waxay ka soo baxeen gurigii Manaal ee ay kulanka ku yeesheen , guriga Manaal waa goob cishqi , waa dadku waa dad jaceel dareenka meesha yaal xasaasi farxada iyo xishoodku meeshay ayaay shirib ku leeyahiin mukeefka caashaqu wuu shidan yahaay dabeel macaan ayaa socota lama qiyaasi karo jawiga xiligaas lagu jiro geerka Osmaan makala go’aayo dooq iyo jaceelkuba dadka way wadaageen xadhigiisa aaminka waa la wada hayaa , waxaa meesha ka muuqda sawiro jaceel oo aad u qurxoon Osmaan wuu is celin waayeey xigmada rabaaniga ah ee ka fatahaysa alla Dareenka caashaqu noocyo badanaa

hadda iyo habeenkii

hubqaadkaga inanyahay

hablihii hareer mayra

haybaada quruxdaleh

hayb shaa habooneey

hubsadoo dhankaygana

hubaal weeye caashaqu

hawraarta sheekadan

heenseeyaay galab hore

Raaqiyo waxaan ku leeyahay

helistaadu waa dahab

hareertaada ila qabo
 

 waa la isla faraxsan yahay raaqiyo qiiro jaceel ayaay dhex dabaalanaysa Osmaan waa ka daran yahay gacamaaha la si haystaa sidii laba mudo badan wada joogeey habeenkaasi tilmaamaan ,sida geenyo uguboo xadhig lagu gingimaybaa gurxamaa habeenkii ilamo gobo ka siiyaa ,Raaqiyo waxay hore usii raacaday doontii jaceelka waxay kaga degtay gurigeeda hortiisa waxaanay meesha isku maca salaameyeen Osmaan oo hoos fiirinayaa , xiligaas waxaa socotay naacoow qaboow oo qalbiga kaaga dhacaysay waxaana dhagahiisu ku soo celcelinaayeen maqalka aadka umacaanaa ee daganta soo jiidashada leh ee ka ka soo baxayaay Afka Raaqiya ,waxaanay Raaqiya u sii dhaaftay Osmaan habeen wanaagsan, , Osmaan isaguna sidii lagu yaqaanay ayuu ugu deeqa macaanto habeen wanagsan waxaa inoo balaan habeenka isniinutu soo galayso iyo xilgaan balaanay haduu ille idmo

Raaqiyo waxay garaacaday gurigooda intuu taagnaa osmaan markii laga furay guriga gacaantaynay kor u taagay iyadoo macasalaamay naysa raaqiyo

 waxaa gashay gurigooda, Osmaana Diiceey wuxuu u sii hadaafay dhankaa iyo guriguu ku noolaa , Raaqiyo waxay gashay guriga iyadoo saaran faraska cishqiga oo aad xawaare u jaraaya waxaanay dusha uga baxaday sariiteedii waxaanay hore ka gashay hawadii qaboowga badaneed ee qalbigeeda ku dhacaysay waxaanay iyadoo aad ula dhacsaned sida aadka u soo jiidashada leh ee dhagaheda ugu dhacayeen hadalka xigmadeeysan ee ka soo maxaanaayeey qalbiga Osmaan waxaanay qalbigeeda ku qancisay walee waa isu qalanaa waana qof ii qalma

Iyadoo sariirta ku jiifta nafteedana udaarta cajel sheeka ah ,waxaay qiimaysay jawiga aadka u macaan nafteeda ku furnaa, ayadoo Riyadeeda ay u sii dheereed in qalbigeeda iyo nafteedaba wax aad u naxariis badan ku soo kordheen, Raaqiyo habeenkii oo dhan may seexan waxaana ku soo noq noqnaayay hadalka Osmaan waxaanay ka samir waysay oo hortaagnaa indhaha Osmaan , waxaana aad ay ugu muuqatay Qiiro qalbiga soo jiidanaysa waxaanay habeenkii oo dhan ku shidnaa cajelkii jacaylka oo hurda la’aan ku noqday sidii caadiga aheed kama madhan dareenka caashaqu , waa habeen aad u dherer badan waxaa ku yeeray Eedaanka salaada subax Raaqiyo waxay isu diyaarisay salaadii subax marka faralkii iska bixisay waxay ku darsatay 2 ragcoo suna ah iyadoo ilaahay ka tuugaysa haduu Osmaan khayr uyahay inuu us sahlo hadii uu shar u yahayna uu ka leexsho , Raaqiyo waxay iskaga noqtay doonidii jaceelka

Osmaan wuxuu ku socday xawaaro badan wuxuu dhex dabaalanaayay bad weeynta jaceelka ima oga meel uu maraayo wuxuu in badan dhaafay gurigiisa ileen waa dakhar jaceel oo diyaarad saarane wuu istaagay wuxuu dareemay inuu xafadiisa soo dhaafay wuu qoslay hadana hareeraha iska fiirshay shaydaanka iska naaray , dib ayuu u soo orday gurigiisa ayuu soo garaacay waa lagafuray wuxuuna hore ka galay qolkiisa habeenkaas muu caasheen Oday Osmaan dhankiisu ka fuulay doonta jaceeelka isga iyo Raaqiyo waxay ka wada hawada sare ayaay ka sheeysanayeen waxaay joogeen aduunyo kale waxay ku jireen hawo qaboow oo aan dhamaaneen , qofba qofka kale ayuu ku soo maqnaan waxaa hortaagneed Osmaan suurada Raaqiyo hadal macaani deeda illeen dabeecada iyo hadal macaanida waa loo kala dhashaa Raaqiya iyo Osmaan waa laba qof aad u diyaarsan hadaba maxeey noqotay natiijad Uu ka sugaayeey

Part 9

Oday Osmaan wuxuu dhankiisuu ka fuulay doonta jaceelka isaga iyo Raaqiyo waxay ka wada haa saawayeen hawada sare waxay joogeen aduunyo kale.waxay ku jireen hawo qaboow oo aan dhamaaneen , qofba qofka kale ayuu ku soo maqnaa waxaa hortaagneyd Osmaan suurada Raaqiyo iyo hadal macaanideeda illeyn dabeecada iyo hadal macaanida waa loo kala dhashaa Raaqiya iyo Osmaan waa laba qof oo aad u diyaarsan,

waxuu Osmaan Riyo macaan dabaasho saacadba saacad udhiibto daqiiqadba daqiiqada ugudubto waxaa la soo gaaaray maalintii danbe uu Usaagayay ee Isniinta ,waxaa u barayaay waa cusub oo wata amuurtisa ileen waa aduunyo way talo sii gur guurtaba waxaa laga gudbay xigligii qadaada ilaa casarka, wuxuu Osmaan isku boojeeyey guriga waxaanu maqribkii ka soo baxay guriga isgoo aad moodo inuu cawa aroos yahay sida uu usoo labistay ileen dharkaagu way kula barya tagaan sidaan hore u soo sheegayna labisku waa ka badh quruxda Qofka bin aadanka .Osmaan wuxuu isku daayaay dhankaa guriga Manaale ee uu balaanta kulahaa intuu jidka ku soo jiray waxaa iska soo gurmay sacadaha hii yaraa ee ka haray xiligii ay balan sanaayeen isaga iyo macaantiisa waxaana hortaagnaa sawirka Raaqiya cadeey ,

Dhexda qabatinkeediyo suuniyaasha lagu qoray

waa loo Qushuucaa samaanbaa laguu dhigay

sida qaanso roobaad ku qafilan daruurtiyo

quruxdeedii leedahay sida qiimo farasoo

qufulkiyo jarahii baran

dhibka kuuma quuree

qamuunyada jaceelkana qarsan waayay awgaa waaaw
 
 Osmaan wuxuu soo gaadhay gurigii balanta uu kulahaa sidiisaba Osmaan markan siduu u faraxan yahay ma malaysan kariti wajigiisa waxaa ka muuqta aktifnimo firfircooni saayid ah nuurkisa ayaa baxaaya , wuxuu soo foorsho oo soo heesaba Osmaan wuxuu soo istaagay gurigii Manaal cadeey oo xidhiidhiye u aheed Osmaan iyo Raaqiyo Maan shaa alaah sidaan hore u soo qadanay Manaal waa furaha jaceelka Osmaan iyo Raaqiyo daah masaarna taasi , Osmaan wuxuu qabtay gan baleelka guriga isgoo isu diyaarinaya inuu cawa jawaabtii kama danbesta aheed ee jaceelkiisa soo qaato , ileen Raaqiyo waxay ku kala tageen aan ka soo fakaro aboowe jaanis isii waxaa  ku tagaan  falaadhii balanta ,Osmaan qalbigiisuna wuxuu u sheegayaay inuu hantay oo gacantiisa ku jirto Raaqiyo sida uga muuqatay wajigeeda . sikastaba ha ahaatee wuxuu soo garaacay gan baleelkii guriga Manaal waxaana ka furtay gabadhii yareed wuu salaamay waxaanu hore ka waydiiyaay Manaal iyadoo aan u jaawbin ayaay kijada ka soo baxaday Manaal waxaanay wajiga kaga dhufatay salaan iyadoo u sii raacisay soo gudub aboowe , Osmaan waxaa ka soo fuqay hadalkii iiwaran Manaal abaayo caafimaadkag ayaa la iska wareeytay Osmaan wuu is celin wayaay wuxuuna sikaftan ku dhahay abaayo waan naxay waxaan is dhahay Manaal way maqantahay lakiin nasiibkayga ayaa aad u fiicnaa wan ku helay, Manaal aad beey u qososhay waxaanay dhaday aboowe waan ka xumahay waan kugu tashaanaayay inaad imanayso lakiin hoowl yar ayaan hayeey

Manaal way istaagtay waxaanay ukeentay cabitaan kii oo isbiishal ah meeshii ayaay ugu shubtay cabitaankii wuu iska cabay cabaar ayaay sheekaysteen Manaal , wuxuu intaa fiirnayay sacada nus saac markuu fadhiyaay ay sheeko raaxada u qaday Manaal ayuu is celin wayaay waxaanu dhahay abaayo macaaney ,Malaha ma soo socoto Raaqiyo ?

Manaal ayaa ugu jawaabtay aboowe intaadan iman ka hor ayaan wacay guriga way ka maqneed lakiin waxaan u maleeynayay inay dhankagay soo aaday ila hadana ima soo gaarin gabadhaha guriga joogana waxay ii sheegeen inay hoos u soo dagtay bal waan ku celinaa tilka isug aboowe ,

Manaal waxay soo qabtay telka waxaan garaacaday tilifoonka Raaqiyo waa laga qabtay bacada salaan waxay waydiisay Raaqiyo inay timid iyo inkale waxaanay Osmaan u soo gudbisay inay maqantahay . Osmaan aad ayuu u xumaaday wajigiisuna wuu is badalay hadan wuu is dajiyaay isgoo isku qan cinayay , wuu iska aamusay cabaar goortuu fadhiyaay ayaa waxaa yeeray ganbaleelka guriga ama jeleska guriga sidaad u taaqano waxaa ka soo baxay neef isgoo qalbigiisu u sheegay inay tahay Raaqiyo qofka alaabka soo garacay Manaal oo aad ugu xuna maqnaashaha Raaqiyo ayaa booday oo albaabka furtay iyadoo is waydiinaysa toolow ma noqon doontaa . nasiib xumo wuxuu noqday nin masri ah oo sida fatuuro ama boono sidaad u taqaano oo ay Manaal tifoono ku dirsatay ,qalbiga ayaa qac dhahay Osmaan Manaal iyadoo aan hadalin ayaay ninka Boonada ka qaday waxaan hore u gashay guriga iyadoo u soo qaaday lacagta .

Osmaan waxaa ku yeeray muusig aad qalbigiisa u gubaayay waxaanu madaxa u rogay hoos Manaal aad ayaay uga naxaday markay argtay Osmaan siduu u qalbi jabasan yahay iyadoo u malaysay inuu ilmeeynayo, Manaal aad ayaay ugu soo dhawaatay waxaanay hoos u dhahday aboowe macaan waan ka xumay lakiin waxaan ogahay inay Raaqiyo ay kaa heshay kuuna baahantay qalbigana ha iska jabin aboowe . Osmaan waxaa ka soo maxaaday qalbigiisa xigmadan !!!!!!!!!!!

hoodiyo nasiibiyo

hor alaan adeegsaday

hanfadoo habeenkii

hambalyada jacalkaa

hurdo iga ka xeeysoo

heesaha macaanee

hobalada onkadayaa

heelada ku tirayaan

habshaa habeenkii

naftu waxay ku leedahay

Raaqiyo cadeey

helistaadu waa dahab

Manaal Abaayo macaan Raaqiyo waa Ubaxii jaceelkee indhahaygu u baahnaayeen abaayo lakiin waan iska sugaa hadii ay timaado iyo hadii kalaba .waa qof dhalinyaro ah dan ayaay yeelan kartaa meeshna dan ayaa loo joogaa , Manaal aad ayaay ula dhacday Samirka iyo iimaanka ku dheehan Osmaan waxaanay dhahaday aboowe waxaan ilaahay kaaga baryaay inuu Riyadaadda kuu rumeeyo , waxaa tahay qof aad u iimaan qabo ismaan laheen somalida qof sidan dhan daacad u ah ayaa laga helaa xigalan lagu jiro , OSmaan waxaa ka dhex guuxayo hadalladii Raaqiyo ay ku kala tageen iyo siday balanta uga qaday ee aadka u cusuleda iyo sida ay uga soo bixi waysay balanta, waxaa is riixay wakhtiga Manaal telifoon way ka daashay siday ugu cel celinaysay waxaa saacadu cagacageeysay 10 :00 kii fiidnimo OSmaan wuu xishooday. waxaanu Manaal ku dhahay abaayo waan iska sii baxaa hada waa xili danbe Wakhti kale ayaa ka badan Bari ayaan ku soo maraa wana iska sii baxaa.

Manaal ayadoo ka xun ayaay kacaday waxaanay ku dhahadya aboowe macaane habeen danbe anigaa kaa balan qaadayo iigu imoow guriga wakhti horana ii imoow bacada maqrib iska imoow waxaad iigu ima naysaa Raaqiyo ama war buuxa anigoo kaaga hayo ,

waa hada iyo Murugo horleh fakar iyo wakhti dheerad ah dareenka caashaquna wuu ku sii siyaadayay marba marka ka danbeysa waa hada iyo koow 1 wuxuu meesha ku macasalaameeyey Manaal , waxaanu u soo jiitamay dhankaa gurigiisa cawa iyo habeen hore farqi ayaa u dhaxeeya habeen waad farsaneed cawana murigo jaceel ayaa jaakeed kuu galisay waa iska aduunyo ADIGOO SUGAYA AYAAY KU QADIN . ADIGOO SAMRAY BAY KU SIIN way iman ayaantaan ALLE AAN KA SUGAYAY ayuu isku qanciyaay.Wuxuu soo garaacay gurigiisa wuxuuna hore isga galay qolkiisa muusa casheen cabitaana daa hadalkiis isga iyo sariirtiisa iyo barkiintii jaceelka , siduu u sheekaysanayay ayuu habeenku kala wareegay , Wuxuuna sariirta ka qadayay Ayadoo Habeen Bara Intaan soo baraarugay baalahay ka eego ,Markaan bixiyaay faynuus ileen baabah weeye barkimada dagaale ,Bar wadanaha ku taaloo igu Baahday Weeye Boodhari sidiisii Barashada Jaceelkana iyadaa Igu beerto ,

Osmaan waxaa hortaagan gabadha Raaqiyo aheed maxaa ku dhacay shaki jaceel ayaa Galay wuxuu is dhahay Armaa laguugu diray ? jawabtu waa…. yaa isku kiin yaqaana , armay kaa maaran tahay .? jaawbtu waa . soow kuuma sheegteen toloow maxaa ku dhacay ee ay kaaga maqantahay ………………..hadaba Raaqiyo way gooysay ee maxuu Osmaan ka filan doonaa kulankooda danbe sidii roon rabaa Oge walee aniga lay Raray !!!!!!!!!!!!

Part 10

Habaar  sow  isheeydu maqabtoo  iyadu  iimay  horseedin . halistu so afkayg  mahoo intaa ku hadaa qimaayo ,  Osmaan  waxaa  naftiisa  la sheekaysto   oo  maskaxdiisa  mashquliyo waxaa  la soo gaaray    maalinkii  danbe .wuxuu  fiirinayaya  wakhtiga  ay  balamisay Manaal  oo  aad  ugu daddaalleysay  siduu gacanta  ugu dhigi lahaa  Raaqiya .Manaal  waxay  aad  ula tacajabatay  sida  daran  ee  jaceelku  u hayo   Osmaan  iyo sida  uu  u qiimaynayo  una qadarinayo  jaceelka   uu  uqabo  Raaqiyo  , ileen qalbi jaceelgalo  ma quustee   , wuxuu  afka saaray  gurigii naftiisu bartay  waxaanu intuu  jidka  ku  jiray  ku soo hadaaqaayeey , geeraar  googoos ah  Naftan hibashadeediyo  maxaa jaceelkan  igu  diray, Mahungoobo caashaqa la hayaa  hareeraha  marka  lab  u heeleni  hagyaan sidii  Qays  iyo laylo iyo qaarkaloo badan

Osmaan  waxuu  soo    gurguurtaba  wuxuu soo garay  gurigiisa  jaceelka  ee ay  joogtay walashiisa  aadka  qaaliga  u ah  wuxuu  soo garaacay  albaabkii guriga  waxaa  ka furtay  Manaal  oo    farxad ka muuqto  wajigeeda .salaan ayuu la gaadhay  ,si dagen ayaay  uga  qaaday  , guriga  ayuu  isku  soo tuuray  wuxuuna fariistay    kurisigii  bilaa tacmiirta  ahaa   ee fadhiga  ,  waxaa loo keenay  cabitaankii  iyo   galaasyadii uu yaqaaney  .

Wuxuu diiradda  saaray  guriga , waxaa  uga dhex muuqatey  Raaqiyo  inkasata uusan  arkin  haddana qalbigisa ayaa  iska jecel ineey Raaqiyo guriga  joogto, waxaana  iska cad  ineey  wax  ku taagan yahiin ,  waxaana  dareenka  ku dhaliyaay  siduu    jawigu  u dagenaa,  wuxuu  cabaar  fadhiyo  oo cabitaanka   si murugo  leh u cabo

waxaa silama filaan ah  qolka uga soo baxaday Raaqiya  oo  qurux  la tiicaysa  oo aad u   labisan  daganaanta  ay u socoto  tacajab  uu ku dilaayo al qurux  badanaa  dumarkeenu mayray  diraca  cadaanka sitaan ilaahoow  noo dhaaf  ,   Raaqiyo waxaay isku soo  jabisay qalbka  isku soo haadka ee aadka u carfoon ee  ay  dumarku  raga  ku soo jiitaan , guraga  waxaa  ku shidan makuufkii qaboobaa ee jaceelka, Manaal  Qolkeeda  kama soo bixin waa  bilaa  qalindaar  goobtu  waa goob  jaceel, Osmaan waa  naf wax jecel  waxaa ku  ceshoomay hadalkii waxay  ku noqotay  mufaajaco  kamuu  fileeyn  Raaqiya  goobta waa kadis jaceel  iyo fareero caashaq fiidna  waa la  joogaa  ,intaysan hadalin  ayuu booday  oo  istaagy  waxaana Raaqiyo  afkeeda  ka  soo  baxay dhagahiisuna  aad  ugu  raaxeesteen  salaantii  macaanka baddan ay Qalbigiisa  ku dhex tuuray  !!!!!!

Aboowe  Cismaan  Qalbigaa  ku salaamay !!!!!!!! OSmaan  Abaayo  Raaqiyo  Fayoobi  lagaaga  Qaad  €¦€¦€¦Waxaay  Raaqiyo  gacanta  ku siday Haddyadd  Bushqad   ku  jirta  Mayaqaano  wax ku jira  gacanta ayaay  u soo taagtay ayadoo raaciysa  aboowe  macaaney  waa  had yad aan kugu tala galay  ,  waa la isla  fadhiistay , waa la  isku soo dhawaadey  Qofba  Qofka  ka kale ayuu  ku maqan yahay  indhaha  la  isma  siinkaro  daaddkii  jaceeylka ayaa  la dhex  fadhiyaa . Osmaan  wuu  is  celin waayeey  waxaa  ku soo  maaxatay  murtidan  dareenka xanbaarsan xaaladu way cakirntahay  waxaan  qalbigiisa  ka buutacay isagoo hoos  fiirinaaya

Dhool iyo  hilaaceey

Dheeman iyo luuleey

Dhayladii   jaceelkay

Dheeftii  naftayday

Dhaqankii  haweenkay

Dharaar iyo habeenkii

Dhanbaalada jacaylkaan

Dheefkaaga dhigayaa

Dhaayaha  indhahaya iyo

Dherer kaad  u dhalataan

Dhaka faar ka qaado

Dhuuniga  macuni karo

Waxa aan la dhaygagay

Dhoola ka qosolkagee

Dhayal ha  u malaynine

Waa laygu dheer yahay

Dhankaad iga  xigtaabaan

Kugu soo dhadhabayaa

Dhabtay weey caashaqu

Dhabankaaga  xadaleh

Igu dhaliyaay  heelada

Dhaartoo  ma hadhi karo

Raaqiyaay isoo eeg

Raaliyooy  isoo  eeg

Osmaan  waxaa  ka socoto iline  aan xad  laheen  Raaqiyo  Qalbigeey  ka ilmeeynaysaa Marxalada  lagu jiro way  Qiyaas beeshay  Raaqiyo way is celin waysay  waxaanay fiirisay  marxalad   culus  uu ku  jiro  Osmaan,  ilintii  qalbigeeda  ku  qubaneysa ayaa  banaanka  u soo booday  , waxaana goobtii  qabsaday ma  hiigaan  jaceel ceeryaanta qirada   waa la is  arki wayeey Waa  Dhado  jaceel.  waa  Awlaad jaceel dhaley  udgoonkaad  ka gartaa  Raaqiyo  waxaa  ka fatahay  xikmada  murtiyeeysan oo  aysan isku  oqoon geeraar ayaay  ka wagac siisay  aydoo   aysan ogeen  meel  ay  maryso  cagahana  kula jirta  badweentii jaceelka  

Onkod iyo  hilaacoow

Iftiinkii  naftaydoow    

Indhahayga deeqdee

Oofaha  jidhakayana

Adigaa dhex  jiifoo

Oomateed ma cuni karo

Osmaanoow   il waadoow

Qalbigaad  dhex qaadoo

Ilinbaa iga socotoo

Ollolbaa Igu shidanoo  

Omosbaa iga baxayee

Osmaanoow  isoo eeg

Macaanoow  isoo eeg

Awlaad jacayl dhalay

Oogadad  ka gartaaa

Alaa  yakhaliik  waa  la si bareejeeyey  kubadda   waa la isu baasaay Osmaan fadhiga ayuu ka soo kacay  wuxuuna soo qabtay mandiil meesha  yaalay  ilinta ayuu kaga  tir  ritay. Raaqiya  oo  aad  u qiiraysan ayaa garbasaar cad ay sidtay ilinta  kaga  tirrtirtay  dhabankana  mac  ka siisay aydoo leh.  Qaaligii naftaydoow  waxaad tahay  Ayaan dhalad  nin nasib leh baad tahay €¦. intaan noolaa  ma arkin  qof  Qalbigeeyga  Qiyaas  jaceel  ku  qabsada lakiin  manta  waxaan dareemey  inaad tahay Qof naftayda  boosku leh ,Osmaan  oo ilaa hada  ilintu aysan ka  dhamaan farxad  darteed ayaa  u sii raacaayay .MARKAAD  ILA  QOSLEEYSO LAABTU WAY QABOODAA  MARKAAD  IGA QARSOONTAHAY  WAA  II  QASAAROO QALBIGEEY DHEEDISA IYO WADANAHA AYAA QIIQ  KA BAXAYAAA €¦€¦€¦aad baan kaaga mahad  celinayaa  macaaneey  sidaad  naftayda  u bad baadisay  €¦.wuxuuna  si kaftan  ah ugu sii raac shay  Raaqiyo  dadka  wax jecel tareen ayaay  isu  dhigaan  , cimaaraad ayaay  iska soo tuuraan way is  gubaan ,wabiga  Niilka ayaay  isku tuuraan , lakiin anigu waxaan ku sigtay inaan baaskeel isu dhigo  €¦€¦€¦Raaqiyo aad  ayaay u qososhay  gacantiisa ayaa  soo qabtay  markaas ayaay  mac  sisay  waxaan dhahaday

Part 11

Akhristoow waxaay sheekadu inoo maraysay Qaybteedii 10aad halkii ugu macaaneed ,Osmaana wuu gaaray hadafkii uu lahaa waxaanu gacanta ku dhigay Qalbiga Raaqiyo . waa la isku qanacsan yahay waana la wada faraxsan yahay waxaana hadalaka Osmaan ugu danbeeyey xigmadan carabkiisu soo qabtay dhagaha Raaqiyana ay ku raaxay sanayeen

MARKAAD ILA QOSLEEYSO LAABTU WAY QABOODAA MARKAAD IGA QARSOONTAHAY WAA II QASAAROO QALBIGEEY DHEEDISA IYO WADANAHA AYAA QIIQ KA BAXAYAAA ………aad baan kaaga mahad celinayaa macaaneey sidaad naftayda u bad baadisay ….wuxuuna si kaftan ah ugu sii raacshay Raaqiyo. dadka wax jecel tareen ayaay isu dhigaan , cimaarado ayaay iska soo tuuraan way is gubaan ,wabiga Niilka ayaay isku tuuraan , lakiin anigu waxaan ku sigtay inaan baaskeel isu dhigo ………Raaqiyo aad ayaay u qososhay gacantiisa ayaa soo qabtay markaas ayaay mac sisay waxaan dhahaday geeraarkan jirkiisu la dubaaxshay
 
 
 hoow shaan la wada qaban hore uma dhamaatee.
hoobaan la moodyoow libin haleelnee ,
hafeefta cishqi soo marnee Aan hanbalyeeynee
Hibasho soo dhaaf Hadaan is helnay caawa
macaane dhinacayga waad iga heli jaceel dhameeystiran

Waa la isla faraxsan yahay ,waa la isku dhiimay ,waxaa la dhex jiifaa beertii jacaylka . goobtu  way shidantahay nuurkeeduna meel dheer buu ka muuqdaa, Geesi ilaahay meel xun ma dhigo , wuxuu u qaadan wayaay murtidan ka soo fatahaysa macaantiisa iyo sideey uga muuqato wajigeeda  qiirada jaceelka ………….wuxuu Osmaan umaleeyaa inuu Riyo ku jiro , waxaa   sir rasimi ah loo wadaagayo hadhuubka caashaqa , doontii jaceelkuna ay goordhoow goosan rabto .

wakhtigu waa xilidanbe,  Osmaan iyo raaqiyo ileen waxaa ku soo butaacay dadkii jaceelkee waxaana saacadu ku sii dhoowdahay 12:30 kii habeenimo waxaa meesha la dhamaystiray cabitaankii loogu talagalay  . waxaa banaan ka u soo baxaday Gabadhii gurigeeda  marita  loogu ahaa . Waa Manaale goobta ayaa lagu soo dhaweeyey . kursi u dhow ayaay soo fadhiisatay waxaa meesha ka muuqtay farxad iyo raynrayn xishoodkuna kama maqneen . Osmaan ayaa goobta hadal ku dhex tuuray waxaanu dhahay abaayo Manaal waad mahad santahay sida aad noo soo dhawaysay,waan dareemi karaa sida  aad uga qayb  qaadtaday jaceelkayga Abaal kaagana ma gudi karo . Manaal way xishootay waxaanay uga baxaday hadalka aboowe waa iska cadi intaas iyo inkabaddanba waa la isku leeyahay , sacaada ayaa hoos loo fiiryaya waxaan la isku afgartay in la sii jiitamo .Manaal ayaa soo galbisay ilaa xooga ayaa soo dhawaysay waxaana la macasalaameyey Manaal . Raaqiyo oo aad u farax san ayaa Manaal labada dhaban ka sii shumisay sida  masr laga  yaqaano  waxaanay dhahayd abaayo janada ayaa inoo balanah ,

Waxaaa lasoo gaaray Guriga Raaqiyo aan sidaas u fogeen , waxaa meesha la isku dhaafsaday hadalla kooban oo kal soonida ka turjumaya , Osmaan ayaa ku hor maray . waxaanu dhahay abaayo macaaney cawa kawran jawiga aan  ku jirno  siday kula tahay …..Raaqiya oo  ilka cadeeynaysa xishoodna ku jiro ayaa ugu jawabtay Macaane aad baan u farax sanahay waxaan dareemaya nolol horleh inay ii bilaabantay dareekayga dhan dhankaaguu soo jiraa …………aad ayuu ugu mahad cilyaay Osmaan …..waxaanu dhahay.

Raaqiyo macaaneey aad bay naftayduna kugu baahan tahay isagoo u sii racaayay 1- 4- 3 oo ka turjumaysa I L O V E Y O U Intaad nooshahay Allaa YAKHALIIK  . waxaanu usii raaciyaay abaayo hurdo raaxo badan ayaan kuu dhaafay ,,,, Raaqiyo sidoo kale ayaay ku celisay .waxaanay u dhaqaaqday albaaka guriga, hadan  way ku soo laabtay macaankeeda — hab ayaay siisay ismay ogeen meel ay joogto.Osmaana sidoo kale . waxaanay Raaqiyo usii dhaqaaqday hooygooda iyadoo usii gacan haadinaysa meesha ayaa lagu kala tagay .

waxaanu Osmaan hore u sii fuulay Faraskii cadaa ee jaceelka isgoo cajeelkii macaanaa ee soo duubaytay hore usii shitay . wuxuu tagay gurigiisa waxaanu toos u abaaray sariirtii uu gaarka u lahaa isgoo ay ka muuqato farxad aan dhamaad laheen qalbigiisuna uu ku soo cel celinaayo hadal macaanidii Raaqiyo iyo sidii mufaajacada aheed ama lama filaankii aheed uu ku hantay Raaqiyo ..

waa aduunyo adigoo sugay ayaad kuu gooyn , adigoo quustay ayaad heli ….dhankasta ka filo ayuu isku qanciyaay waxaanu habeenkii ku seexaday farxad . Raaqiyo lafteedu waxaa lama filaan ku noqotay sida fudud ee ay qalbigeeda u siisay Osmaan oo aanay aqoon buuxda u laheen hadan waxaa Qiyaasta saartay oo Qiimaysay sida nafteedu ugu qanacday una Raali galiyaay nafteeda . waxaanay ku faataxaysatay Osmaan inuu yahay Xabiibkeeda Qalbigeda Nafteeda . iyo Indhaheedu kay jeclaysteen waxaanay dhabarka saartay kalgaceelkiisa iyo kalsoonidiisaba waxaanay hore ka gashayta direeskii qurxoonaa ee jaceelka dushana iska saartay kubeertadii cishqiga nabee waa dad jaceel ilanta goobtaa qubayta rooga ayaay Qoysay mandiilka waa la dhameeye   codkooduna wuu  is badalay habeenkaas   waxaan    meesha  ku  guuleeystay  jaceelkii  Osmaan   …Raaqiyana  way  ku qanacsaneed   hadabaa  waa   

wajigii  1aad   ee  jaceelkooda   maxuu   noqon doonaa    face ka  albaad  ama wajiga   2aad   ee  farxada   Osmaan  iyo  Raaqiyo  Â

Part 12

Dad Jacayl wadaagoo waji kala sugaayiyo Walaalaha is doortaa ma wiiqan kalgacalkee .

Dadyahow dacadu fiicaan .kalsoonidu Macaanaa. Rabitaanku kullulaa .Labaddii Daddaashaa Osmaan waa gaadhikaraan Raaqiyan waa u dhawaan karaan .waa jacayl oo waa dabayl dhankay doonto ayaay kaa qabanaysaa . Qofka wax jecelna waa naakhuude Doon wada oo badwayn ku jira dabayshu dhankay u kaxayso ayuu u raacaa ………

Raaqiyo iyo Osmaana sidan ayaa ka dhigan yahiin waa la is aaminay kalsoonida ayaa la wada qaatay  axdi  iyo balan ayaa  la  is dhigtay iga bixi allahayoow Caashaqu bad weeye ,

Osmaan wuxuu hurday in kabadan 24 saac wuxuu soo kacaayay  wakhtiga salaada iyo inta yar ee wax la cunaayo wuxuuno hore uga sii baxayaay sariirta jaceelka oo hurdo shirib ku leedahay Osmaan iyo Raaqiyo ismay maqal ismayna arkin habeen iyo maalin waxaana la soo dhaafi wayaay Guriga. illeen waa dad is jecelle xiisah kalgacalkuna meesha kama maqneen waxaa dabaysha la isu raacinayay fariimaha jaceelka , Osmaan Farxaddaa ka badatay wuxuu u qaadan wayaay Siday Riyodiisu ugu Rumowday waxaa Qalbigiisa Hortaagan Gabadh aad u Qurxoon oo hal mitir iyo sagaashan ah 1.90mtr waxaa dhagahiisu soo qabanayaan codkii macaanaa ee aadka u naxariista badana Ee Atariishaddiisa . Raaqiyo sidoo kale marna qalbigeeda kama bixin .Atooraha Akhlaaqadda loo dhemeeyey waxaanay ka samri waysay indhihiisa qiiradda jaceelka ka muqutay iyo hadalka naxariista leh ee dibnihiisa saran markasta
 
Habeenkaasi tilmaamane .waxaa la soo gaaray gallabtii danbe Osmaan oo Hurdo ka soo dhergay Maskaxdii Nasatay Daalkii jaceelku ka muuqdo ayaa soo labistay waxaanu afka soo saaray gurigii Manaal qoraxdu way soo jeedaa intuu jidka soo hayaay ayuu wuxuu wajigiisa soo istgaayay xishood wuxuuna is waydiiyay Manaal maxaad la hortagi . wuu fakaray wuxuu  go’aan ku qaatay  inuu wajiga horgeeyo una sheego inuu hurdo dheergalay .inkasta oo guriga balan ku lahayn hadan waxuu aamisana inay Manaal tahay Cajeleka dhaqaajinaya Jaceelkiisa garabana ku siisay Raaqiya. haddaba Waxa  kaloo  uu Go’an ku gaaray inuu ka dhul qaado Culeeska uu ku hayo Manaal madaama uu hantaya jaceelkiisa .hada laga bilaabana isaga iyo Raaqiyo ay iska aadan Xadiiqooyinka Jaceelka ee Qaahiro sida Wounder land. Xadiiqatu Difli . Xadiiqa Ahmed Curaabi . iyo Qaarkaloo badan ……….. ileen waa dad jeceele

Wuxuu soo fakaro oo isla sheekeysto wuxuu soo gaadhay gurigii , waxuu sida caaddada ah garaacay ganballeelkii Baytull Xubiga . Osmaan wuxuu sogaayay inay Manaal ka furto guriga Ama Qofkale …..lakiin nasiib wanag yaa ka furay albaabka ………yaakalle hee Macaantisa Qalbidiisa Honydiisa babydiisa ..wuu uqaadan wayaay anfariir bay ku noqtay  istoori ayaa ku dhagtay wuu dhaqaaqi wayaay wuuna ka jeedsan wayaay waxay ku notay mufaajaco .

Waa isla doonasho illaah . daqiiqado kadib waxaa dhagahiisa ku soo dhacay macaanee soo dhaaf. waxaana ka soo fuqday nafee hore ayuu usoo gudbay isagoo afkiisa wax hadal ah ka soo bixin , dadku way kala burji wayn yahiin Oday Osmaan codkiisu wuu sii diciifay gacanta ayaa hore loo soo qabtay waxaan la soo fadhiisayay kursigii guriga , waxaan  la is waydaarsaday  salaan aad   u  qiimo badan

Osmaan

Qalbigeeyga iyo laabta

indhahayga iyo nuurka

ayaa macaan ku sulaamay

Raaqiyo

kalsooni aad umacaan

ayaan kaaga qaaday

xabbiibi ee warkaaga isii

Osmaan dareenkiisu wuu is badalay wuxuu galay hawo aad u macaan waxaana dareenkiisu dhan ku maqnaa Raaqiyo waxaanu hadalkiisa ku soo dabaalay  ama  ku soo celiyaay  geeraankan  iyadoo  afkiisu  bartay amaanta   Raaqiyo  iyo  samaanteeda  iyo  quruxdeeda  waxaa   dubaaxshay  jidhkiisa   isagoo  gacalisadiisa  gacanta   ku dhagan  ayaa  waxaa  ka  soo fatahay   hadal  xikmadeedkan   waxaanu  dhahay 

Macaaney  Gobaad tahay  .

Gob Gobi dhashaad tahay 

Gacal iyo  Nimcaad tahay 

Geenyo  dahab ah baadtahay

Gayaan   malab ah baadtahay

Indhahayga baad tahay 

Qalbigeeygiibada tahay 

Dumar  idil ahaantood 

Midaan ka doortay baadtahay

Xayaati   albi   dareenka  naftada  dhana adiga ayaa   qatay . waxaad tahay  macaaney mid  nafteeyda  ku wayn  meelkasta oo  jidhkayga  ka mid ah jaceelkaan kuu qabo ayaay  la  dhaqaali  waysan  tahay   xayaati albi   aad baan kuu  jecelhaya,  me too  macaaney  ayaay   u celisay    Raaqiyo    jaceel  la ilmaynaysa   una qadan waysan  sida  uu  uga dhex baxay   Osmaan   iyo  siday  nafeedu   ugu qanac santahay 

Hadaba  maxay   kal  muteeysteen   Osmaan  iyo  macaantiisuÂ

Part 13

Xayaati albi dareenka naftada dhana adiga ayaa qatay . waxaad tahay macaaney mid nafteeyda ku wayn meelkasta oo jidhkayga ka mid ah jaceelkaan kuu qabo ayaay la dhaqaali waysan tahay xayaati albi aad baan kuu jecelhaya, me too macaaney ayaay u celisay Raaqiyo jaceel la ilmaynaysa una qadan waysan sida uu uga dhex baxay Osmaan iyo siday nafeedu ugu qanac santahay waxaay  qacka siisay  hadal murtiyeedkii  ku soo siyaday nafteeda  waxaanay habsami  ugu luuqaysa  geerkan  qalbigeeda  ku  soo maaxaday

Ma ogtahay hankay giyo

Hanaqiyo wadnaha

Adigaa  hurdoo

Ka dhex heesayoo

waxaad tahay hugii

dhaxan iga  hayee

hanaan quruxsanoow

hamigeeyga  helay
 
 Waxaay Raaqiyo jaceel la ilmayso Osmaana uu kalgaceel al qaracmo . goor cabaar ah kolkii la fadhiyaay ee la nafisay ayaa wuxuu Osmaan waydiiyaay sual xabiibtiisa ? Macaan badan sidee halkan ku timid kaama fileeyn hada waxaan rabay inaan Manaal kuu soo diro qalbigeeygana waad ku taagneed . Raaqiyo way ilka cadaysay waxaanay dhahaday macaane adigaan ku sugayay qofkasta oo guriga soo garaacana adigaan ku moodayaay nasiibkeeyguna wuu ku keenay shalay dhana waan ku sugaayay waanad iman waysay macaane  waanad  dareemikartaa  macaane  in  jaceel  I gubaayo  xayaati  .Osmaan  dhabanka ayuu  gacanta  ku qabtay waxaanay  kaga dhegtay  inuu   wajiga  Raaqiyo  iska fiirsado  cabaar  goortii la fadhiyo , ayaay  Raaqiyo  ku dhahayday  macaane manta  maxaa kugu dhacay waad  aamusantahay  mise  .

Oday Osmaan   hadalka ayaa  ka soo fuqay waxaanu  sikadis ah ku dhahay  Macaaney    Kalgaceeku waa qani  Qofba  si ayuu u  qabtaa meeshuu  iga asiiibay ayaan dhaweeyn lakiin . waxaan  ilaahay  ugu mahad celinaa  inaan helay   Qoftii  Naftaydu  Jamatay   jaceelkana aan  si  raaxale   ila  dhadhamisay  imaan lahayn  Raaqiyo  adigoo kale ayaa duunka  ku nool macaaney .labadii  macaankooda   qaybsada   alle  ha  inaga dhigo . see  kuula muuqataa nolshan cusub  iyo  jaceelkan  cusub  ee aan abuurnay macaaney  . raaqiyo  oo  indhahiisa  fiiranaysa  ayaa  ku celisay  macaanoow aad baan  ugu faraxsanahay waxaana dareemee  nolol  cusubo  oo aniga  jadiid igu ah  ama  new  igu ah ,qof sidan  qalbigiisu  dacaad u yahay ima soo marin  mana filaayo  inuu aduunka  dul  joogo , waxaana  kaa balan qaaday  inaan dush ku qaado  macaaney kalgaceelka aad  igashatay  axdi iyo balana waan kaa qaaday inaan marnaba  aana dayaceeyn  jaceelkeena . ee  cawa  maxaad  inoo haysaa .  oday Osmaano  waxaad moodo  inay Raaqiyo maalinkasta  ku cusub tahay ayaa cabaar aamusay intuusan hadlin ayaay  Raaqiyo  istaagtay oo dhahaday macaane  wax  yar isug . Jikada ayaay gashay waxaanay  hore u soo qaaday cabtaan  iyo mac macaan ay Osmaan  ugu tala gashay meesha ayaa lagu wada  cunteeyey.  Manaal cadeeyna oo  goorahabaa  gudaha  kaligeed  iska  joogtay salaan ayaay la soo dulmartay waxaanay  meesha  ka dhacay  happy party 30 daqiqo  ah mesha ayaa lagu wada bashaalay ,  OSmaan iyo macaantiisu waxaaney  isla fahmeen inay wareeg  gaban  la soo galo  madaamay kulee  aad  u daran  jiray malintaa  Raaqiyo oo raali ah ayaa   Manaal  u wacaday waxaanay  u sheegtay inay wareeg soo galayaan  iyada Osmaan.

Meesha ayaay  la isu macasalameyey  waxaana  laga dagtay   albaabka  guriga , Gacamaha ayaa  la is dhaafsaday . dhanka magaalada ayaay  afka la soo saray . cabaar  goortay socdeen  oo   laydhu  sifiican ugu  dhacdo Raaqiyo ayaa dhahaday  macaane xagee  aan  wajiga saarna  .Osmaan oo ah  saygeeda ayaay talada saaratay waxaana  la  isku af gartay  in laado  city centerka  oo fadhi wanaagasan leh.Waxaa hore   laga istaajiyaay Tax ,

Gadaal ayaay  koreen  15 daqiiqo kadib  waxay  gaareen city centerka  oo  ah  mool aad  u wayn oo  qaybo  kala duwan leh  oo  indhahaga so jidanay waxay galeen  gudaha  moolka   waxaa  la  wada fadhiistay   cafteeri  loogu talagay  Lamaanaha is jecel  Raaqiyo  wajigeedu aad ayaay farxad  uga  muuqtay  Osmaanna  ka sii daran   Waxay salka dhigteen  Qayb  Vip ah oo  aad   u qurxoon  waxay dhiibteen dalabkoodi  waxaanay meesha   ku galeen sheeko  aad  umacan badaan .Qofba   waxuu qalbigiisa  ku hayaay ayaa  la is dhaafsaday  meesha ayaa  la isku waafaqay inaysan  waxaan daacad aheen anay ku wada  socon  axdi  iyo balana  lagu kala  qaatay  inaan  Qiyaano  jaceel  la isku samayniin Wuxuu  aad  igu soo cel celiyaay  Osmaan marna  dhankayga  Qiyaano    jaceelkeena  iga kaa  iman mayso

Habeenkaasi taariikh reeb  waa   habeen   xasuus mudan waxaana  goobta  lagu wada qaatay  wakhti aad  u qali ah . waxaana  lakala xariiqaday oo lakala  saxeexday  isla habeenkaas  balan jacel iyo axdi   .Raaqiyo mabsuud ayaay aheed  Osmaana murtaax ayuu ahaa.  waa  goob  Farxadeed  waxaa  meesha  lagu sii qabsaday Films carabi ah oo  jaceel ah waxaanu wakhtigu isku sii riixay   1:30kii habeenimo 

Osmaan   wuxuu dhiibay  lacagtay qabeen  waxaanu  dhiibay lacag xajis ah oo dobowsad ah  inay  habeenka   jimcada  iman doonaan kursiga  oo ah  habeen  danbe wuxuuna ka soo qatay  boonadii lacagta u  ku bixyaya   waxaanay  usoo baxeen  banaanka  meesha ayaa  taxi  ka qabsadeen  waxaanay  isoo rujuuceen xafaddii   intay tagsiga  soo sarnaayeen ayuu waxuu  Osmaan   raaqiyo  iga sheekeeyey  hadii  labadeena  midkeen   kabaxo  balanta aynu kala qaadanay  waxaa  laga yabaa inuu axdiga uu qaday  inuu qabto oo nabsi  jaceel  meel dheer karido  markaa  waxaan  kugu  dhiiri galinyaa macaaney  inaan ahay   qofka kaliye ee  kuugu dhow  hadayicin jaceelkena  macaaney aniguna  sikasii daran ayaan  u xanbaar sanahay jaceelkeena  waxaa   la soo gadhay  xafada  mel  udhoow ayaay  Taxiga  kaga dageen waxaana  sidii cadiga aheed   ku soo maxatay   heestan  xigamada axdiga  iyo nabsiga  ka  turjumaysa

OSmaan oo aad  ucod macaanaa ayaa   si  hoos ah  ugu luuqeeyey  heestan  ka turjumaysa  axdiga iyo balanka jaceelka  lagu  qaato hadii  la isga  baxo   ama  Qof  jabiyo balankuu qaday  inuusan  ku liibaani doonin  Qofkasta  oo  la wadaago  jaceel  wuxuuna dhahay

Macaaney anigyo  adi

Axdibaa  u dhaxeeyoo

Ma Ogtahay  Midkeenii

Oofin  waaya wacadkii

Ifkoo lagu  kadeediyo

Abaalkiisu waa  naar 

ABuu  jahal  agtiisee

Bal ilaali  macaaney 

kalgacaalka  iyo axdigeena

Aakhiro dhib weeye 

kama  Eed baxayside 

iska ilaali  Qaali  axdigaad  iga qaaday  inaad meel ciyaar ah  kaga  tagto  aniguna qalbi  intaad  nooshahay waxaan  kaa  ilaalinyaa  dhaawac  inaan ku gaarsiiyo   dadkana waan iska xignaa macaaneey   .Raaqiyo  ilmeeynaysa ayaa  ku soo celisay  macaaney waxaan   joognaa  calaam taani   calashaan  aduunyo  kale ayaan  joognaa macaane  meel aan maraayo ma  aqaan waxaan kaa balan qaadaye  macaaney inaan  marnaba wax qiyaana ah kugu sameen  ee  adiga  dhanaakga  yaan layga soo dhicin macaaney  waxaana la soo gaaray  gurigii  waxaana  meesha  la isku dhaafsaday  gacmaha  iyo qalbiga  waxaan   la balamay  habeenka   jimcadda oo ah  habeen danbe   iyo goobta ay  soo xejisteen ee ay lacagta  dobowsadka ah  soo dhigteen inay  waxaanu   Osmaan Raaqiyo  usheegay  Inuu  sheeko   aad   umacaan inuu  uhayo  oo  tashi  u bahan .  Raaqiyo  hadalkumay soo celin 

waxaana  meesha   isku  sii  dhaafeen salaantii macaaneed   ee  kal gaceelku   ku dheehnaa 

Raaqiyo waxaay  gashay  guriga cabaar ayaay  nastay  waxaana  ku soo dhacay  sheekada   uu  Osmaan  u hayo  maxaay  noqon doontay

suaalo baan ayaa  hor yimid  Raaqiyo 

ok  hadaba  maxay   noqon doontaa  sheeekada  uu  uhayo  Raaqiyo allaaahu

Part 14

Dawanaha  la socoda  sheekada  aad baan  u salaamay   marka labaad  aad ayaan ugu  maha celinayaa   sida  ay ula socdaan waxaan xasuusinaya  inay sheekadu hada  inoo bilabantay   farikama qodna  jaceel dhawac galay maxaa lagu dabiibaa  maxay   noqon doontaa  natiijada  ama  macana  ay xanbaarsadntahay sheekadan  uu ku soo farayareesatay  abwaanka   aad  ka  u da’da  yare  c/naasir ahmed  Qayre  Abtiga   waxaay  inoo maray say sheekadu Qaybtii   13aad  hadan waxaan kuu sidaa    Qaybtii  14 aad  la socosho wanaagsan
 
Xiribaha  indhaha ee xanuunka igu beeriyo.  Camanada xayaadkee xadigoodu buuxiyo

Dibnaha hadalka xubin xubin kuu kala xisaabshaa

Xumada igu kiciyee hadmaan xeebta wada tagi macaaney xaaaaaaaaaaax

waa jaceeyl iyo dareen .dhookh iyo hilaac daymo macaan badan

.waa maalmo aad la isu xiisaynayo. waa kalagaceel iyo nasiib goob ku wada kulmay .waa isfahan lamaane is jecel oo dacad isu ah .waa laba qof oo dadka isaga dhoow . waxaa la wada saaran yahay doonta caashaqa

Osman hawada sare ayuu marayaa habeenkii xalay ahaa muu seexan waxuu sugayaay intay qoroxdu soo baxayso waxaa hortaagnaa goobtay fadhiyeen iyo jawigii daganaa ee ay ku jireen waxaa indhuhu ay ka seexan wayaay nalalkii guduudnaa iyo qaacii jaceelka ee hor maryaay waa dabay caashaq oo daris la noqotay Osmaan waxaan afkiisu soo qabtay sidaan ka baranay Osmaan amaantii Raaqiyo

Raaqiyo aragtidaadii cashaq soow imuu helin

sahwi igu abuurmoo seedaha jirkiyagiyo

saameey oogada sow daris lamaan noqon

sadiriga iyo laabtana jaceel sahal umuu dagin

safka aynigaagiyo kaa soocday dumarkoo

sare weeye dookhiye saatir ha isku keen simo

yaa salaam aamin ayaa ka soo horeeysa waxaa la soo gadhaadhay habeekii jimacada ee aya balanka wayn ku lahaayeen ,fadhiga weeyn ku lahaan. Moolka weeyn ee City Centerka ileen wakhtigu wuu is gurayaaye saacad Osmaan wuxuu hore usoo qaatay labiskii qurxoonaa ee birta ahaa kabahii birta ahaa iyo koofidiisi birta aheed waxaan afka soo saaray hooygeed Raaqiyo ku nooleed waxaay talo sii gurguurataba wuxuuu soo gadhay gurigii Raaqiyo wuxuu iska raad shahay kalya adeeg waxaanu garaacay gurigii Gacaladiisa waxaa islamarkiba ka furtay macaantisa aad ayaay u qososhay waxaanay dhaday soo gudub macaaney wuxuu iska fadhiistay fadhiga wakhtigaas Raaqiyo diyaar ayaay aheed cabitaan ayaay u keentay waxaan ku foorjeeysay macaaney maanta kaa fiican guriga ayaad isuku soo tuurtay mooni ayaad isku soo xidhay kkkk adigu Geesi ayaad tahay Alshabab waad ku biiri kartaa kkk madam aad sidan dhan u kalya adagtahay .

Osmaaan wuu ilka cadeeyey waxaanu ugu jawabay Macaan badan waxaan ogaa inaad adigu iga furayso waxaana kuu sheegaa kalsoonida aan adiga kaa qabo darteed ayaan usoo garaacay guriga markaa qalbi isii hee warka macaaney wakhtina mahaysano ee maxaan sugaynaa macaaney ? Raaqiyo macaaney diyaar ayaan ahay lakiin waxaan rabaa inaan kuu sheego maadam aan meel u socono waxaan jecleeystay in qof ina raaco oo cawa aan jaanis siino maadama aan xalay soo istareexnay kalsooni aan adiga kaa qabo ayaan macaaney u balan shay qofkaas see u argtaa Gacaliye ?

Osmaan wuu aamusay cabaar wuxuu fiirshay guriga waxaa jooga gabdho ladhashay Raaqiya iyo kuwo ay qaarabo yahiin isaga oo ka waalin waydiina qoftay tahay ayuu ugu jawaba waxba kama qabo macaney .Raaqiyo way ku soo dhawaatay dhabanka ayaa mac heer sara ah ka siisay intay is himaamtay isla wakhtiga shumisku dhacaayo wax goobta maryaay malaheen waxaanay dhagta ugu sheegtay macaane qofka aan cawa rabo inay ina raacdo oo inala soo bashaasho oo wakhtiga inala soo qadato cidkale mahaan waa gabadhii aan gurigeeda ku kulmi jirnay Manaal wax badan ayaay iga diiday lakiin markii dabe way iga yeeshay inay cawa inala soo casheeyso Osaan aad ayuu ugu farxay hadalka ka soo yeeray Macaantisa Raaqiyo iyo siday wax garad u tahay

Maan shaa alaah caqliga waa loo dhashaa Raaqiyo waxaay heyba uheshay qalbi dagano iyo soo jiidasho ad u saraysa leh intay hadalka afka ku hayeen waxaa albaabka soo garacaday Manaal oo xuural cayntii jacanda oo soo xagaa baxaday la moodo labiska ayku tagan tahayna indhu ay ku xardhayaan. goobta ayaa la isku salaamay salaan kadib waxaa la isu diyaariyaay in labaxo si wakhtiga looga faa’iidaysto maadama xili samar ah lagu jiro habeenku waa iska yar yahay waxaa laga soo dagtay guriga xooga markii la soo socday ayaa waxaa la qabsaday taxi meesha marayaay waxaana afka lasaray Magaalada hoose iyo goobtii City Centerka 15 daqiiqo kadib waxaa looga dagtay Moolka wayn waxaanu calaaduul u tagay kurisigii uu lacagta ka dhiibay Manaalna way soo ag fadhiistay goobtii ayaa la camirtay waxaa ladhiibtay dalab  cunto iyo cabitaano goobta ayaa lagu jabay, kaftanka ayaa cirka isku shareeray farxad iyo qosol ayaa hoos la isaga dhigay waxaa ka soo baxday Raaqiyo macaane Shaleemada Film jaceel ah ayaa dhagan ee inoogu qabo hoos ayaa loo dagay waxaa lagu qabsaday film ladhaho  One milion One night waxaa goobta dhinaca la isku hayo waxaa soo dhamaaday filmkii waxaay isku af garteen in ay iska siibtaan madaama filmkii dhamaaday gacamaha ayaa la isa soo qabsaday waxaan meeshii ku soo dhiibay lacagtii bashaalka aheed ay qabeen , waxaa la soo qabsaday taxi Manaal waxay aad ula dhacsaneed siday labadan qof isku yahiin waxaana ka soo fakatay cimrigeey intaan jiray ma arkin Laba Qof oo sidan isu jecel lakiin waxaan Maqaalo ku haystaa in labada qof ee sidan oo kale isu jecel inta badan isma helaan ,

kkkkkkk Raaqiyo way qososhay maxaad aragtay abaayo ayaay  ku celisay  ?  intaysan  Manaal hadalka  ka jawaabi ayuu  Osmaan  qabsaday wuxuuna  dhahay  abaayo Manaal  Run ayaay  sheegaysaa   Dadka  jaceelkodu  uu  gaadho  heerka  ugu sareeya  11% inat badan  isa helaan lakiin  inta  is heshaana  iyagoo  aad  u rafaaday ayaay is helaan  markaa  macaaney  waxaas  waxaa  ka adag   is  aaminka  iyo kal soonida  meel  la wada  dhigto horena waan  kuugu sheegay  hadii  jaceelkaaga  wax  yar  oo Qiyaana  ah  ku  jirto malaga  yaabo inaan guulaysano  aniguna  sidoo kale hadaan qiyaano wato  ma liibanayo ,

macaaney markii  aan kuu fiirshaba  jaceel   igu fogaadaa  igu sii fidaayo  faraxaygii

baad  tahay xubi  walaahi  anaa   bixibak awii  xaafadii ayaa  hore  laga gaaray . maysa dareen saneen  goor  xafada  la soo garay   waxaanay  ka dagteen   Taxigii   waxaan hore ka sii  maren Guriga  Manaal  waxaana la is  dhaafsaday   salaan  qaali  ah oo farxad  ku dheehan tahay  waana la kala tagay  Osmaan waxay    soo aadeen  guriga   Raaqiyo waxaana  soo wada  galeen guriga  waxaanu  iska fadhiisatay sida cadiga aheed  fadhiga  guriga   isga  oo xishood badan ku jira  .maadama   uu  guriga    ku cusub   yahay oo  maanta   ugu  horeysa  Raaqiyo   guriga ayaay hore  isga  sii gashay iya doo  ku luuqaynaysa  geeraarkan  aadka  u macaan

waxaan hada iyo jeer

habeen iyo dharaar

hadaan heli karaayo

haakah oran lahaa

adigoo horteeyda iyo

harreertayda joogee

boqorkii  naftaydow 

barikasta  bidhaantada

wan u baahanahay

waxaanay  iska soo badashay labiska ay  sida tay  waxaana   u wacday  2  gabadhood ee  ay  wada  dhasheen  meeshii ayaay buuga barshada  familka   ugu furtay .  bacada barsho  kadib  waxaa  loo  cidleeyey  goobtii  Raaqiyo way soo garab  fadhistay  macaankeeda  iyadoo  dhagta   ugu  sheegtay  inay  aad  u jeceshay  waxaana   dhahday Macaane  maanta waxaan ku siinaa  background kayga  yacni  jadwalka  nolasheeyda

waxaad tahay   qofka  naftayda  ku soo biiray waxaana   aad   u jecalahay  wax kasta  oo nolashadyad  ku saabsan  inaan  kuu  siyo  waayo waxaad tahay macaanahay  ga   iyo indhahag    iyo  nolshada   cusub   qofka wax  ka badalay  waxaan   kuu hayaa   hadhuub caashaq  macaaney waxaanay  ku  sii adkey say  inuu yahay qofka  kaliya   ee qalbigeeda   boos  muhiim ah   ku yeeshay hadaba  halkee  ugu  bilaawaday   taariikh nolaledkedka  nafteeda   sidee Osmaan  u akray  nolasha  Raaqiyo

Part 15

 

Waaga ayaa isugu barayaa waxaa lakala qaatay taariikh noleeldka waxaa la isku buuxsay saacadaha . Raaqiyo aad ayaay ula dhacaday Osmaana sidoo kale. waxuu Osmaan guriga ka baxay 7:30kii subaxnimo waxuu afka saaray dhanka gurigiisu ka xigay isgoo dhafar san . Osmaan waxuu qaatay Nabarka guriga Raaqiyo Iyo Mobleka .wuxuu tagay gurigiisa wuxuu hore ka shaday hurdo maal meed .waxay talo sii gur guurato waxay naftu ku soo labtay salaadii maqrib . waxaanu hore ka wacay macaantiisa cabaar ayaa sheeko lagu qaatay telifoon isgoo u siiraac shay macaaney waan kuu imanaa , ok ayaay dhahaday waa ku sugaa . Osmaan haduu hurdo ka soo kacay waa fireesh maskaxdiisuna aad bay u dagan tahay . sida caadiga aheed telfoonka ayuu ugu soo dhex tuuray xooga geeraar ah oo aad u laab kicyaya Raaqiyo wuxuuna dhahay Oday osmaan
hadal wuxuu macaan yahay

Markaad libin haleeshee

ruuxa loo han weyn yahay

hareer taada joogoo

hagarlida sheekada

haa saawe qaaliye

hanbalyo isu dhiibtaan

hilinkiisa caashaqa

huga sare u qaadan

hubaal la isu dhaafsado

hadii caashaq hony yahay

hadaf keena waan heli

waxaad tahay qofka naftayda ku soo biiray waxaana aad u jecalahay wax kasta oo nolashadyad ku saabsan inaan kuu siyo waayo waxaad tahay macaanteeyda nolashada .sow kuma qanac sanid xayaati nolshan cusub aan abuurnay xubi , Raaqiyo haa ayaay usoo celisay waayo waxkasta oo afkiisa ka soo baxaya waxay u yahiin malab waxaa ku socda hadalkiisa bes, wuxuu Osmaan usii raacayaay macaan badan waxaan igu soo kordhay barnaamij waxaan rabaa inaan wax kaala socod siiyo Raaqiyo iyadoo u hamuuun qabta hadalka Osmaan ayaay dhahay macaane wax kasta oo aad iila timado diyaar ayaan kuula ahay hadaad iyadoo hadalkeeda ay ka muuqto qiiro naftaada aad u kicanaysa wxaanay hadal gaaban oo geeraar ah ku dhahayday

macaanoow aduunyada

adaan kaa ishaartoo

dookhaygii baad tahay

qalbiga iyo laabtaba

adigaa dhex jiifoo

dhuuniga macunikaro

maqalka iyo aragaba

hooy baad ku leedahay

cidaan kugu masaalaa

cayniga ma saarine

cawa dhalad inaad tahay

ciidna maba suaaline

xubiyoow waxaan kuu ahaya qof meel adiga kuu joogta waxaad ilaatimaado afkaygu maya madhihi karo caashaqana daadihi macaane farxad ayaan ilaahay inooga tuugaa markasta oo aan salad tukado dacad nimaduna waa shay qaali ah macaane waxaanad niyada gashataa halkaad I gaadh siisay inaan waligeey gaadheen qof adigoo kale ahna aana heleen ,

Osmaan aad ayuu ula dhacay hadalka macaanka badan ee Raaqiya afkeeda ka yeeray waxaanu ugu jawaabay marana lagama yaabo inaan cidaan adiga aheen fiirsho lakiin Malaga yabaa inaad adigu wacadka iyo axdiga iyo balanka aynu meel wada dhiganay aad ka soo bixi wayso ,waxaan dabarkaaga dhigaya oo kugu xirayaa inaad noqoto qofka aan maranba jaceelka danbi ka galin waxaan ilaahay ka tuugaa keenii jaceelka ka booda inuu meel xun fadhiisto geesinimo ayaa lagaa rabaa intaad nooshahay iyo nolol cisi iyo sharafleh inaad ku noolaato

Osmaan wuxuu soo gaabiyaay hadalkii telifoonka waxaanu ku soo gooyaay hadalka macaan adan anigu daacad ayaan kuu ahay waxaan rabaa inaan horu mar gaarno ee isu diyaari wax kasta oo kaa soo gaadha jaceelkeena waxaanad niyad ku haysaa inaan nahay labo Qof oo isu qalma isku miisan ah dhankasta waxaana ku xasuusinaa inuu jaceel xaasiku badan yahay oo meelkasata ku nool yahay xasuusnoow Qof aan kuu fureen yaanu kuu xirin xubi aniguna waxaan kaa balan qaada halkaad joogto inaan usoo jeesto bes dhagayguna qof aan adiga aheen inaysan maqleen indhahayguna qof aan adiga aheen inaysan arkeen xubi iyo kalgacalna aan kaaga hayo ixitiraam iyo kalsooni aan dhamaaneena aan kuu hayn doono

Raaqiyo oo kal gaceel la ilmeeynaysa ayaa ugu jawaabtay gacaliye Aduunka qof aan adiga aheen ma rabo intay doonto ha igu qaadato waxaad igu ogtahay kalsoonida jaceelkeen iyo inaan isku duubnaano macaane meelkasta oo aad aduunka ka joogto aniga adgaa ileh ILLAAHAY Ka sakoow waxaana kuu sheega Eebadii kalgacalka ayaa iga oohisoo cidaan adiga aheen igama hayso macaane kuna seexo kuna soo toos xubiyoow walaahay Anaa Baxibak Awii Awii

Osmaan aad buu ugu qancay hadalka Raaqiyadiisa ka soo yeeraya. waxaanu kun jeer uga mahad celiyeey habsamida ay u qancisay waxaanu hadalka ku soo afjaray macaaney 9:30 fiidnimo ayaan kuu imana gurigaana ku sheekaysanaynaa waxaana rabaa Barnaamij igu jara inaan wax kaaga sheego waayo hada laga bilaabi waxaa inaga dhaxeeya waa talo iyo tusaale Raaqiyo oo sheekadiisa u dhararaysa ayaa ku soo cel celisay macaaney maad wax iiga sheegtid hadan diyaar kuula ahay waxkastee Osmaan oo qoslaya aya Raaqiyo ku celiyaay macaaney waa sheeko dheer halkan kuuguma dhameen karo markaa cawa ayaan rabaa inaan go’aanka gaadhno maadama aysan ka fursanen inaan adiga kaala tashado waa kuu imaana waxaanay kuu sheega macaaney kun jeer inaan ku jecelahya habeenkaa cawa ah Qof aan ku seexdo kuna soo tooso anigoo niyad ku haya inaad adiga tahay xubi waxaanu u si raacshay macaaney iska dami telka waa inoo caawa hadii ilaahay kadhigo, Raaqiyo oo aad unafisatay ayaa ku celisay macane ok waan waan ku sugaa cawa hadii ilaahay ka dhigo sidii ayaay telka ku damisay hadaba maxay noqon doontaa ayaay is waydiisay Sheekada uu Osmaaankeedu uhayaa waxaay ku yimid su’aalo badan ??? tolow ma waxuu soo wada goorma ayaan is mehersan mise goorka ayuu soo dhawayn doona waxaa ku furmay waadi waxaa ku habsaday Roob ma hiigaan ah . waxaa ku yeedhay Firinbigii caahaqa. waxaa ku soo dhawaaday wakhtiga waxaa u sawirmay taashkii madaxa laga saarayaay .waxaa la tusay dad badan oo arooskeeda ka ciyaaraya . waxaa ka buuxsantay qabtay Riyada maalintii lagalo . waxay dhex dabaaltay xusuus macaaan badan waxaanay dariiqii dheeraa ee hiyikacii Raaqiyo ku soo dhamaaday adiga macaankaagu halkee isku aroosi doontaan

Hadaba dad yahoow muxuu Osmaan soo wadaa .maxay noqon dontaa sheekadu uu hayaa Oday osmaan

Part 16

 

Sida geesi xididkiyo.xigtadiisu jeceshahay oo xubinta hadalkiyo
xaajada yaqaanoo. oo xumaan sokeeyiyo lagu xaman bakheylnimo
oo xoola bixintiyo deeqsinima ku xeeldheer .oo loo xubeeroo
sida xuladka nooloo. xaashaan la dhaafeyn halka uu xariiqo
amase xadiiskiyo xaqa diinta sheegoo xag Illaahay mooyee
tii kaleba xooroo. marka aan xagaagiyo xubnahaaga eegaba  xiisoodayeexadentoodayee xubiii yaa xayaatil Qalbii …..

Yaa cayuunii.Quratal cayniiiiiiiiiii .Yaa Ayaamu Maxbuubii .Waa Awlaad Jaceel .waa dad saciimnoqday waa laba kalsooni isu dhibtay. waxaa gacanta ugu jira coobkii jacaylkaqof ba qofka kale ayuu gacantiisa ku siinaya , waxeey beereen Ubaxii jaceelkahadaba maxuu noqon doonaa natiijada jacalka Raaqiya iyo Osmaan,,,,,
 
Hadaba Raaqiyo waxayis waydiisay . Tolow Osmaan ma waxuu soo wada goorma ayaan is mehersan misegoorka ayuu soo dhawayn doona, waxaa ku furmay waadi jaceel . waxaa ku habsadayRoob ma hiigaan ah waxaa ku yeedhay Firinbiga caashaqa. waxaa ku soo dhawaadaywakhtiga .waxaa u sawirmay taashkii madaxa laga saarayaay waxaa la tusay dadbadan oo arooskeeda ka ciyaaraya, waxaa ka buux santay qaybta Riyada maalintiilagalo u shidnaa filim aad u macaan badan ,Raaqiya waxay dhex dabaaltay xusuusmacaaan badan ,

waxaanay riyadii macaaneed ku soo afjarantay ama ku soo dhamaatay adiga iyo macaankagy halkee isku aroosi doontaawaxaanay dariiqii dheeraa Raaqiyo ku soo dhamaaday adiga macaankaagu halkeeisku aroosi doontaa Riyo dumar waa ta ugu wanaagsan ee ay ku fakaraankkkkkkkkkkk gabdhuhu waxay ku faanaan guri iyo nin yeelo been maahan hadabaRaaqiyo Riyo ayaay ku jirtay lakiin Osmaan wuxuu ku soo maqnaa waa xaafadaRaaqiyo , marnaba niyadiisa kama bixin Raaqiyo iyo arimaheeda lakiin maantawaxuu talo ka rabaa Adariishadiisa waa aduunyo  waxuu soo  gurgurto oo soo  jiitamo waxuu  isku soo dayay   gurigii Raaqiyo ay  ku nooleeda waxaana  gacanteeda kaga furtay Adariisho Raaqiyo hore ayuu usoo galaay guriga waxaana loo soo dhaweeyey si aad  u raali galisay  naf ahaantiisa  faadhiga ayuu iskafadhiisatay waxaana  meesha ugu diyaar ahaa  qalabka martida loogutala  galay  Raaqiyo kamay dheeraan  iyadaa gacanteedacabitaanka iyo  mac macaanka  ku siisaya  aad ayuu wajigiisa faraxad  uga  muuqatay waxaana afkiisa   ka soobooday  oo aad  ugu luuqeeyey   hees aad  umacaanbadan oo  ilin ka keentay raaqiyo dhagaheeduna aad  ugu raaxaysanayeen waa dad  is jecel si aan caadi aheen ayaa la isu dareemaya waa hubaal  caashaq taasi  cideeyna  ha isku dhibin  Osmaanwaa  haaf  fanaan  calaashaan ee  waa fanaan badhkiis marna waa abwaan sameeye  heesa  ama geerarada  aadka kuuraali  galinya
 

hoodiyo nasiibiyo

hor alaan adeegsaday

hanfadoo habeenkii

hambalyada jacalkaa

hurdo iga ka xeeysoo

heesaha macaanee

hobalada onkadayaa

heelada ku tirayaan

haybshaa habeenkii

macaan waxaan ku leeyahay

helistaadu waa dahab

Raaqiyo way is celin waysay madax ayaay shumis aad u macaan badan lagaadhay ismay ogeeyn meel aymarayso waa dookhad jaceel waxaa la joogaa caalam taani dunikaale .Oday OSmaan xoogaa ayuu aamusnaa waxaanu ka soo toosay Adariishada oo laabtiisa ku jirta aad ayuu naxay sidii qof hurda ka soo kacay waxaana afkiisa ka soo yeeray WAYNOOW HA INA KALA WADANI , WAQAD LABA IS JECEL OO LIIBAAN KUWAARTA .OO AAN IS WAAYIN INAGA YEEL .ٌ. Raaqiya oo hurdo ka soo toostay ayaa ku soo celisay aamin yaa rabi , waxaa dib loogu soo noqday jawi dagan cabitaankii ayaa la isu dhiidhiibay waxaanay Raaqiyo saygeeda ku dhahadya macaanoow hadii aan ku waayo ma aqaan sidaan noqon doono

Osmaan aad ayuu uga naxay hadalkaa waxaanu ku dhahay macaaney in shaa alaah wax kasta oo inoo qoran waan maraynaa waa xaqiiqa waxaa lagaa rabaa inaan samir iyo dulqaad u yeelato jaceelkeen macan badan , waad igu ogtahayayaa meel u taala Oday ismaan

Raaqiyo ayaa is celin waysay iyadoo aad ugu hamuun qabta sheekada uu sxbkeed u hayo waxay tahay waad dareemi kartaa gabadh kasata oo somaliyeed waxaay jeceshahay sheeko hadad u hayso inaan isla markaa aad u sheegto oo ay kuseexato , waa dhaqan ay ka siman yahiin mureey dumar , waxaanay ku cel celisay aboowe macaaney iisheeg sheekad aad ii haysaywalaahay qalbigeeyga kama baxin ilaa markii aad telka damisay waxaana u hor yimid sheekooyin badan waxaa isoosawirmay arimo badan oo aad iifarxad galiyaay naftayda . plz macaaney meel kale aha ila aadin sheekad aayan kaa rabaa xubiiyoow minfadalan bil axsaanik yaa cayuuniiiiiiiiiii

Osmaan aad ayuu u ilka cadeeyey isagoo naftiisu layaab ku noqotay sheekada uu rabay inuu kala tashado Adariishada sida ay nafteedu u turjuntay …waxaana ka soo fakaday qosol aan dheereen

Raaqiyo waxaydhahaday maxaad ku qososhay macane……?

Macaan badaney waxaan ku qoslay sidaan wax u waday iyo sidaad u turjuntay waaba kala nooc anigu inaan arin ka wada tashano ayaan rabay adigu lakiin meel kale ayaad ii kaxaysay waan dareemi karaa wax kastaoo maskaaxdada mashquuliyaay kkkkkkkkkkkkkk

Raaqiya aad umacaan badan ayaay uqososhay Osmaana aad ayuu ula dhacay dhoolaka qosolkeeda waxaanay hadal ku soo gooysay macaaney anigu filim macaan badan ayaa shitay ka gudub taas ee sheeda igu xadd talo waata rabi .kamuu adkeeyn wuxuu usoo bandigay una dul maray inuu safar galo hadii ilaahay kadhigo oo wakhtigu u saamaxo sida ugu dhakhsahabadan waxaanu xasuusiyaay macaantiisa inuu iyada u baxaayo nolashiisa inta ka dhiman uu dusha ku sidi doono .

maxuma waa go’an uu gaaray Osmaan lakiin Tallena meel ayaay ku xidhan tahay ..

hadaba maxuu noqon doon safarku

Part 17

Allahayoow Naf dacada iyo Niyadda Saafiya Nasteexaaga ku ogoow . qalbi dacad .laab dacada ah .naf daacad ah . indho daacad ah, jaceel dacad ah, umad wada dacad ah, waxaa lagu kulmay meel ilaahay og yahay Raaqiyo waa kal sooni abuurto Osmaana waa daacad beere, waa la is qan cinayaa waana la isku qanac san yahay, waa la is raali galinayaa qofba qofka kale ayuu soo jiidanayaa waxaana la is dhadhan siiyay kalgaceyl aan dhamaaneen Nabad iyo jaceel iyo Nolol Barwaaqa ah Nasiibkeena aayaha ku nagee Allahayoow kunagee AAmin allahayoow ………..oooh waa dad qalbi nadiif ah aloow adigaa dadkan dalacanaya quluubtooda ….
Osmaan Go’aan ayuu gadhay tallo ayuu goostay tallada rabina meel ayaay ku xidhantahay Raaqiyan waxaay ka sugaysaa arinkuu wado iyo siduu wax u damac sanyahay waa hoowl meel u socta.Raaqiy gacanta iyo dhabanka ayeey isku haysaa Osmaana hadal waa ka soo bix wayaay Osmaan wuu is celin wayaay waxaanu hadalka ku furay
Raaqiyay macaaneey . AFku wuxuu diidan yahay Hadalkan soo waddee. marna inaan dal dheer kaa tagaa tashiga kuma hayne laakiin danbaa tiri inaan hadlaka soo fago .
tallo waata Rabigeen Tashina waa ka bini aadan ka . hadaba soo dhawoow macaaney Bisinka aan ku bilaabee macaaney waxaad ogtahay oo daah kaa saarneen in dadka somalida ah ay yahiin Reer guuraa Qofkasta oo somali ahna laga soo bilaabo 1991kii in ay isu diyaariyeen inay tahriib galaan waad ogahay dalkeen hooyo waxaa ka dhacay dagaalo aan dhamad laheen oo qofkasta soomali ah wax yeelo u geestay dalkeena oo dhan wada gaaray .dadka somalida ahan qofk kasta wuxuu jecleeystay inuu wadanka ka baxo oo meel uu naftiisa iyo ehelkiisaba wax ku tari karo uu tago.
waxaana dadku aad ugu tahriibay wadamo badan khaastan .wadankan yaman. sucuudiga. emaradka. masar oo jaalid badan ku nooshahay .suuriya liibay oo bada adad loogu dhamaando iyo qarkaloo badan .

Wadankana Qwaxaa looga baxay habaqle qofba taagtii ha talaabsado Qof diyaarad kubax Qof doon ku baxa iyo dhulka jeexa oo gaadhi tuma . waxaad makhrati ka tahay wadan kan aan joono ee masr waxaa ku nool dad badan qofkastaana wuxuu Raaba inuu ka baxo oo yurub uu galo ama waqooyiga ameerika meeshii ilaahay u sahlo . macaan badan waxaan ku xasuusinayaa inay Qaahiro tahay maxado ama Bosteejo gaadhi lagu sugaayo oo hadii la nool yahay laga baxaayo .
Raaqiyo macaney waxaan taariikhdan dheer kuugu soo maray hadalkan u soo taxay waxaan kuu sheegaa macaan badan inaan baxo ayaan rabaa qalbi oo adiga iyo naftaydaba aan wax u soo qabto hadii ilaahay igu garab galo waxaan kuu sheega macaan badaneey inaan ilaahay ka sakoow inaan adiga kuu noolahay kuuna maqanahay ee macaan badan see dee kuula muqata ?
waxaan kuu sheegaa macaney inaan haysto passaboor Jusul Qamar ah ama Comaros ah ..oo sharci saran yahay calashaan ciqaamo saran tahay sawirkagayna saaran yahay …………………markaa siday kuula muuqataa macan badan
Raaqiyo illin ayaa ka soo booday waxaa ku furmay buuq . waxaa isla markiiba is buuxisay Maskaxda . waxaa ku xidhmay hadalka . waxaa jidhkeeda is qabsaday dhidid Osmaan yaab ayaa ka soo hadhay . talo meel xun ayaay ka baxday Arin afkala qadaay noqotay Raaqiyo marna isma badalin indhaheedu way furan yahiin illin aan la garaneen ayaa ka socota aan joogsi laheen waxaana afkeeda ka soo baxay
waa aduunyo haboow day
waa aduunyo asqeeysan
waa nasiib wadaa waashay
waa jaceel wadaa yaaban
waxa aan la ilmeeyey
wadnahayga wareerjay
Qalbigeeyga Qaasaya
walbahaarka is saaray
waax yahayga iyo jiidhka
dhabarkeeyga iyo laabta
dhididkaa qul qulaaya
waa hadal kaad i hor keentay
waxaan aan la jareeyey
waa Qalbigeeyga tahriibay
waa nafteeyda haboowday
waa xaq oo kama diidi karo
hadii ilaahay ku daayo
waa horumarka danteena
waa igu dhib oo kaama maarmi karo
Macaaney talo waa ta rabi
Adaa ayuu uga naxay hadalkan wayn ee xigmadeysan ee ay ku hadashay. lakiin marna ba may aamusin Raaqiyo aad u qiiraysan indhaheeddana ay ilintu ka socoto waxaanay ku soo cel cilsay macaano adiga marnaba horu markaaga ma hor istaagi doona , Osmaan laftiisa ilan iyo qiiro kuma yareen lakiin waan caloosha ayuu xidhay waxaan aad isug dayaya inuu dajiyo macaantiisa lakiin way usuurta gali waysay waayo . sidaan Aamin sanahay ama wada ogsoonahay Dumarku way ka qalbi jilicsan yahiin Raga .ilaahoow Dumarkeena noodaa waa dad aa qaali u ah waxay ka duwan yahiin dumark caalamaka . waxay dheer yahiin qalbi saafi ah hadii ay daacad meesha taalo.. hadaba Osmaan way u suurto gali waysay inuu Raaqiyo Qalbigeeda sidii caadiga aheed ku soo celiyo . www. Ragu naaga jecelaa .com… dumarkuna u roona wallee reer magaale cashaqay jaceelku ba’anaa. Oday Osmaan waa dareemay macaantisa xaaldu halkay ka marayso aad ayuu laabta uga soo galaay waxaanu ugu dhuftay bahal Amaan ah ileen dumarku waa Amaan jecel yahiin anigu hore uma ogeen kkk
wuxuuna ku bilaabay
Raaqiya waxaad tahay Ubax soo baxaayo
indhahayga nuurkiyo arageeyga deeqoo
inta aynigaaga ah ogoow waad u sidataa
intaan duni ku noolaa gabadh macaaney
ma arkin mana daawan wali maysan dhalan
ilkaahaga siman ee afka Quruxda loo saray
dibnahagan baashad ku wacan best lips
indhahagan blue ga ah suniyaha saran
markaan aan ku fiirshaan ma looshan iqabta
iyo qaarkaloobadan aan afkaygu soo qaban
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Raaqiyo waa iska hiin raagaysaa maqalkeedu iyo arageeda iyo nafteeda dhan waxaa daboolay bixitaan Osmaan afkiisa ka soo yeeray waxay tagan tahay HADIMADAN NAFTAYDA HOOWLAHAN I HAYSTAAN HEE HAABAYAA waxaa ka tan badiyaay jaceelka ay u qaaday Osmaan meel ay ka soo laabto ma joogto Osmaana waa kadaran yahay waxaa iyado xaaldu ay halkaa marayso ayaa waxaa soo yeeray Ganbaleelka Guriga Ama Jeleska ama beelka sidaad u taaqo ayaa laga soo dhawaajiyaay Raaqiyo way istaagtay iyadoo aad ka dareemayso in jidhkeeda tamar tii dhan inay kamaqantahay oo daal ka muuqdo indhahan ay guduudu isu badaleen waxaanay fiirisay Daloolka ama diirada Albaabka ee loogu tala galay qofka
Banaanka tagan in laga arko
Waxaana u muqaday Waji qof dumar ah dib ayaay usoo laabtay waxaanay gashay Kijada waxay iska so dhaqday wajiga Osmaan ayaay ku soo laabtay waxaanay soo qabtay gacanta iyadoo Galinaysa Qolkeeda waxaanay furtay albaabka guriga gabadhii ay qaraaba yahiin ayaan soo gashay meeshii ayaa la isku salaamay cabitaan ayaay u keentay . waxaa qolka ka soo baxay gabdhahii Raaqiya ladhahay meeshay ayaa la isku salaamay Raaqiyo meelkale ayaa looga wacayay waxay isaga soo siibatay macaankeeda Qalbigeeda amooraheeda xabiibkeeda oo sariirteeda iska dul fadhiya oo aad u fakaraya meesha ayaay la soo fadhiisatay waxaana meesha laga sii bilabay Qiiradii jaceelka safarka isu diyaarinya iyo waxaa soo waajihi doona miss Raaqiya .
Raaqiyo xaaji waxaay ku soo noqotay jawi caadi ah waxaanay meesha ka sii falaqaysay Qaabkuu ubaxaayo xabiibkeedu .
Oday Osmaan wuxuu usheegay una fasiray sida uu ubaxaa iyo qaabka qaahiro uu uga baxaayo iyo meesha uu usocdo iyo ilaa inta hamigiisu gaadh siisan yaahay .siduu hore usoo sheegay waxuu isu tabaabusheey inuu tahriib galo Qaahiro kabaxo Urdun galo Suuriya u sii gudbo Turkiga ka sii talaabsado Giriiga doon ku galo Holand caanaheda meesha ka tiigsado ……Raaqiyo aad ayaay ula dhacaday Hamigiisa hadan way ka naxaday

part 18

Shankaroon haweenkaay shib waxaan idhaahdaba miyaan kugu shukriyayaa shirkaan kaa amaanaa
sheeda kaa tilmaama marka aan isla shawreee sheekeysto kaligay
waa shan iyo toban jir shiikh wacani dhalayeey sharka laga daboloo
laga naaray sheydaan

Waa Dareen Qiiro Leh oo qofkasta oo wax jecel uu ka naxaayo ama ka murugoonayo hadii Lamaane is jecel mid saafar galaayo, ama ka dhoofaayo meesha Wehelkiisu joogo waa Macruuf
ama waa wax la iska yaqaano 2 labada qof ee is jecel inay indha hooda ilin qooyso sikasta ha udhacadee Osmaan wuxuu isku dayaay inuu u faah faahiyo Qaabkuu ubaxaayo . wuxuuna
Raaqiya Jaceel u sheegay inuu iibsaday baasaaboor wadankale ah oo sharci masar ah saaran yahaya wuxuuna u sheegay inuu aadayo wadanka Masar xadka la leh waa Urdun kadibna uga
sii gudbaayo Suriya.

 Raaqiya waay badalantahay hadana Waa Qof wax dareemi karta waanay iska cadahay in dadku nolol raadis yahay oo Nolasha adkaatay

Waxaa dadka ka hortimid Qaaradan madoow waa Cadawga Jaceelka waa AFrica ee hooyga Fakhriga iyo Colaada iyo waliba xasuuqa bini aadanka

sikasta oo ay ahaataba dadka somalidu way naceen wadanka hooyo dhib ka taagan awgii hadab ,,,,,,,,,,

Raaqiyo way u garoowsatay inuu saxiibkeed baxo tamartiisu halkeey dhigto inuu gaadho waxaanay isku waa faqeen inuu baxo oo iska tahriibo maadama aysan tamar u heeyn waxaanay
meesha kga dhufatay sidii caadiga aheed geeraan tiiran yo galiyeey Osmaan waxaanay dhaahayd

Ayaantaan is baranaa kal gaceel ijiidhoo

Raga aynigaaga ah kaa soocday adigoo

Osmaan adiga mooyee Axadkale ma eego

indhahayga adigaa ka dhameeyey eebada

ma adkeeysto awogaa ileen waa asqooboo

oheey aniga caashaqa wuu iga tan ween yahay
Raaqiyo waxaad moodaa inay sii caatoobayso waxaad moodaa inay dadka iyo nafteeddu ay maqan yahiin ileen waa qof dabayl cashaq jiidhay iga bixi ala hayoow caashaqu bad weeye
Osmaan isga laftiisu kama madhna dhibka iyo muragadan soo food saratay jaceelkiisa waxaay talo sii gur guurtaba waxay isku af garteen iyada macaan keedu inay qalbiga isu furaan
waxuu ku dhiiri galiyaay inuu Raaqiya ahaan uu aduunka u maraayo una tahriibayo way ilka cadeeysay waxaanay ku dhahaday macaanow waa la isu soo noqon wixii nool aduunyada
Raaqiyo waa Qof meel dher wax ka eegtay waa qof aad u dagan oo Qadarka aaminsan waxaan ka balan qaaday inay Axdigeey dhigteen inaysan marna aanay jabin doonin waxaa uu ugu
deeqay amaantii uu ilaahay ku maneeysatay …..waxuuna u sheegay macaantiisu siduu ubartay inuu galaay jawi dagan ilaahay ayaa deeqda bixiyee waxaana igu dhaltay inaan inoo baxo
madam qaahiro aysan jirin wax leeyn ah oo lagu baxo ADigaa Raaqiyaay qalbigeeyga dagan waxaan marana ilaawi doonin axidga iyo wacadka aynu meel isla dhignay waxaan kuugu mahad
celinaya macaaneey sida aad kal soonida iigu beertay waxaana ilaahay ka barayaay marna inaan noqon labadeena kii wacadka iyo axdiga iyo jaceelka balanteen kii jabiya waad ogeed
dareen dhibka leh ee aan isla soo maranay

waa aduunyo macaney anigu waxaan usocdaa waa safar tahiriiba ah wadkuna waa ku hareer socdaa wakhtiguna waa seef camal ayuu kuu gooynayaa waxaan ku sheegaa macaan badan inaan
rabbo hadii ilaahay kadhigo khamiista inaan soo goosto Tikitka urdan waxaan kaa rabaa inaad qalbiga iiga soo duceeyso xubi ……..marna ha u arkin inaan adiga kaa maarmi karo
waan kuu baahanahay xubi socdaalka dheer waxaan u galayaa horu markeena waxaana kaa balan qaaday inaan marna aan jaceelkeena iyo axdigaan dhiganey inaan meel uga dhaceen

Raaqiyo wayka yeeshay waxaanay ku dhiiri galisay inaysan marna uga baxeen balanka ay ka qaaday hadii intuu noolyahay waxaanay u sii racisay macaanow waan kuu duceeyna qalbiga
iyo laabta waad fasaxan tahay xubiyooow qaaliyoow iyadoo ilina ka socoto waxaanay ku sppp gabab gabeeysay hees xamari ah oo aad u qiiro badan
Nafteydu Waxaanay karin
Kollaba lama doonayee
Cishqiga igu sii kordhiyo
Keenaha luquntayda suran
Waa kedis aan daawo lahayn;

Caloolyowgiyo kurbadu,
Faa’iido ma keenayaanee!

Markaan keligay tashaday
Go’aanki waxaan ka dhigay!
Dookhaygu midkuu kasbaday
Kalsooni inaan idhaah;
Kal iyo laab baan rabaa
Keligii uunbaan jeclahay!

goobtu maanta waxaa tala . waa waxaan la qiyaasi karin . lakiin Raaqiyo caloosha ayaay xiritay waxaaney meesha ku soo gaba gabeeysay waa aduunyo laba kasta oo is jecel inaysan
is helin waxaana xaqiiqa ah inaysan raaxado wada qaadan .waa iska xaal aduun Osmaan hoos ayuu u fooraray waxaanu kor usoo qaaday madaxa wuxuuna soo qabtay madaxeeda wuxuu ka
shumiyaay madaxa iyo labada indhood wuxuuna ku dhahaay macaaneey ilaahay waxaan inooga tuugaa inuu Riyadeena inoo Rumeeyo aduunka qof laga balan qaaday malaahan waxaan kuu
sheegaa macaaney hadii aan calaf isku leenahay waa isla raxaysan doonaa qalbigaagan kheeyr u sheeg qalbi hadan waan iska sii baxaa xubi qalbi so raali kama tahid inaan baxo xubi
….raaqiyo waay aamustay waxaanay dhahaday macaanoow waan jecelahay inaad baxado lakiin meesha aad marayso ayaa waxay tahay meel qof la jecel yahay aan lagu aamini karin markaa
macaaanoow xaaldu waa ku qabatay iyo qadar alle waa la iska qaataa waan qaatay ilaahayna ha inoo fududeeyo sidaas ayaa inoo balaanahay hadana iska sii bax gorma ayaa inoo balan
ayaay ku soo celisay ……………khamiisata ayaa inoo balaan ah ayuu ku soo gooyaay hadalkiisa osmaan

hadaba Osman waa safar oo wuxuu u socdaa waa tahriib dayoow muxuu ku danbeen allaahu acalam ilahay ayaa yaqaana

Part 19

Hadii aad dhaqaaqdoo inaad dhoofto jeceshahay
gaadhiga dhakhsanayaa ku sidaadaa ma dheeliy
uma seexdo dhincayda ….
It’s amazing how you knock me off my feet,
Everytime you come around me I get weak, oh baby Raaqiyo
Nobody ever made me feel this way, oh macaanto
You kiss my lips and then you take my breath away
So I wanna know
Ubaxoo dilaacaay
Dawadii nafteeydaay. Haween taan ka doortaay
Sida dayaxa nuuraay. Habeen Dadan hilaaceey.
Waqalkii daruurtaay. Darmaantaan jeclaayeey
Heedhe waan ku dirayaa..Dagmadaan ku gaadhsiin
Waa laguu dabaaldagi .Durbaanaa laguu tumi

Osmaan wuxuu sugo waaga khamiistaa waa la iska soo garay waxaanu subaxii tel u soo diray macaantiisa isagoo u shegaya inuu soo goosanayo tikit kii uu ku raaci lahaa markabka
Urdun waxaanay ku dhahayday macaane waa inoo galabta hadii ilahaya ka dhigo Waa Raaqiye . hore ayuu ka sii baxay isaga iyo wiilkale oo ay hore isu raaci rabeen waxaana ay tageen
agansigii ay markabaka oo ku yaala meel qaahiro ka baxasan oo ladhaho Madiinatu salaama meesha ayaay tageen waxaanay ka soo goosteen tikitka way iska soo baxeen waxay hore usoo
mareen hotel ay ku dagaan markay Urdun Tagaan isagana hore ayaay usoo mareen una soo bokot gareeysteen waa qaahiro iyo mushwaar ama safare waxaay soo jiitamaan waxay ku soo
laabteen xaafada iyagoo aad u dalaan osmaan wuu iska jiiftay wuxuu soo kacay cassarkii waxaanu hore ka soo aaday sxb Raaqiyo waxaanu uga sheekeyey waxuu la soo kulmaya inuu soo
qatay tikitkii uu markab ka kuraaci lahaa hotelna uu soo bokin gareeysatay waxaanu usheegay inuu baxayo habeen danbe Raaqiyo waxaa ku soo yaraaday wakhtiga aad ayaay u hiyi
kacaday waxay sameeyso ayaay garan waysay waxaa u macaanaday Osmaankeeda waxaa u soo urtay Qaahiro waxaa indha heeda isku soo taagtay ilin waxaanay meesha ka wagac siisay heeso
hore oo aad u qiiro badan marka la dhageeysanayo qoraalkana ku qurxoon iyadoo ilmeeynaysa sidaan ka baranay Raaqiyo waa cod macaantahay markay qiiroonayso ama ay dabayl caashaq
ku furantahay waxaan dhahaday

Jacaylkan I dhaawacey
Jaceylkan idhalan rogey
Jacaylkan idhaansadey

Jaceylkii dhabta ahaa
Soo dhawaatey halistii
Markaad iga dhaqaaqdee

Bal inaan ku dhiirado
Dhexdaan xidhanayaa
Malmal baan dhiteeysanee

Dhoof nooli kulantee
Ha dhalantaalin caashaqa
Dhakso iigu soo noqo.

intaad nooshahay ma ku ilaawi doono macaanoow waxaad qabsatay Qalbigeeyga waxaa hantiday nafteeyda iyo nuurka indhahayga adiga mooye Osmaanoow majiro Ruuxkale aan qalbigeeyga u
furayo waxaan kaa codsanayaa macaane meelkasta oo aad marayso inaad isoo tabiso warkaaga xubi dadku aabaha iyo deeqooow hooyada noqde dhagahaygu qofkay ku farxaan maqalkoodu waa
adiga magacaaga meeshan ku maqlo waan soo istagi doonaa macaanoow

Osmaan jirkiisa waxaa is qabsaday galiilyo wuxuu dareenkiisa gaaray meel fog waxay dhagahiisu ku soo ceshanayaan hadalka macaantiisa Raaqiyo oo isugu dartay duco iyo balan adag
oo kalsooni galiyaay naftiisa wuxuuna hadal qaboow oo cod fog ah ku dhahay macaaneey haka baqni dhankeegya anaa baylah tirayo balankii adkeeyne meelkasata oo aan tago waan kula
soo xiriiri doona qofkaan aduunka ku leeyahay waa adiga daacadi ma hungoowdo intaad ii dul qadan karto ii dul qado samri ayaan kaaga tagayaa waxaanu ku dhahaya macaaney cid aan
qaraabo nahay ayaan soo macsalaameeynayaa hadii ilaahay ka dhigo habeen danbe ma haleelaayo markaa hadaan lugta so marina meesha ayaay ku sii macsalaamaysa waxaanay ku dhahay
macaaney bari casarka ayaan ku soo maraya hadii ilahay ka dhigo sidii ayaa kaga tagtay waxaanu afka saray cido ay qarabo yahin mesha ayuu salaan ku soo gaarsiiyaay waxaa soo
xaafad ku ay asxaab yahiin meesha ayuu iyana salaan ku soo sadaqeeystay waxaan soo wajahay gurigiisa habeenkii waxuu la jiifan wayaay qaahiro ayaa hortimid way la macaantay
wakhtiga ayaa aad ugu soo koobmaya ……..waagii ayaa barayaay waxaan magalada hoose ka doontay boorso nooca lagu tahriiba ah waxaanu ku soo laabtay gurigiisa wuu qadeeyey
cabaar kadib casar ku dhawaad wuxuu aaday macantiisa wuxuuna dhahay is diyaari cawa ayaa isugu keen danbeysa waanay ka aqbashay intuu sugayaay ayaa waxaa gaartay maqrib meesha
ayuu ku tukaday waxaanu gacanta qabsaday macaantiisa waxaanu ku dhahay abaayo waxaan rabaa inaan sii salaano gabadha xaqa ween inagu leh ee Manaal aheed waxaan rabaa inaan sii
maca salaameyo way ka yeshay qaaldisu waxaa si lama filaan ah loogu tagay Manaal waxaana u sheegay inuu baxayo habeen danbe sidaas darteed uu salaanta la dhaafi wayaay maadama
ay ay abaal ween ku ledahay inksata oo somalid abaal gasho lakiin aysan gudin abaalka ……….meesha ayaa manaal lagu gacan qaday isaga iyo Qaaldisa waxaay leedhsi u aadeen
magaalda hoose way soo casheeyeen way soo sheekeysteen waxaan 11:30 kii habeenimo ayaay dib usoo noqdeen wuxuu keenay gurigeeda waxaa galeen gudaha aqlka raaqiyo hadaba talo
waxay ka joogtaa yaa kala kaxeynayo ,,,,,

Waa dad aad isu jecel. waa dad aan is ilaawi karin . waa dad aan kala maarmi karin . waa la isku dhagay waa la isku ilmeeyey ilaa ay ka soo baxeen gabadhaha ladhashay oo raaqiyo
samir siiyaay sikasta oo ay noqoto Osmaan wuxuu ka soo baxay guriga wuxuuna usoo luuday dhanka gurigiisa waxaa soo jiitamo waxuu isku soo tuuray qolkiisa habeenkii muu seexan
murogo ayaa ku dhamatay waxaa dul hareeyey qiiro jaceel sidii ayuu ku dhafray 11:00 subaxnimo ayaa waxaa soo maray wiilki ay israacayeen wuxuuna u ku dhahay is diyaari waad
ogtahay waxaan ka baxaynaa Gobal waxaa la rabaa inaan markabka saaranahay salaada maqrib .meshii uu isku diyaarayay waxaanu isoo dageen hoos wuxuu wacay qalidiisa Raaqiyo wuxuu
ku dhahay macaaneey WIXII NOOL ADUUN YADA WAA LA ISU SOO NOQON… macasalaama waan baxay ..waxaana ka dhoofaa gobal ladhaho Cariish hadii ilaahay ka dhigo markaa soo ducee xubi
intaan masr ku dhex jiro waa ku so wacaa sidi ayaay ku maca salaameyesay Osmaan iyo wiilkii way iska tawa kaleen waxaaney tageen gobalkii .. waxaanay horeba ka galeen hoolkii
loogu tala galay dadka rakaabka ah ama dadka markabka raacaya waxay iska joogaan hoolka waxay meesha ku tukudeen salaadii maqrib waxaana hore ka fuuleen markabka waxay masr ka
dhaqaaqeen 9:30kii fiidnimo wuxaay sii mushaaxaan bada dusheda waxay Urdun galeen 12:30 subax nimo osmaan wuxuu u bogaayeey laydha qaboow ee bada dusheeda uu ka helay wuxuu
sawir ahaan ku soo jiidanayay macantisa oo markabkan la saran wuxuu aad isagu qancinay waad heli raaxada hawdan hadii aad macaantada u soo xamaalato oo aad meel u tagto waa iska
riyo aduunyo adigoo sugaya ayaay ku qadin adigoo samray ayaay ku siinee waxaay markabka kaga dageen gogal 850klm ujira caasimada URDUN ee CUMAN oo la dhaho AL AQABAH meeshii
ayaay taxi ka soo qabsadeen waxay sii mareen gobal aladhaho MA’AN waxaay uga sii gudbeen gobalkele oo ladhaho AL KARAK .Taxga waxaay siiyeen cawaanka hotelka ay soo bakon
gareesteen waxaa soo socdaan hotelkii ayuu taxiga hore ka keenay maalinkii meesha ayaay ka qadeeyeen waana iska sexdeen waxay hotelka ku jireen 2 habeen waxaanay qiimeeyeen
xalada iyo sida ugu fudude ee ay uga bixi kareen .Osmaan wuxuu meesha ka soo wacay macaantiisa wuxuuna u sheegay inay nabad taageen Urdun wuxuuna u sheegay inuu baxayo cawa
hadii ilaahay ka dhigo meesha ayuu aad ugu sheekeeyey markuu telka dheemeeysteen ayaa wuxuu ku dhaahay Osmaan sxb kiis sxb waxaan soo helay taxi Suriya ina geeynaya oo 300 dolar
inta qadanayo sidii ayaay isku af garteen waxaan soo qaateen boorsooyin koodi

Part 20

 

Waa su’aal Da waynoo Madaxa Daalinaysa

Osmaan Diiceey iyo saaxiibkiisa waxay isku afgarteen inay kireestaan {TAX} tagasi uqaada ilaa SUURIYA waxaay waceen Ninka TAXga watay waxaanay soo qaateen boorsooyinkoodi ka yaalay hotelkay daganaayeen waxaanay hore kaga dhaceen taxigii ayagoo kula heshiiyaay inay 300$ siiyaan kadib uu Dimishiq geeyo

Part 21

Sidaan wada Ogsoonahay Osmaan iyo saxiibkiisa waxay ku socdaan baasaabooro ajanibi ah oo ay leeyahiin wadanka{Jusul Qamar} ama jasiirada yare ee loo yaqaano {COMORS}siday doonto ha noqto somalidu waxay caadeeysteen inay halaag iyo dhibaato gacantooda ku dontaa waxaanay ninkii taxiga watay ka qaaday 2 labadii baasaaboor waxuu kale ee ka hor mar saday lacag dhan 300 $ USA dolar ah waxuu soo socod wuxuu ka soo baxay Caasimada wadanka Jordan oo ladhaho Cumaan TAXgu wuxuu soo gur guurto wuxuu soo istaagay isbaarad maglaada looga baxo cabaar ayaa gaariga la baaray maadama ay saaran yahiin dad ajanib ah oo walbi madoow ah NINka taxiga ayaa furdaamiyaay isgoo usheegay inuu geenayo magaalo caasigamada ku xigta oo la dhaho{Az zarqa }waa la iska soo daayay waxaay afka soo saareen gobalka uu sheegay yaay ninka taxga watay xiligu waa is gurayaa wakhtigu waa goor maqarib iyo cishe u dhaxeeysa waxaana gobalkii kale u soo socdeen muda 2 saac ah waxaay goor danbe oo habeenimo ah soo gaareen kantaroolkii gobalka Az zarqa cabaar ayaa la baaray waana la soo daayay waxay soo dhex galeen gobalka Az Zarqa waxaanu carabku usheegay inay waa bariga tagayaan xadka udhaxeeya suuriya iyo jordan magaalda nasiib kooda waay ka soo gudbeen waxaay afka soo saareen Gobalkii uga danbeeya Jordan Ee xadka ku yaala oo ladhaho IRBID Waa tuulo yar oo xadka ku taala waxaay soo gur guurtaan waxaay 10:30 kii subax nimo soo istaageen xadka u dhaxeeya Jordan iyo Suuriya khaastan tuulad Irbid waxaana lagu qabtay kaantaroolka xadka udhaxeeya suuriyo iyo urdun waxaa laga soo dajiyaay TAXiga ay saarnaayeen waxaana la geeysata jeel yar oo dadka lagu baaro cabaar goortii la haystay ayaa Osmaan wuxuu arkay ninkii taxiga oo gaar loo waraysanayo ,kadib hadan waxaay arkeen boorsoonin xaga danbe ugu jiray ayadoo la soo dajinaayo

Osmaan Diicay waxuu markiiba dareemay in xaaldu aanay caadi aheen waxaa markiiba laga qaaday baasaboradii ay wateen waxaana lagu xareeyeey qol yar oo ay ku jiraan dad carab ah oo masri u badan waxaan ku yeeray wiishka waxaa ku barayaay waa cusub waayo waxaay ku jiraan xabsi aanay aqoon goor ay ka soo bixi doonan, meeshii ayaay iskaga jireen cid ma soo raadin gaarigi aya wateena hore ayaa laga fasaxay Osmaan iyo saaxiibkiis waxaa ku barayay waa cusub iyo arin aanay ku tashaneen waa aduunyo adigoo meel ku socoda ayaay meelkale kuu leexinaysaa Osmaan Diiceey waxaa hortimid aduunyada waxaa ku soo koobaantay nolasha waxaa meesha ay ku jireen 2 habeen iyo 2 laba maalin waxaana ay meesha ku cunayeen ceesha iyo fuul yar iyo shaah rinji ah ama bigees ah maalinkii 3 sadex aad ayaa waxaa yimid nin sarkaal ah oo baadhitaan u yimid meesha waxaa la soo bixyaay dadkii meesha ku jiray Osmaan iyo saaxibkii meel gaar ah ayaa lala tagay waxaana lagu bilaabay Garaacitaan iyadoo lagu ee daynayo inay u tahriibayaan wadanka ay dariska yahiin ee carabtu iska ilaaliso waa {israalile} waxaanay casarkii lagu soo celiyaay Godkii yaraa ee jeelka ahaa waxaana loo sheegay ina la dili doono hadaanay sheegin waxay ka doonayaan wadanka muslinka cadawga ku ah ee yuhuuda

waxaa ku cadaatay talo waxaa labadoodii midba ku dhagay darbi isaga oo aad moodo in dil toogasha ah lagu xukumay waa iska xaal aduun qofkastaa oo mu waadin ah wuxuu dareema in dalkiisu yahay dahab markuu arko sida loogalaayo marka wadankale lagu qabto Osmaan waxaa hortimid marxalad cusub aanu ka bixi karin waxaa dusha ka soo fuusha dhibaatada aduunka oo dhan waxaanay nololashu ku noqotay ciriiri sidkasta oo ay ugu adkaato ama ugu dabacdo cid uga neefisay majirin waxay meesha ku sii jireen 3 maalmood oo kale waxaan subaxii ugu danbeeysay loo keenay gaari qafulan oo kuwa lagu qaado dadka danbiyada waa ween dalka kagala oo ciidan xogan saaran yahay waxaa loo wacay Osmaan iyo saaxibkisa oo duruufta aduunku ka muuqato waxaan loo sheegay in loo keeni doono safiirka jordan ufadhiya JUSUL QAMAR Waa wadanka ay sitaan baasaaboorkiise waxaa lagu soo qaaday gaarigii Qoful naa waxaan dib loogu soo celiyaay meeshay ka yimaadeen oo ah caasimad Jordan ama Cumaan waxaa lagu xareeyey Jeelka wayn ee dalka… sheekadu way ku dheertaay waxaaney meesha ku xirnaayeen 2 isbuuc ama 14 bari kadib maalin sabti ah ayaa waxaa loo wacay labadooda waxana u yimid safiirka jusul Qamar

aduunka ninksataa dadkiisa waa yaqaana markuu arkay dadka sita baasaaboorka dalkiisa aad ayuu ugu xumaday waxaanu kalaabtay isla meeshii isagoo usheegay inaysan aheen dadka baasaaboorka wataa dad u adhashay dalkiisa ………..Oday Osmaan iyo saaxiibkiis waxaa ku sii batay Kiiskii loo haystay waxaana lagu xareeysatay qol ka mid ah qololka danbi baarisata ninkasta geeskii ayaa laga tumay waxaa loo jilciyaay si aan caadi aheen Osmaan wuxuu aad u yaqaanay luuqada carabiga khaastan Lahjada ama luuqada Masaarida waxuu usheegay ninkii wareeysanaya inay yahiin Somali ,waxa nagu ku kaliiftay dhibaatada dalka somaliya ka jirta iyo inay naftooda meel ugu tagaan baasaaboorkan ay wataan soona gateen, Ninkii danbi baaraha ahaa ee wareeysanaayay aad ayuu ula yaabay waxaanu ahaa nin wax garad ah wuxuu dhahay dadkan jeelka halagu celiyo waxaana la geeyey meeshii ay hore ugu xirnaayeen iya goo tabcaan ah

Osmaan iyo saaxiibkiis way is dhiibeen waxaanay Cumaan ku xirnaayeen mudo 5 bilood xiligu waa kuleel xagaa ayaa algu jiraa ama samar ,jeelku waa kuleelka aduunka Osmaan waxaa ka dhacay cidayaha sidii qof biyo bad ku dhex jira waxaa is badalay maqaarkoodii waayo jeelka aya ku xiran yahiin ,waxaa lagu xiraa dadka dalka danbiyyada waa ween ka gala ,Nasiibkooda ayaay qabaan Osmaan waxaa hortagaan dalkeena hooyo iyo xoriyadu siday qaali u tahay waxaanu talada saartay ilaaheena wayn baa Amarkiisa ku fulayaa

Part 21

Dalkeygoow adigaan ku sugayaa Dalkeeygoow waxaan dareemaa inaad lama huraan tahay Dalkeeygoow danbi baa lagaa galay Dalkeeygoow waa lagu dugaal ayaad tahay

Dalkaaga waxaad dareentee markaad ka soo baxdo, waxaa xaqiiqa ah inaad iska ilmeeynayso markaad meel ku godoonto ee dowlad kale ku xirto ee aad jeel dalaq dhado , muwaadinimo waxaad dareentaa marka luugu bahdilo ee lagu quursado ee lagu dhaho wadaankaaga ayaad soo gubtay markaas ayaad rabtaa inaad wadankeena sharci daro ku soo gashay, somalinimo waxaaad dareentaa markaad cid aad weheshtaa wayso cidla aad kali ka ooysaa

Hadaan u soo noqono sheekadanee waxaay inoo maraysay Osmaan iyo saaxiibkiiso oo jeel galay waxaanay ku jiren mudo 5 bilood gaaraysa waxaa ugurmaday ma jirin wax caawiyaay maysan jirin waxaay talada saarteen ilaahay , Osmaan baadhi taan dheer kadib waxaay nasiib u yeesheen in si lama filaan ah subax banaanka loo soo bixshay waxaana farta laga saaray sharcigeey wateen waxaana la dhahaay waxaad u laabtaan wadankii markii hore ka timaaden ee Masr ahaa Osmaan iyo saaxiibkii ilinta ayaa Qubtay meesha ayaay ku leexdeen xamaamka hore ayaay wayso ka soo qaateen waxaan meel yar Moowlac ah oo meesha ku dhex taalay u istaageen salaad suna ah oo ay ilaahay ayaay Gacmahooda u tagteen Osmaan iyo sxb kiis 3 maalin ayaay meesha ku sii jireen maalinkii afraad waxaay u soo baxeen banaanka iyagoo aad ugu muraaqeeysan xabsiga sida kadiska ah ay uga soo baxeen , iyo siday ilaahay ugu soo cabiidayaay dawladii haysatay waxaana gacanta laga soo saray lacagtii ay siteen iyo borsooyinkoodii waxaan hore ka soo raaceen gaadhi askartu leedahay oo magaalada u soo socday iyadoo lagu soo daray 2 askari si ay tikidh ugu soo gooyeen waxaay soo galeen Cumaan waxaana askartii ka codsadeen inay tilfoon dirsadaan waxaanay galeen meel telifoonada laga dirsado waxay dirsadeen tilfoon ninkasata cidiisa ayuu wacaay

aad ayaay loogu farxay waxaanay dalbadeen lacag ay masr ku tagaan

waxaanay hore islma habeenkii lacag ka qaateen westeran union waxaanay subaxii lagu salamay marab masr u socda , way iska soo tawakaleen iyagoo

aad ugu cabsanaya inay xabsi kale ka galaan Wadanka masr ducooyin ay wadeen iyo quraan badan ayaay iska qabsadeen waxaa ilaahay ka indho sabay masaaridiid waxaanay si toos ah uga soo dageen Gobalka mid masr oo markii hore ka baxeen oo la dhaho Carish waxaanay sitoos ah u soo raaceen gaadhi usoo socda masr ama caasimad wadanka oo ku magac dheer Qaahiro waxaay soo galen qaahiro habeenkii oo badh tagay salaada subax markii lagu jiray OSmaan iyo saxiibkiis waxaa ka muuqtay farxad aad u wayn waxaa qofkasta qaadan waa ku noqotay siday masr ku soo galeen , waxaay gaarigii uga dageen bartamaha magaalda oo ay ku taalo boosteejada ugu ween Qaahiro waa Ramsiise waxaay hore isaga soo tureen Tagsi {Tax} Osmaan iyo saaxiibkiis aad ayaay isug dhageen sidii laba qof oo walaala ah oo muda kala maqnaa waxaay ka soo dul dhaceen marka dad iyo geed la kala garto gurigii uu ka baxay Osmaan wuxuu soo yeershay gan bambaleelka waxaa ka furtay gabar yar oo walaashiis dhashay guriga oo dhan waa la isku soo kacay waxaa meesha la isku daray oohin farxadeed waxaa aamusi waysay walaashiis mudo 30 daqiiqo kadib Osmaan wuxuu haley jaanis isaga iyo saaxiibkiis xamaam inay galaan waxaa meesha looga dalbay raashin lakiin maysan sugin qubeeys iyo salaad subax iyo sune ay isakaga bixiyeen waxaa loo gogley qol waxaanay galeeen hurdadii ugu horeeysay mudo 7 bilood ku dhoow dadku waxay ku nuuraan nolasha iyo xoriyada waxaa ka muuqtay Osmaan wajigiisa diif aad u daran waxaad ka dareemi karaysay sida jirkiisii qurxoonaa uu isu badalay waxaa inadhahisa ka muuqatay farxad iyo inuu galay nolol hor leh waa aduunyo qoba meel ayaay ka tuurtaa wuxuu ku shanleen jiray mar uun banaanka ma u bixi doontaa oo xoriyad ma ku noolaan doonta wax kasta oo uu soo maray waxuu ku mahadiyaay ilaahay mahadiis waxuu jecleesatay nolasha cusub ee uu hada bilaabayo waa iska nasiib waa nin iyo waagii

hadaba maxay la soo kaceen Osmaan iyo saaxiibkiis, runtii hada ay u bilaabantay Nolashii caadiga aheed

 

Part 23

 

Waa nin iyo waagiis waxaay soo rafaadaan Osmaan iyo saaxiibkiis waxaa ilaahay nabad qab ugu soo celiyeey Masr, wuxuu nabad ku seexaday mudo 7 bilood ku dhawad habeenkii uu masr soo galay wuxuu horday habeen iyo maalin salaad waxaan aheen umuu kaceen waxaanu markuu nastay soo hor istaagtay saaxiibtiisa Qaaliga aheed ee Raaqiyo,
ileen jaceealku wa nuur
Waa hilaac baxaayo
Waa heeybad iyo sharaf
Waa dahab la curiyoo
Caanihiisu waa malab
Waa caynad qurux badan
Waa ceel ilees badan
Waa cuud udgoon badan
Waa cagaar la fidiyoow
Ceenkiisa lama helo ileen caashaq waa balo,

Macaantiis Raaqiya mudo maqal iyo muuqaaltona iskumay , wuxuu markii uu qaddadii afka ka qaaday uu qabsaday telifoon guraga yaalaay, waxaanu hore ka garaacay nabarkii qaalidiisa Waa Raaqiye , waxaanu ahaa mid iska xiran oo hawada ka maqan wuu yaabay waxaan salaada casar kadib isku siidayaay Gurigii ay ku nooleed macaantiisu wuxuu istaagay albaabka guriga waxaana ka furtay gabar, salaan kadib wuxuu waydiiyay Gurigan gabadhihii daganaa, Gabadha Guriga ka furtay waxay argtay inuu cusub yahay wiilku ,waxaanay dhahaday walaal hore u soo gudib biyo ayaa loo dhigay waxaana ay gabartu waydiisay goorma ayaa kuugu danbeeysay gabdhahaas ayaa dhahaday. wuu naxay maxay kuu sheegi doontaa ayuu is dhahay dhinacyada ayuu fiirshay waxaanu ugu jawaabay abaayo aniga waxaa lay dhahaa Osmaan waxaan ka tagay qaahiro mudo 7 ka hora ah, waxaan galay safar waana iska soo noqday marka waxaan imid magaalada habeen dhaweed waxaad si toos ah iigu sheegta walaal gabadhas xaga ay aaday hadii aad warka hayso intaas markuu ku dhahay ayaa gabadhu u bayaamisay arika meesha yaalo oo muxuu noqon doona

Walaal soo dhawoow Gabadhahaas way baxeen waxaa u dhamaday laynkii ay meesha ku sugayeen ee Canada sidaad ka warqabto markaa walaal hada waxay maqan yahiin 3 bilood ku dhawaad waanay nabad tageen

Osmaan wuu istaagay waanu iska fadhiisatay waxuu waydiiya abaayo waad ku mahad santahay sidaad isoo dhaweeyesay ee sharafta leh aad ayaan kaaga mahad clinaya . adigaa mudan ayaa loo soo celiyaay Osmaan . wuxuuna gabadhii waydiiyaay abaayo adiga maxaad isu tahiin gabadhii way qososhay waxaanay ku cisay aboowe qaraabo ayaan nahay aan aad u kala dheerayn , Osmaan waxaa ka soo fuqay hadalkii waxaana u sawirantay inay gabadhani tahay qofta kaliya ee uu ka heli karo akhbaarkeeda ama meel uu kala xidhiidho , ok wuxuu dhahay abaayo marlawad ayaan kaaga maha celinayaa lakiin aniga hadaan isku kaa bayaamiyo .oo toos isugu ka sheego waxaa xidhiidh naga dhaxeeyeey Gabadha ugu weeyneed Gabaddha Ee magaceeda la dhahaayeey Raaqiyo markaa anigu safar tahriiba ah ayaan galaya waana ku soo guul dareeystay waxaana mud dheer ku xirnaa Casimada Cumaan Ee wadanka Urdun nasiib wanaag waa la isoo daayaay aniga iyo wiilkale oo ila xirnaa Waana soo nabad galay masr markaa waxaan kaa cod sanayaa inaad isiiso hadii aad hayso meel lagla xiriiro waa hadii aad awoodo

Gabadhi way argtay Osmaan daacada wajigiisa ka muuqata waxaba kumay xujeen kumanay adkeen, waxay ku soo cisay aboowe waan helaa lakiin inaad bari iga soo war doonto weeye waxaan kuu waydiina walashay iga ween oo hada magaalada ku maqan , Osmaan aad ayuu ugu mahad celiyeey sida dagan ee soo jiidashada leh ee ay uga aqbashay codisaga uu gudbisatay waxaanu ku dhahay abaayo adigoo raali iga ah Magacaaga ii sheeg ? waxaanay ku dhahaday aboowe aniga waxaa lay dhahaa Canab ok barasho wanaagsan walashay marlawaad bari ayaan kaa soo wardoonaa hadii ilaahay ka dhigo ayuu ku dhahaya ok ayaay Canab ku dhahaday ayadoo soo dhaweeysay ilaa albaabka hoose ee cimaarada laga galo wuxuuna si dagan ku waydiyaay Telifoonka ay wadato si uu ula soo hadlo hadii ay hesho macluumadka uu ka sugaayay isagana ay ugu dhib yaraato , waxaay u qortay telkii ay la heed Osmaan muu sedan wax moobeel ah uu ku qorto waxaanu ku qoray warqad yar meeshii ayaa la isku macasalaameeyey Osmaan wuxuu sii fadhiisatay meel Qaxwo ah ama kafteera ah oo ay dhalinyaradu isug yimaadan meeshii ayaa cabaar ku sii sheekeeyey oo dhalinyarad ay isku sii salaameen waxaanu isku sii daayay gurigiisa, waxay talo sii gur guurto wuxuu nabad qab ku jiiftay gurigiisa, waxaana loo soo gudbay maalinkuu sugaayay Osmaan sida caadiga ah wuxuu guriga ka dagtaa Casarka ka dib sida badan ee dhalinyarada qaahiro ay caadeeysteen maadama ay jirin wax shaqo ah ama meel la aado subaxii , wuxuu iska bixiyaay saladii casar cabaar ayuu guriga ku sii sheekeeyey waxaanu u dagtay magaalda isaga oo u tabaabusheestay inuu waco gabadhii Canab aheed si u uga qaato telifoon ama meelkale uu kala xidhiidho Macaantiisa Waa Raaqiye , cabaar markuu sii socday ayuu meel Baraanji ah oo tifoonada laga diro ku leexaday si uu tilifoon isaga hor mariyo ama u waydiiyo waxaay Canab u hayso , markuu galay meesha tifoonada laga diro ayuu iska baaray warqadii uu telifoonka ku qoray Canab nasiib xumo wuu waayaay , dhinac yada ayuu fiirshay wuxuu furtay maskaxada cabaar markuu taagna ayaay ku soo dhacaday inuu xaafadiisa waco si uu shaati uu shalay sitay looga fiirsho inay ku jirto warqad telifoon ku qoran yahay , wuxuu garaacay telka xaafadiisa waa laga qabtay lakiin muu helin warqadii telifoonka Canab ku qornaa , wuxuu ku nasiibsaday Gurigii ay joogtay Canab allbaabkii ayuu garaacay waxaana ka furtay Canab walaasheed oo ka weeyneed wuu salaamay waxaanu way diiyaay Canab , waxaay ugu jawaabtay aboowe way maqantahay wuu ka naxay Gabadha wajigeeda waxaa ka muuqday isla weeyni Osmaan wuu iska samaray wuxuu waydiiyaay abaayo adigoo raali iga ah Telifonkeeda ma isiinkartaa, way ilka cadeeysay waxaany dhahaday walaal kumaba aqaanee sidaan tifoonkeeda kuu siiyaa mahayo iga raali ahoow ok abaayo ayuu ugu jawaabay .Osmaan oo yaaban wajigiisa ay ka muuqato murugo ayaa iska soo dhaqaaqay waxaanu afka soo saaray Internet u dhawaa xaafada cabaar markuu soo socaday ayaa waxaa ka hortimdi Kalkaalisadiisii jaceelka Waa tuma Gabadhaasi Waa Qof qali ah Waa Ugaargaarto jaceel wajga ayaa la isku dhuftay alaab ayaay gacanta ku siday kalkaalisada jaceelka Osmaan iyo Raaqiyo waa la isku soo booday faraxad ayaa wajigiisa dhan is qabsatay ilin ayaa ka soo booday Manaal iwaran abaayo Macaaneey, Osmaan waan kuu fiicanahayAboowe dhinacayada ayaa la iska shumiyaay waa salaantii masaaride , cabaar ayaa la is hortaagnaa aboowe warka isii ayaay dhadahay , Osmaan hadalkii ayaa ka so bixi wayaay waxaa ka jabtay qiirada iyo Farxada ay Galisay Manaal wuxuu arkay inuu wado dhex taagan yahay waxaa soo hor istaagay Kii xishood ahaa waxaa la weergay dhulka Manaal way naxday laftedu waxaany ku dheheday ina mari aboowe Guriga , Osmaan wuu xishooday waxaanu ku dhahay abaayo macaaney waan kuu baahnab lakiin tifloon ayaan halkan ka soo dirsanaa dabada ah , markaa soo dhameeysto Abaayo macaaney waan kuu soo noqonayaa , ok waan ku sugaa ayaay ku dhahaday Manaal ,Osmaan wuu baxay wuxuu tagay meel internet ah oo tifoonada laga diro wuxuu soo dirsaday tifoonkiisa waxaanu dib ugu soo laabtay Xaafadii Manaal ay ku joogtay hadaba haleekey ilamareen Manaal iyo Osmaan ?

Osmaan maka maarmidoon Canab oo walaasheed waji gabax tahay

Part 24

Waa nasiib iyo murugo horleh oo hadheeysay Osmaan waxaana hor tagan maxaad kala kulmi doontaa telifoonka , wuxuu dirsaday telkeedee Raaqiyo waxaana ka qabtay ansar
mishiin cabaar ayuu ku celceliyaay tifoonka nasiib daro waxaa hortaagan ansar mashiin ama cejelad , osmaan wuu ku dul fakara telifoonka waxaan go’aan ku ray inuu ugu
duubo cajelka telifoonka hadalkiis waxaanu, ku bilaabay bismilaah walaal aad ayaan kuu salaamay waa Osaan Diicey Raaqiyo ayan u baahnay hadeey maqsho codkeeyga aan ku
duubay ha iga qabto telfooka

Osmaan wuu ka soo kacay telfoonka waxaanu usoo dhaqaaqay dhinaca Manaal gurigeeda waxaana ka furtay Manaal , goobtii ayuu fadhiisatay waxaanay ku dhahaday Osmaan ma
heshay Raaqiyo cabaar ayaa aamusay sida cadiga aheed waxaanu ugu jawabaay xikmada aadka umacaanka badan

Waa masiibo jaceelku
Ruuxba maalin utaale
Miyirkeeyga iyo mankaanka
Sidii ay ula meertay
Waan maqnaani kareeyne
Magool lamoodii meedey
Meedey meedey maarimi
Waayee meeday meeday
Mahadha weeye meeday

Inkastoo aan ka maleesto
Iska maanac idhaahdo
Mooye meeley ihayse
Waxaanu baa idhex maraaye
Meelaan joogaba mooye
Magool lamoodii meeday
Meedey meeday meeday
Mahadho weeye meeday

Intaas markay afkiisa ka soo yeedhay Manaal way iska dareentay inuu soo waayaay telifoonkuu dirsanayay manaal way iska ag fadhiisatay iyadoo aad uga fakaraysa waxay
sameeyso waxaanay ku dhahday aboowe macaaney waa iska aduunyo waxii karaankeeyga ah makaa hagranaayo waan kula qabaanayaa waxaana kaa balan qaadaya inaan raaqiyo kula
hadal siiyo gooray noqotoba waxaanu aad ugu socday hadalka Manaal ay ku leedahay waxaanu ku dhahay abaayo adiga waxaad I dhahdo maan diidi karaa waxaanu iska naaray
sheeydaanka waxaay u gashay sheeko waxaanay ku dhahaday aboowe aduunka

Qof kaastaa wuxuu leeyahay jaanis aboowe haduu jaanis kuugu hadhay Raaqiyo aad calaf ku leedahay waad heleysaa lakiin inaad sedan dhan isu murjiso waa laga fiican yahay
naftana ha ciqaabin maadama aysan Raaqiyo kula joogin waxaana kuu sheega hadaad dadaasho waa helee waxaad ilaahay ka tuugto

Waxaana kaa balan qaadaya intii tamar teyda ah inaan ku sacido oo ku garab taagnaado waxaan kaa codsanaya inaad niyada khar u sheegto , Osmaan aad ayuu ugu farxay
hadalka ka so yeedhay walashi qaaliga ah ee manaal waxaanu ku dhahay abaayo adiga waxaan kuugu abaal gudo ma aqaan ,cabaar ayaa la isla aamusay Manaal ayaa waydiisa?y
Osmaan aboowe macaaney miyaadan heeyn MSN ka Raaqiyo ? Osmaan ayaa dhoolo cadeeyey abaayo Maya lakiin hadaad dhib malaahan hadii ilaahay ka dhigo bari ayaan
fiirninayna ayuu ku dhahay waxaanu ku dhuhay abaayo macaaney waan iska hurdo tagaaya waayo hada waxay ku dhoowdahay 2:00 habeenimo markaa khayr ayaan kuu dhaafay aadna
waad u mahadsantahay walaashay qaali habeen danbe ayaan kuu imanaya ayuu ku dhahay waxaanu gashtay kabahii waxaanu Manaal qamaar ayaay hore ka soo qadatay waxaana u
soo baxeen banaanka oo hawo macaan badani ka socoto cabaar ayaay meesha isla tagtay waxaanay ku dhahaday aboowe xiligina waa la helayaa Canada iyo mareeykanba ina
fiirinee way isa soo raaceen waxaanay fadhiisteen waxaanu hore ka garacay telkii Raaqiyo waxaa ka qabtay gabadha wuu salaamay waxaanu hore ka waydiidayaay Raaqiyo ,
Gabadhii tifoonka ayaay kala dhigtay waxaanay u yeedhay Raaqiyo meesha ayuu ku salaamay aad ayuu ufarxay lakiin Raaqiyo hadal isaga raali galinay kumay dhihin waxaana
mesha la isku waydeersaday Goorma ayaad qaahiro ku soo labtay iyo maxaa laguu wayaay ,

Osmaan wuu is celin wayaay waxaan u galaay taariikhdii dheereed uu soo maray iyo rafaadkii uu la soo kulmaya wuxuu kale u sheegay inuu hada qaahiro 3maalin joogo 3
sadexda maaliba uu iyada raadinayaay tifoonkan uu usoo maray rafaad dheer hadan uu gacamaha oo furan iyo qalbiga oo furan uu jaceel hagar la’aan ah u sido
waxaanu Osmaan u dhashay maskax furnaan waxaanu hadalka Raaqiyo ka dareemayaay inaysan waxba u heeyn oo jaceelkoodiii barigii uu ka meeyrmay

Wuxuu ku dhahay haye Raaqiyo anigu adig qof aan ku siisanayo malahan adiga dartaa waxaan u maray ilaahay ayuun baa ug abaayo macaan adigana hada waxaan ka dareemaya
waji kale ayaan iiga kaa muuqda farxad ayaan kaa sugayaay lakiin meesha I damqanaysa adigu ma dereemi kartid

Hal suaal ayaan kaa rabaa inan ku waydiiyo abaayo macaaney ?

Maxaaad ii haysaa aan cawa kaaga tagaa ?

Jaceelkeenii maxaa is badalay ?

Miyadan hadalkeeyga dareemayn sida aan anigu kuu adareemay Qalbigaaga ?

Jaceelkeenu Ma aniguu iguu iga bilaabamay hadana igu dhamaanaya?

Isheeg waxaad damac santahay abaayo macaney?

Maxay ku jawaabi doontaa Raaqiyo ? Halkeeyse ku quban doontaa ilanta ka socota Osmaan Diicey ?

Part 25

 

Raaqiyo telifoonka ayaay damisay waxaanay gashay fakar ween waxaa ku waynaadeey hadalkii Osmaan uu laaha waxayse gashay fakar qaladan oo ka soo horjeda jaceelka waxaanay go’aan ku gaartay inay osmaan iska fasaxdo , waxay sugtaaba waa osmaan oo soo wacayo iyada waxana la soo gaadhay habeenkii xigay waxaanay soo hadalay Osmaan waxaanay la isku salaamay tifoonka

Part 26

Aduun baan wax dhaadine anba dhibaha jiilaal xiliyadan is dhalan rogay dhibtaan kaa ilaashaa dhaxanta iyo abaaraha kaa dhoowray adigoo dhito subag lo’aad iyo ku cabsiiyaay dheeydee yeey dhicin intaan lahaa dhigan wayaay taydee dheeli awgaa igu dhaafay maalmee iga dheeridaa ma dhul gaaxdaybaad tahay mana soo dhawaatide mid aad u dhalataa

Oday Osmaan wuxuu casarkii oo dhan hurdo qalbigiisa gubtay dhex dabaasho waxaa soo toosay habeenkii markii la dhaafay saladii cishe wuxuu hore ka galay xamaamka waxaanu isu diyaariyaay saladii cishe meeshi ayuu saladii isaga bixiyaay waxaanu usoo dhaadhacay dhinaca magalada wuxuu fadhistay meel cafteeri ah cabitaan ayuu ka cabay cabaar markuu fadhiyaay ayaay ku soo dhacaday inoo soo booqdo Manaal wuxuuna soo aday dhanka guriga Manaal nasiib wanaag manaal ayaa ka furtay waxaanay meeshii ku galeen sheeko iska caadi ah waxuu usheegay inuu xalay ismaqleen Raaqiyo waxaanu usheegay inay telfoonka ku damisay cabaar markay wada hadleen manaal aad ayaay uga xumaatay waxaanay ku dhahaday aboowe macaaney waxaad tahay qof wax jecel iska dulqaado waxkasata ayaa kugu imanaya waxaanay ku dhahadya aniga laf ahaanteeyda ayaa rabay inaan lahadlo Raaqiyo shah meesha aya ku cabeen ayaay dhameesteen hore ayaayna iska soo raaceen waxaanay yimadeen netkii laga dirsan jiray telifoonada meeshii ayaay telfoono ku galeen waxanay isla halkii kala hadashay manaal waxaanay ka qabtay telka cabaar ayaa meesha la isku salaamay waxaany Manaal ku cel celisay waxaatahay qof xun wajina malihid abaayo miyaan wiil kula dhalan miyaanad dhali doonin maxaad sidan ugu galaysaa wiilka islaameed ee adiga aduunka kaa doortay maad runta usheegtid hadaanad waxba u heeyn waa nin raga ah wuxuu kaa gaaraa go;aan haduu awoodi wayaay inuu ka helo

Raaqiyo ayaa u ugu jawaabtay abaayo anigu ma xumeen lakiin hore ayaa loo yiri gabar 1000 kun ayaay shukaan sataa 1 koowna way ka guursataa anigu waan jeclaa lakiin waxaa meeshi yimid qofkii daaha dafane ayaa hortaagan aniga walaaltinimo ayaan uhayaa bes meesha ayaay ku xiran tahay waxaan kaa cosanyaa inaad iga gaarsiiso

Manaal way naxday waanay aamusatay waxaan ku dhahaday abaayo haduu ayuu soo galay netka makuugu dhiibaa waxaanay ku dhahaday abaayo ma arabo inaan la hadalo ee iga gaarsii fariintaas waxaay ku dhaday aniga afkeeygu soo qaban mayo Osmaanoow manaal ayaa fariintan iikaa soo fartay mana laga yaabo inaan dhaho Raaqiyo waykaa tashatay ee ka tasho ee waxay ku fiicneed inaad adigu ku afkaaga uu ka maqlo waxaana kuugula talin lahaa abaayo macaaney RAGA LAMA XUMEEYO EE WAA LA SOO DHAWEEYSTAA waxaanad arki doontaa markale taladeeyda hadii aad is tiri adigu Africa waad ka tagtay nasiibkiisu wuu keeni karaa walaalashay waxaana kuu maleen jiray inaad aad u caqli badan tahay iyada aan iga aheen xumaan waxaad tahay saxibtay waxaana kugu leeyahay canaan iyo talo waxaanad xaqiiqa ah inaadan waligaa heleynin Nin Osmaan kuulamid ah oo siduu kuu jecel yahay kuu jecel ee dib isugu noqo walaashay hadaad tahay

Raaqiyo aad ayaay u qososhay iyadoo si jees jees ah u hadalaysa ayay ku dhahaday abaayo aniga waan aqaan Osmaan iyo nin somaliyeed jaceelkiisu waa ayaamo iyo xiiso markaa anigu waxaan ku qanac sanahay sidan inaan ka harno aniga ayaan afkayga uga sheegayo inaan walaaltinmo meeyee wax kale u heen haduu kuu dhow yahana waad iigu waci kartaa hada ayaanba iska soo gab gabeeynayaa

Manaal ayaa dhahay waa caadi hadii aad go’aan satay caafimaadkaagu siduu ku jiro adaga ayaa iga yaqaan abaayo xumaana ha iiga arkin adiga ayaan kula jiray ilaaminkaad Osmaan is barteen adiga madaxaaga ayaan ku bartay waxaan ku xasuusina inuu Osmaan qof fiican oo duntiisu nadiiftahay aadna uu kuu jecel yahay abaayo

Osmaana isaga ayaa ayaa ku soo wici doonta wana kaa sii tagay abaayo sidii ayaay telfoon ku damisaya osmaan wuu wad qaatay waxaanu arkay inay xaaladu is badashay waxaanu islameeshii ku qaatay go’aan inuu Waco oo runta iyo xaqiiqada dhagahisa ku qaato caawa waxaanu Manaal cadey ku dhahay abaayo aad ayaankaaga mahad celinaya sidaad ula hadashay Raaqiyo iyo taageeranimadaada aad ii hayso cadeey walaahay abaayo macaaney waxaan kuugu abaal gudo ayaan aqoonba hadana ina mari xaafada ku geeye abaayo ok ayaay ku dhahaday waxaanu meesha ku dhiibay lacagtii ay ku hadashay in xooga net uu fadhiyaay isagu waxaanu Manaal ku dhahaday aboowe macaanoow walaahay waxaan kuu sheega inay Raaqiyo is badashay waa dhib malahan aboowe waa aduunyo waxkasta waa is badaleen waxaan kaa raali galinaya dhibka aad jaceelka ka soo martay ,

Osmaan aad ayuu u dhoola cadeeyey waxaanu ku dhahay abaayo macaaney dhib malahan aniga wali shabaab ayaan ahay wakhtiguna waa dhiman yahay calafukuna waa halkiisa adiga ayaa iga mudan inaan kaa raali galiyo intaad ila dadaashay waxana hore ka soo gaaray gurigeedii Manaal meesha ayaa la isku maca salaameeyey waxaanu ku dhahay abaayo macaaney waan wacaa waxii aan kala soo kulman waan kuula imanaya abaayo raalina iga ahoow Cadeey waana kaaga mahad celinaya sidaad ila dadaashay abayao qaali waxaana kaa sii tagaa habeen wanaagsan

Hadab Osmaan muxuu kala hortagay Raaqiyo? ileen qishkeeda dhan wuu hayaaye waxaanu sifiican uga dharag san yahay waxay damac santahay oo dhan?

part 27

Waa nin iyo waagii Osmaan wuxuu galabtii afka soo saaray meesha tilfoonada laga dirsado isagoo afkiisa ay ka baxayso dhagahiisana ay ka yeerayso sida ay u gashay Raaqiyo oo uu aad u jecel yahay waxaan uu ku soo cel celinaayay heestan aadka u macaan wuxuuna dhahay
ilwaadey adigaa
halbawlaha abaaroo
iliilaha wadnaha iyo
inta dhiiga qaadiyo
agagaarka beerkiyo
uurkaad ku taalaa
afkan amaaney iyo
naftan wey u daran
iyadaa u wehelee
igu sin allahayow
adigaa awoodee

Cabaar wuxuu sugo safkii dheeraa ee meesha tilfoonaka laga dirsado ayaa waxaa soo gadhay farsadii uu sugayaay ee aheed inay Raaqiyo ismaqlaan ilaahena wayni wuxuu ku hagaajiyaay Raaqiya waxaanay ka qabtay telkii waxaanu hadalka ku bilaabay. haduu telku soo dhaco dhaysoo bax lagudhay dharaar qura aduunyada hanti aad ka dhaqatiyo haka waayin dharagoo ilaahay dhantaal iyo kuma tuso dhibaatoo ayaan dhalad nasiible mid hodan ah hakaa dhigo Raaqiya oo heestisu aysan ku socon ayaa waxay ku soo celisay hadalkan kuna dhahaday aboowe waan kaaga mahad celinyaa telifoon ayaan sugayaa iigu dhakhso.

Osmaan oo hadalku uu ku xirmay ayaa wuxuu dhahay abaayo macaaney aad ayaan kuu salaamay miyaad iloowday inaan ahay Osmaan .miyaadan ogeen inaan ahay Qofku jecel oo wakhti aad soo wada qaateen. kaaman istaahilin inaad I dhahdo iigu dhakhso waa la isugayaa lakiin waxaan ku leeyahay DUMARBAAD KA TAHAYOO DANBI TAANA KUMA LIHID waxaan markasta ku xasuusinaya inaan Wakhtigu is badalin ee Dadku ay is badalaan markasta waxaan ahay Osmaankagii aad sida fiican u taqaanay ,

Hadalan wuxuu macaan yahay marka uu laabtaada ku jiro lakiin wuu soo dhaafay afkaaga waxaanan ka dhadhansaday qaaraar aad qalbigeeyga wax u yeelay ka soo gudub abaayo macaney

Waxaan caawa kaa rabaa inaan anigu labo 2 kaaga tago

1..inaan noqono labadii buugta jaceelka lagu sheegay oo arintoodu aduunka ku baahdo? iyo

2..inaan noqon dad kala hela mirahii jaceelka kalgaceelna is waydaarsada ?

Raaqiyo way qososhay waliba qosol jees jees ah waxaanay hadal ku soo celisay Osmaan waxaanay ku dhahaday Osmaanow

Dadku sheeko way wadaagan waanay kala tagaan mar hadii aan kala dheeranay maxaan isu sheegayna aboowe iga raali ahoow waxii ina dhex marayna iska iloowa waxaana kuu haya walaal tinimo aad u macaan aan marna dhamaaneen . waxaan ku dhihi laha aboowe iska iloow waxaan soo maranay wakhtigiina waan soo qaadany intaas ha ina kala gaaro.

Osmaan aad ayuu ugu fiirsaday Raaqiya waxaana u soo baxday Gabadh uu xilgan la hadalayaa inaysan aheen Raaqiyadiis uu yaqaanay waxaanu Go’aan ku qaatay inuu telka iska damiyo naftiisana uu buugkale u furo oo qalbiigiisa dajiya

Waxaanu hadal ku soo koobay heestan calaa calka ah ee qalbiga jabniyasa waxaanu ku sii nuux nuuxsay abaayo macaney maalin kale ayaan sugayaa waxaanad ogaataa in hore loo yiri Daacid ma hungoowdo waxaanu tiryaay geerarkan iyo heestan calaa calka ah

Jawigoo markaa ka cakiran Calafnakaa hiishoo

Haduu calanku hooskaaga dhacoo talana kaa ciirto

Markii ciiga kaa tahay hurdadu ka carsha carshoowdo

Camilxuma daraadeed markaad oonta cuni wayso

Sidii curud lagaa dilaya markaad caday ka dhuubnato

Cirsanka yeedhku goortuu ka didido cidhif yadaad joogto

Cawa daranta waa laga tagaa looma ciirsado

Miyaa ciil loo dhintaa

Miyaa cadho lalatagaa

Miyaa camal loo go’aa

Nasteexo miyaa la ceershaa

Miyaa cadow loo jabshaa

Ruuxaad calmatee jecelaatay

Dunida uga caaganaatidi

Nafteeda iyadaan canaadin

Ma inay kugu caasidaa

Waxaanu ku cel celiyaay aduun waa har wareega waa habeen iyo maalin Raaqiyooy waxaan sugayaa maalintu ku hor yimaado jaceelkinii macaana waxaan dhadhamin doontaa jaceelku rafaadkuu dadka mariyo

waxaa  idiin soo diyaariyey

c/casiis maxamed sheekh axmed qalbijaceyl

qalbijaceyl11@hotmail.com

www.nololcusub.tk


Qudbi-suugaaneed Kaloo GalbadayBy: Maxamed Daahir AfraxMar kale ayay maalmahaan murugo gilgishay bahda qalinleyda iyo halabuurka markii looga naxsaday geerida lama-filaanka ahee abwaan Saalax Xaashi Carab, 19kii bishan Agosto. Bahdan oo uu ku abtirsado Naadiga PEN oo uu Saalax ka ahaa xubin qaali ah, waxaa mar kale la damqay damqay nabarkii ay ku reebtay geeridii is daba-joogga ahayd ee ay sidii tusbax go’ay sannadahan u dambeeyey isaga daba tageen halyeeyo badan oo hormuud u ahaa halabuurka fanka iyo suugaanta Soomaalida, kuwaas oo ay ugu dambeeyeen, Allaha u wada naxariistee, Xasan Cilmi Diiriye, abbihii masraxa Jabuuti, uuna ka sii horreeyey aabbihii kale ee isla marxaas, Ibraahim Suleymaan (Ibraahim-Gadhle); Cabdi Muxumad Amiin, halyeygii halganka suugaanta samataliska ah; Ibraahin Garabyare, oo ugu nolol dambeeyey horseedkii iba-furay hees-casrida Soomaalida, horseedkaas oo uu hormuud u ahaa Cabdi Deeqsi (Cabdi Sinemow); Cabdulqaadir Xirsi Yamyam iyo Maxamed Cali Kaariye oo labadaba lagu xasuusto heerkii ay ka gaareen halabuurka quruxda badan iyo haladaygga waddaninimo; Cabdullaahi Amiir Aw Kuuku, calan-sidihii maadaynta masrax-Soomaaliga astaanta u ah; waxaa ka sii horreeyey abwaankii weynaa, Xusaan Aw Faarax iyo mataankiisii fanka, Cabdillaahi Qarshe oo ay isla ahaayeen aabbayaashii masraxa iyo muusigga casriga ah. Waxaa in yar ka dib ka daba tagey tiir-dhexaadyo ay ka mid ahaayeen Maxamed Cumar Huryo, Cabdulle Raage Traawiil, Cumar Dhuule Cali, Cumar Macallin iyo Xasan Shiikh Muumin, Fiilosoofkii fanka iyo suugaanta yoolka leh. Way ka badan yihiin wax halka lagu soo koobi karo.Geeridaas ololaha ku qaadday rug-caddaagii fanka iyo suugaanta Soomaalida waxaan iyana ka nabad galin da’da soo koraysa ee la quuddarraynayey inay buuxin doonaan kaalinta ay banneeyaan kolba inta waqtigoodu dhammaado. Tusaale waxaa ah geeridii lama-filaanka ahyd ee dhawaan meel Burco u dhow shil baabuur ku gaadday Nuura Maxamed Cali oo ahayd ubax qaali ah oo u hillaacay halabuurka Soomaalida (Dheeg suugaanteeda ka mid ah ka eeg Wargeyska Halabuur Vol.3, 1&2, Pp. 85 – 86).Qudbigan u dambeeyey qalbi-fuqa geeridiisu nugu dhallisay waa mid ka qota-dheer qof qura oo god galay. Waxay damaqday dhaawacaas in dhawaale maalin walba daqarku ku dhacayey. Waa oohin orgiga ka weyn. Waa tiiraanyo ay xoojinayso xasuusta xilligan xun ee cimri-dadajinaya caqligii ummaddaan, wallow ay ajashu iska qoran tahay. Dadka halabuurka ah dareenkoodu aad ayuu uga xasaasisan yahay kan dadka kale. Aad ayay ugu nugul yihiin saamaynta dhibaatada dalkooda iyo dadkooda. Waxay is asaaraan xil culayskiisu mararka qaar ka tan weyn yahay. Qalbijabka badan iyo culayska weyn ee maskaxda la saaraana waxay keenaan cimri-degdeg.Saalax Xaashi Carab wuxuu ka mid ahaa bahdaas. Wuxuu isugu jirey wax badan. Wuxuu lahaa hibooyin isku dhafan. Wuxuu isku hawlay kana soo dhalaalay arrimo aad u kala duwan. Wuxuu ahaa askari, injineer, agaasime, abaabule, aqoon-yahan iyo abwaan khayaalkiisu aad hodon u yahay.Naxariistii janno Allaha siiyee, abwaan Saalax wuxuu ku dhashay magaalada Ceerigaabo, 10kii Oktober, 1955tii..Tacliintiisa quraanka iyo dugsiga hoose wuxuu ku bilaabay Ceerigaabo, ka dibna tacliin-dugsiyeeddiisa wuxuu ku sii watay magaalooyinka Laa-caanood, Taleex iyo caasimadda Muqdisho oo uu markii dambe u wareegay. Tacliinta sarena wuxuu ku soo qaatay Azerbedjan oo waqtigaas ka tirsanayd dalkii la isku oran jirey Midowga Sufyeti. 1973dii ayuu galay Akadeemiyada Ciidanka Badda ee caasimadda Baku. Wuxuu ka qalin jabiyey 1977. Wuxuu ku takhasusay culuunta isgaarsiinta iyo warbaahinta.Taariikhdiisa shaqada, Saalax shaqooyin dhawr ah iyo xilal kala duwan ayuu ka soo qabtay Soomaaliya burburka ka hor. Shaqadiisii u horreysey wuxuu ka bilaabay ciidammadii badda ee Soomaaliya oo u ka ahaa sarkaal farsamayaqaan ah. Ka dibna wuxuu sannado badan ka shaqeeyey wasaaraddii Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda oo uu ka qabtay masuuliyado agaasin ah. Markii uu imminka geeriyoonayeyna wuxuu macallin ka ahaa Machadka Fanka ee Jamhuuriyadda Jabuuti. Muddadii u dhexaysey 1977 – 1991 ee uu u shaqaynayey Wasaaradda kalluumaysiga iyo ciidammada badda, Saalax wuxuu isla waqtigaas isku hawlay diyaarinta qoraallo kala duwan. Tiro gaaraysa ilaa 7 buug ayuu qaarna qoray qaarna tarjumay. Badi waxay ahaayeen buugaag farsamo oo la xiriira xirfaddii uu ku soo takhasusay, sida qalabka war-isgaarsiinta, kalluumaysiga, nabadgelyada badda iwm.Ka dib qarixii dagaalka sokeeye iyo burburkii dalka ee uu sababay, Saalax wuxuu isku hawlay arrimaha siyaasadda. Wuxuu ka qayb-qaatay bilowgii shirarkii dib u heshiisiinta, sida kii Sodare, Ethiopia,1996, iyo dib isu abaabulkii SSDF ee aakhirkii looga shidaal-qaatay asaaskii Dowlad-goboleedda Puntland, 1998. Xilligaas Saalax wuxuu xoogga saaray dib u soo noolaynta ilaha dhaqaale ee ku aaddan xirfadihii uu ku takhasusay. Wuxuu khabiir ahaan gacan weyn ka geystey asaasidda ururro iyo iskaashatooyin kalluumaysato iyo kuwo ay leeyihiin xoogsatada faleenka ee gobollada woqooyi-bari.Wixii ka dambeeyey dabayaaqadii sagaashannada, Saalax Xaashi Carab wuxuu hawlgalkiisa u jeediyey aag cusub, dhinac ka duwan kuwii uu hore isug hawlay. Wuxuu u banbaxay cilmi-baarista Afsoomaaliga iyo curinta suugaan Soomaaliyeed. Qalin iyo xaashi, qoraal iyo kombiyuuter ayuu dul rundudsaday. Wax kale oo dhan faraha ayuu kala baxay. Dadaalkaasi wuxuu dhalay lix buug oo isugu jira cilmi-baaris afeed iyo curis suugaaneed. Kii ugu horreeyey ahna kii uu abwaanku ku soo caan-baxay wuxuu ahaa qaamuuska Afsoomaaliga ee la magac baxay Ileeye, kaas oo waqtigaas (2004) ahaa eraykoobayaasha Afsoomaaliga kii ugu weynaa ama ugu hodansanaa. Ilaa 40000 oo eray-fure ayuu micnaynayaa.Buuggani wuxuu qayb ka ahaa hawlgal ururin iyo darsid ah oo uu Saalax Xaashi ku foognaa muddo ka badan siddeed sannadood. Wuxuu isku mashquuliyey u fiirsiga Afsoomaaliga naxwihiisa iyo eray-saafkiisa. Waxaa uga dhex muuqday daldaloollo iyo qabyo badan. Wuxuu go’aansady inuu dajiyo hab ula muuqday in lagu qabya-tiri karo hannaankii qoraalka ee la dajiyey horraantii toddobaatannadii qarnigii hore. Hannaankaas oo wax ka beddelaya waxna ku biirinaya hiiggaaddii hore loo dajiyey ayuu ku dhaqan galiyey qaamuuskiisa cusub. Waxaa jirey dhawr dood-cilmiyeed oo lagu qabtay Jabuuti, kuwaas oo Saalax ka soo jeediyey fikradihiisa iyo hindiseyaashiisa cusub. Doodahaas, oo aan qaarkood qudhaydu ka qayb galay, waxaa jirey aqoonyahanno iyo waxgarad Saalax kula taliyey inuu dib u dhigo dhaqan-galinta hanaankiisa cusub ilaa laga galinayo doodo lagaga bogto, si wadajir ahna loogu go’aamiyo. Haseyeeshee Saalax taladaas muu qaadan ee wuu ku tallaabsaday inuu qaamuuska u hikaadiyo habkii isaga uga soo baxay cilmi-baaristii uu galay. Waxaa jira buug aan sida qaamuuska u weyneyn oo uu asagana ku soo bandhigayo darsiddiisii saafidda Afsoomaaliga (sarfi). Wuxuu dajiyey xeer cusub oo uu u bixiyey Xeerka Saafidda Eray-saleedka Afsoomaaliga. Halkan aqoonyahanku wuxuu soo kordhinayaa aqoon ugub ah oo looga baahna diraasaadka Afsoomaaliga. Nasiibdarro buuggan oo aan weli si buuxda u faafin ayay qoraaga ajashu haleeshay. Waxaa loo bahan yahay in la faafiyo, laga faai’daysto, lana galiyo dood cusub oo ay ka soo baxaan dadaallo intaan ka sii hodansan oo lagu kobciyo darsidda erayg-saafka Afsoomaaliga.Lixdaan buug ee dambe afartooda kale waa Halabuur suugaaneed. Labada ugu waaweyn mid wuxuu qoraagu ku magacaabay Qaran-taab. Waa diiwaan xambaarsan maanso loo dhisay hab aan caadi ahayn. Waa malxamad gaaraysa in ka badan toban kun oo meeris. Arrimaha mu’allifku kaga hadlayana waxa halbowle u ah falsafad iyo taariikhda siyaasadeed ee Soomaalida. Waxaa hoggaaminaysa waddaniyad sare. Buugga kale ee weyn waa sheeko-hiddeeddii Arraweelo oo uu abwaanku ka sameeyey riwaayad uu halabuuray, asagoo la kaashanaya khayaalkiisa hodonka ah. Waxaa soo raaca laba buug oo iyaguna xambaarsan laba riwaayadood. Waxaa la kala yiraahdaa Wanqalkii Nabsiga iyo Siraha Jacaylka.Saalax Xaashi Carab asagoo la rafanaya cilimibaarista Afsoomaaliga iyo diyaarinta buugaagtaas kala duwan oo Geeska Afrika marba waddan habeen-dhaxmo u tagaya, duruuftuna ku adagtahay, ayaa waxaa u gurmaday madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Wuxuu dajiyey magaalada Jabuuti, halkaas oo uu ku taakuleeyey wax allaale wixii uu u baahnaa si uu u dhammaystiro cilmibaaristii iyo qoraalladii buugaagta. Markuu dhammeeyeyna wuxuu kafaala-qaaday maalgalinta daabacaadda buugaagtan iyo faafintooda. Sababtaa awgeed , Saalax wuxuu dhammaan buugaagtiisa ku qoray mahadcelin weyn oo uu ku tilmaamayo inay ku adkaan lahayd soo saarista buugaagtan la’aabta gacantii hagarla’aaneed ee uu ka helay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.Allaha u naxariistee, Saalax Xaashi Carab wuxuu ahaa geesi hal adag oo aad ugu dhiirran wixii ugu muuqda inay xaq yihiin. Taasi marmar waxay la gaari jirtey heer dadka qaar ku tilmaamaan nin madax adag. Tusaale waxaa ah sidii uu ugu adkaystay waxyaalihii uu ku soo kordhiyey higgaadda far-soomaalida. Wuxuu ahaa waddani ku seexda kuna soo toosa wanaagga dalkiisa iyo dadkiisa iyo u hiillinta xaqa. Wuxuu ahaa nin aan marnaba ka harin, meel kalena uga jeesan hawshii uu ku dhaqaaqo, ilaa uu ka mira dhaliyo. Wuxuu ahaa bulshey dabeecad macaan oo soo jiita saaxiibbo badan. Isku wada duuboo Saalax wuxuu ahaa la-higsade ay habboontahay inay ku daydaan da’da soo koraysa, siiba kuwa ay ku duugantahay hibada halabuurnimo.Saalax Caashi Carab wuxuu magaalada Jabuuti ku geeriyooday habeen jimcaad oo ku begnaa 19kii Agosto 2010. Wuxuu ifka kaga tagey laba xaas iyo carruur badan. Waxaa lagu sagootiyey aas qaran oo ay ka qayb galeen dad aad u fara badan, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen madaxda sare ee Dowladda Jabuuti, aqoonyahanno badan iyo guud ahaanba bulshaweynta reer Jabuuti oo ay safka hore kaga jireen ardaydiisii.

Ilaahay naxariistii janno ha ku abaalmariyo

nuux qaasim xassan
darwiish2009@live.com


___________________________________________

______________________________________

___________________________________

waa maxamuud maxamed i braahim m.m.i

oo ka mid ah qorayaasha webka http://www.nololcusub.tk

Allaah ayaa mahad leh nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato Nabi Muxam ed, intaa ka dib.

Saxabiyaal waan idiin salaamay meel kasta oo aad aduunka kaga nooshiin, wax aan halkaan idiinku soo gudbineynaa Qiso xusid mudan oo Jacayl ah taas oo ah Qisadii Abwaankii Jacaylka Ee Cilmi Boodhari.

iyadoo aan u qeybinnay Cutubyo badan soona koobnay Nuxurka Qisada layaa bka leh ee Cilmi iyo Hodan

Dukaankii rootiga lagu gaday ee Berbera ugu weynaa ee Cilmi uu ka shaqeyne yey waxaa soo gashay gabadh qurux badan oo la odhan jirey Hodan Cabdille Walanwal. Sidii ay u socotey waxaa abwaan Soomaaliyeed ku sifeeyey sidan

Markay socodka damacdee

Deggenida tallaabada

Miisaanka lagu daray

Laafyaha la daawado

Dadku waxay yiraahdaan:

“May daarin ciiddee

Indho deeraleeyey!“

Gabadhu waxay ku tiri Cilmi „Subaax wanaagsan!“ Isagoo markii horeba ka helay qaab-dhismeedka qurxoon ee uu Eebbe u uumay baa haddana wuxuu ku murqaamay midabkeeda oo aad dahabi moodeysey iyo indheheeda debecsan ee ka soo jeeda wejiga dhalaalaya wuxuu ugu jawaabay „wanaagsan“. Islamarkaasna wuu caashaqay

Caashaqii buu u bukay Cilmi Boodhari . „Culays wuu i saaran yahay“ buu ku yidhi saaxiibbadiis. Markuu muddo bil ah jacaylka dhex dabaalanayay waxaa soo batay xanuun ka dhashay rabitaan xad-dhaaf ah oo uu u qabay Hodan. Cuntadii iyo hurdadiina way ku yaraadeen. Intii uu Hodan u tegey ayaa wuxuu u sheegay in uu jecel yahay inuu guursado. Hodanna iyadoo dirifsan, si kulul bay ugu sheegtay Cilmi inaysan guurkiisa u baahnayn. Muddo kaddib Cilmi wuxuu tiriyey gabaygii ugu horreeyey, isagoo ku muujiyey dhibaatadii la soo deristay

Nimanyahow, dharaar iyo habeen waan dhadhabayaaye

Dhulkuun baan xariiqaa siday dhiilo u timiye

Sidii qaalin dhugatoobayoo geeli laga reebay

Dhallinyaro ma raacee keligay baan dhaxanta meeraaye

Dhakhtarkaa la geeyaa qofkii dhawac weyn qaba e

Iyana waa igu dheeldheeleyaan dhamacda Daa’uude!

Cilmi wuxuu ka faquuqmay bulshadii uu dhexdeeda magaca iyo maamuuska ku lahaa, wuxuuna noqday nin iska aammusan. Xilligaa geyiga Soomaaliyeed lagama aqoon jecel, waxaana ceeb iyo foolxumo loo arkayey qofkii laga maqlo „Caashaq baa i haya“. Qofkaa caynkaas ah waxaa loo haysan jirey mid uu jiinni derderay. Sidaas darteed ayaa Cilmi loogu qaadey habar jiinniga dadka ka buubisa oo dad badan daaweysey. Kaddib markii laga quustay ayaa waxaa loo tegey wadaaddo. Inkastoo ay aad u dadaaleen, haddana ficilkoodii iyo Quraankoodii ma noqon fal uu Cilmi ku raystay. Nin wed galay looma taag helo!

Cilmi Boodhari isagoo aad u xanuunsan ayaa wuxuu tiriyey gabay uu ku eedeeyey dadkii garan waayey caashaqa wuxuu yahay:

Caashaqa haween waa horuu Caaddil soo rogaye

Sayidkii Carshiga fuulay iyo Caliba soo gaadhye

Carruurtay sideen meesha iyo Ciise Nebigiiye

Cidla‘ lagama beermeen dadkoo cuudi waaxidahe

Waxaa qaarba cayn looga dhigay hays cajebiyeene

Soomaalidaa caado xumee iguma caydeene

Oo ima canaanteen sidaan Cuudka iibsadaye

Kuwii ii calaacalayey baan camal tusalayne…

Cilmi iyo saaxiibbadiisii waxay ka qayb galeen xaafaddii arooska ee ka dhacday Daaroole, waxayna kula kulmeen Hodan.

Alla hoobey hobaaligayeey sidirigam hoobalow heeleey

Gaadama galooleeyeey sidirigam hoobalow heeleey

Gidiggeedba Soomaaliya sidirigam hoobalow heeleey

Geyigaan ku nool ahayeey sidirigam hoobalow heeleey

Gabdhaha waad u sidataayeey sidirigam hoobalow heeleey…

Kaddib markii la wada ciyaarey oo la wada heesey ayay Cilmi suurtoggal u noqotay inuu gooni ula sheekeysto Hodan. Wuxuu u sheegey inuu danaynayo inay noqdaan laba qof oo haasawe wadaag ah, maadaama uu iyada aad dooneyo, hablaha oodhanna uu ka calmaday. Hodan waxay ugu jawaabtay in ay la nooshahay islaan eeddadeed ah oo aan marnaba ka aqbalayn nin iyo sheekadiis tooona. Islamarkaasna waxay dhegaha Cilmi si dadban ugu riddey inay jeceshahay in mustaqbalka guurkeedu uu talo ahaan qoyskooda ka go‘o

Cilmi Boodhari wuxuu yimid gurigii Hodan isagoo u tiriyey gabay uu ku ammaanay quruxdeeda:

Naasahan sidii hooto waran horay u soo taagan

Dibnahaagan hiifkaba aqoon hadasan mooyaane

Gudub halacsi daymada indhahan hibada loo siiyey

Qosol hanaqa soo taabayoo caashaq hurinaaya

Ilko aan hogoodii ka lumin kalana hoosaynin

Sankaagaa hanaakiyo qorshaha hadiyad loo siiyey

Dhabannada hareeraha wacan wejiga halac nuuraaya

Suniyaha habkooda wacan hadal dhamayn waaye

Luquntaa habkii geri lahaa hadal wax dhaafsiiyey

Timaha hoos garbaha uga degoo sinaha haabhaabtay

Heega iyo laafyaha gacmahan hibada loo siiyey

Dhexdan aan hareeraha u fidin horayna soo taagmin

Hannaan quruxsan waa taa indhuhu ka haqab beeleene!

Dhowr oday oo ay Cilmi is xigeen ayaa macsuumay odayaal dhinaca Hodan ah. Hase yeeshee markii dantii ay iska lahaayeen iska wareysteen arrinkii hanaqaad ma noqon, maxaa yeelay odaydii gabadha la weyddiistay yarad ka kooban xoolo aan xerada Cilmi iyo xerada xigaalkii ku jirin bay ku xidheen. Dhowr bilood kaddib bay hablo reer Berbera ah oo aad uga xumaaday xaaladda Cilmi wwaxay u soo jeediyeen inuu tan ugu qurux badan ka doorto oo iska illaawo Hodan. Cilmina wuxuu hablihii u tiriyey gabaygan:

…Hablahayow, halkii qoomanayd baad i qabateene

Qalbigaan bugsiinaayey baad qac iga siisaane

Bal qiyaasa waa taan qandhaday qamarey awgiine

Qarqarada jidhkaygiyo gacmuhu wayqadh-qarayane

Qalbiguu wax iga yeelayaa naaska qaawaniye

Qosolka yaryari waa waxaad nagu qaldaysaane

Inaan Eebbahay idin qatalin qariya laabtiina!

Cilmi abtiyaashiisii iyo adeerradiisii waxay isku deyeen in ay ka leexiyaan Hodan, ayna u toosiyasan gabadh kale oo fiican oo deggen Oodweyne. Hase yeeshee wuxuu raggii la talineyey ka dul mariyey gabay oo ku yidhi:

Allahayow afkaygiyo sidaan aadmiga u eedey

Amadariyo Oodweyne way Omos badnaayeene

Aagaamo haddii loogu shubo ma engegnaateene

Abaaraa ku doogoobi la ereyo daydiiye!..

Gabadh ay Hodan deris ahaayeen baa waxay u sheegtay Cilmi inuu yimaaddo gurigeeda oo ay Hodan ku martiqaadday.Cilmi aad buu u farxay, laakiin intii uu sugeyey waqtigii uu la kulmi lahaa Hodan waa uu lulmooday. Ninkii seexdaa sicii dibi dhal! Cilmi markii uu gartay wixii dhacay dhulka ayaa la wareegay. Niyad-jab baa kor iyo kal saaqay. Ciil buu cunihiisu buuxsamay. Indho buurbuuran mooye far-dhaqaaqdaa laga waayay. Wixii maalintaa ka dambeeyey Cilmi wuxuu isu arkay nin nasiib xun oo gabadhuu calmaday hanan waayay.

Maalin maalmaha ka mid ahayd ayay rag ka mid ahaa Cilmi qoyskiisii go‘aan ku gaareen in Cilmi laga qaado Berbera ee uu ku xanuunsaday, lana geeyo magaalada Burco si uu waabayda jacalka uga soo dawoobo.Cilmi inkastoo ka cudurdaartay safarka, haddana waa uu yeelay. Burco Cilmi waxaa ku soo dhowweeyey dhallinyaro mqashiisnayd inuu dibindaabyo caasahaq oo dareenkiisa ku baahday in muddo ah dhinaca dhulka ugu hayey. Muddo kaddib Cilmi wuxuu bilaabay inuu sheekaysto oo kaftamo. Laakiin mararka uu Hodan soo xasuusto ayuu tash qabsan jirey.

Kaddib markii ay muddo sannad ah in ku dhow ku noolaa Burco ayaa waxaa la weyddiiyey Cilmi haddii uu ka raystay cudurkii jecaylka ee hayay. Isagoo su‘aashaa ka jawaabeya wuxuu yidhi: “Waxna igagama dhicin halkan oo sidaydii baan ahay. Sidii ayaan weli u bukaa, sidii baan Hodan u jeclahay!“ Gabaygii uu markaas tiriyery waxaa ka mid ahayd tixda soo socota:

Hilaac baa Berbera iiga baxay Hodan agteediye!

Intii uu Cilmi Burco ku sugnaa ayaa maalin dhallinyaro qado sharaf u sameeyeen, waxayna weyddiiyeen nuu sifeeyo muuqaalka Hodan iyo heerka ay hadda ka joogto qalbigiisa.Cilmi intuu go‘iisii shaalka ahaa madaxa hoos uga dhigay oo hagaag u fadhiistay buu gabay mariyey isagoo leh:

…Ilko saqaf la moodiyo wejiga lagu saruureeyey

Timaha, madoobee, subkane saaran garabkeeda

Indhaha, sanka iyo afka sida sabiibkeeda

Suniyaal madoobey qalbigu saakin kaa noqoye!…

Maalintii dambe ayuu Cilmi ka carraabay Burco, isagoo u soo hayaamay. Markiiba uu yimid ayaa wuxuu ku degdegay inuu arko Hodan. Hadalkiisii wuxuu ku bilaabay salaan iyo wareysi guud, kuna xejiyey bal inay la socoto dhibaatada uu darteed u qabo iyo weliba sida ay aragto haddii ay si wadajir ah u furtaan haasaawe ay ku gaadhaan wada-noolaansho dhab ah oo labadooda dhex mara. Laakiin warkii Cilmi Hodan way la yaabtay. Intay indhaheedii waaweynaa Cilmi kor ugu fiirisey bay tidhi: “Weligay kan oo kale ma arag. Waar maxaad sheegayso waxba ka garan maynee ninyohow maxaad u jeeddaa?“

Waqtigaas Soomaalidu waxay caashaqaa u arkayeen wax laga fiican tyahay oo mudan in laga dhowrsado. Hase yeeshee markii Cilmi la weyddiin jirey Hodan iyo halkii ay kala mareyeen waxna ma uu qasan jirin. Gabay uu tiriyey kaddib markii uu la sheekeystay gabadhii uu jeclaa wuxuu ku yidhi:

Kolkaad Hodan tidhaahdaanba waan soo hinqanayaye

Hadday hawl yaraan idinla tahay aniga way hooge

Iyadoon xabaal laygu hamsiin waanan ka hadhayne

Hamada been ah mar baan is idhi: “Haabo gacanteeda!“

Dhinaca Hodan iyadu way ka dheregsanayd Cilmi inuu dhowr goor isagoo saaxiibbadii wata sheeko iyo haasaawe ugu yimid. Xigtada Hodanna ninka gabadhooda marba gabay meel uga tirineya way ka cadhaysnaayeen oo dhaar xagaf ka siiyeen inay dilaan.

Xaaladdu markay meel xun gaadhay baa odayaal soo jeediyey, reerkiisuna isku raacay in Cilmi loo tukubiyo xagga iyo Saylac. Markii gaadhigii la saary uu dhaqaaqay Cilmi wuxuu ku heesey:

Abuteeristi waa gooni maree, cishqi keenaya
Badoow waaridkii naaree serigii doo mareenaya!

Intii uu Cilmi Saylac joogay dadyow ay qaraabo ahaayeen wxay kula taliyeen inuu ka hadho jacaylkii u socon waayay, waxayna u ballan qaadeen in ay u guuriyaan gabadh allaale gabadhii kale ee uu ka doorto hablaha sokeeye iyo shisheeyaba, meeshay doonto ha joogte. Laakiin Cilmi wuxuu sheegey inuusan Hodan ka maarmi karin, gabadh kalena uusan doonayn

Maalin ayuu ku lugeeyey xeebta ilaa uu ka helay taag yar oo dhulka xoogaa kor uga go‘an. Intii uu soo tafay buu wuxuu arkay dabaylo hayaan ah oo u socda dhinaca Berbera. Markay mid mooyee intii kale dhaaftay buu tii ugu dambeysey guddoonsaday inuu farriin gabay ah Hodan ugu soo dhiibo:

Dabaylyahay adaa duulayoon orodka daynayne

Adigaa dul mari meel haday dogobo yaalliine

Adigaan darqii xun iyo daah ku celinayne

Adigaan darboobayn naf waa lala dalumaaye…

Maalin kale Cilmi waxaa lagu martiqaaday aroos si heer sare ah loo soo agaasimay. Goobtii aroosku uu ka dhacayay waxaa laga mariyey laba gabay oo mid uu tiriyey Cabdi Gahaydh, middii kalana Cige Baraar. Dabadeedna ninkii la odhan jirey Ducaale wuxuu Cilmi ka codsaday inuu soo daayo gabay uu Hodantii uu jeclaaday ku ammaanayo.Cilmi wuxuu yidhi:

Maryama Xaashii iyo tuu Gahaydh madal ka sheegaayo

Iyo mudantiduu Cige Baraar meel fog kaaga booday

Muran ma leh Ducaalow inay muunad dheer tahaye

Maankaba ka jaray naago kale muhindis-koodiiye

Hadduu Qaaddi ii meheriyoo midigta ii saaro

Ku maqsuuday oo dunidu way maalintaa qudhahe!…

Maalintii danbe ayay Cilmi soo booqdeen dhowr dhallinyaro ah oo gabdho iyo wiilal ka kooban. Markii cabbaar la sheekeysaneyey bay gabadh intii hore aammusnayd waxay Cilmi weyddiisey bal inuu jacaylkii xanuunka badnaa ka raystay iyo in kale. Isagoo su‘aashaas ka jawaabaya wuxuu yidhi:

Kolba aniga oo sahashaday oo sooriyaha aaday

Ayuun baa Siraad midab-wanaag lay sawirayaaye

Sadrigay ka daabacan tahee uma sarkhameene

Sidii saacadii bay qalbiga iigu socotaaye

Habaynkii markaan seexdo way ila safaadaaye

Salaaddaa hore iga tagtaa Siigo noqotaaye!

Markii uu Cilmi in door ah ku dhex sugnaa Saylac waxaa u yimid nin ka soo socdaalay Berbera oo guddoonsiiyey warqad uu ka siday saaxiibbadii Tabbaase iyo Muuse “Carab”. Waxay la socodsiiyeen Cilmi in gabadhii uu jeclaa uu nin soo dooney, waalidkeedna ay siiyeen, waxayna u soo jeediyeen inuu Hodan laabtiisa ka xorreeyo, uuna gabadh kale helo.

Markiiba uu soo gabaggabeeyey fahamka nuxurka warkaas xun intuu fardhexada qaniinay buu cirka iyo dhulka meesha ay iska galaaan ku dhaygagay. Naxdin daraaddeed bay madaxa Saani ka kacday. Dhulkii baa la dheeliyey. Wadnahaa gariiray.Cilmi habaynkaas hurdo ma ledin. Wuxuuna ahaa habeenkaasi kii ugu dhibaatada badnaa intii uu Ilaahay uumay. Subixii danbe ayuu gaadhi Berbera u jeeda gundhada jaray. Saaxiibbadii ayaa Cilmi oo aan saddex beri hurdo arag la kulmay, waxayna korkiisa ka dheehdeen dhibaatada uu warkii ay u direen u geystay.

Kolkay in door ah Berbera iyo fagaarihii waaya-waayo dhex meeraysanayeen ayuu nin u sheegay in Hodan iyo ninkii soo dooney laysu meheriyey, isaguna uu falkaas goobjoog ka ahaa. Warkaas Cilmi naxdin buu beerkii la qadhqadhay. Meel uu joogo buu garan waayay. Wareer wareer kale ayuu u dhiibay. Wuxuu sameeyo ayuu garan kari waayay. Muddo kaddib buu Cilmi wuxuu tiriyey gabay uu ku yidhi:

…Haddaan madal ka sheegayo oo midho ka mansoodo

Martuba waa ka dhici lahayd hablaha muxibo awgeede

Murugada calooshayda iyo muhanka laabtayda

Miyi waxaan la tegi waayey iyo madaxdii Daa’uudka

Meereysigeedii waxaan ula madoobaaday

Nin kalaa la tegay geenyadii maanku ku xidhnaaye

Dadkii baa masoobo ninkii magac lahaa eedye

Muruq kuma kaxaysane rag buu magansanaayaaye…

Dabadeedna Cilmi wuxuu noqday qof murugo iyo tiiraanyo weheshada, welwel iyo walbahaarna adeegsada. Fekerka iyo maahsanaantuna waxay ahaayeen kuwo uu ku caweeyo. Wareerka iyo xanuunka waxaa u dheeraa hurdola’aan iyo cuntola’aan. Wxuu noqday qof xanuunsan. Si kasta oo loo dooney in la daweeyo ama lagu qanciyo inuu ka haro Hodan iyo jacaylkeeda waa lagu guuldarraystay.

Cilmi qaraabadiisii waxay arkeen inuu ka sii darayay. Si ay u badbaadiyaan ayaa waxay ku tashadeen in Cilmi loo guuriyo. Cilmi wuu aqbalay guddoonkii laysku wada raacay. Laakiin intii aan golihii laga kicin ayaa wuxuu tiriyey gabay uu ku yidhi:

Intaan adiga kugu gooni ahaa geed haddaan la hadlo

Ama aan gawaan qodayo may gama’sanaateene

Gaalladu ha joogtee sidaa gacal ma yeeleene

Gardarriyaa, maxaan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayey?

Maalin ka mid ah kuwii Cilmi ugu dhibaatada badnaa waxaa loo sheegay in Hodan iyo ninkii soo dooney ay is aroosayaan. Wakaas Cilmi dhayal iyo dheel-dheel buu u qaatay. Waxaa ku sii batay welwelkii iyo walaahowgii uu awalba la murugsanaa, waxaana weerar ku soo qaaday tiiraanyo xanuunkeedu si daran qalbigiisa u lulay. Wuxuu wareerkii ku sii batay markii ay hugunkii iyo mashxaraddii arooska loogu dabbaaldegey iyo heesihii cayaaraha hiddaha iyo dhaqanku ay dhegihiisa si toos ah ugu soo dheceen.

Muddo yar kaddib Cilmi Boodhari guurtidii waxay u dooneen gabadh carab ahayd oo la ohan jirey Faakhir. Arooskii Cilmi waa la qalqalay, guri baa la dadbay oo la qurxiyey, xoolaa loo gawracay, dhallinyaraa u cayaartay. Carab oo cadceedda u ekayd oo qiimaheeda iyo qaayaheeda la yaabay baa aqal loogu dalaq siiyey. Hase yeeshee Cilmi kama uu reysan cudurkii hayay. Hodan mooyee hadal kale waa laga waayay. Damaciisu gabadhii oorida u noqotay waa uu dhaafay. Taasina waxay keentay in Faakhir laga furay. Wixii intaa ka dambeeyey Cilmi jirradii ayaa kuu sii batay. Hurdadii ayuu gebi’ahaanba ka haajirey, cuntadiina way ka degi weydey, hadalkiiba wuu yaraaday. Maalinba maalinta ka dambeysa wuu ka sii dareyey ilaa uu socodkii gabay.

Maalin ka mid ah maalmihii uu Cilmi sariirta saarnaa ayaa wuxuu ka maqlay saaxiibbadii in Hodan iyo ninkeedii ay u guureen magaalo kale. Isagoo ay tiiraanyo xoog lihi ka muuqaato ayuu soo kuududsaday oo tiriyey gabay uu ku yihi:

Walaalooyinoow, waxaan ka biqi inaan ku waashaaye

Hadda inan wareegaan damcoo webiga jiidhaaye

Wiirsiga ragga iyo waxaan ka tegi wadhida naagaaye

Waddankeeda Soomaali waan sii wadacayaaye

Wuxuu Eebbahay ii wiciyo waa’ san bal aan dhowro!

Nin wedkii galay looma taag helo, baa la yidhi. Cilmi ehelladiisii wax kasta oo da awo u noqon kara way isku deyeen. Meel kasta way u cid direen. Fal kasta oo daawo laga raadiyo way tijaabiyeen. Nasiibdarrase, Cilmi xaaladdiisii waxay ga adhay meel aan ka soo noqosho lahayn. Xataa in la geddiyo mooyee wuu is ro gi kari waayay. Miyirkiisaa ka tegey. Naftii baa qaarka dambe ka soo xawaa raysay. Goor waagu uusan si fiican u beryin buu ka guurey adduunyadii uu tod doba iyo soddon sano ku noolaa e iyadoo u macaan uu jacaylku khadhaadiyey.

waxaa idiin diyaariyey

www.nololcusub.tk

c/casiis maxamed sheekh axmed

mr qalbijaceyl

qalbijaceyl11@hotmail.com

qurbaaniy iyo fartuun

abuubakar maxamed oo aad wada garaneysin oo ah sxbkiina hawada oona ah qoraa da’yer oona ka mid ah asxaabta webka nololcusub.tk iyo fartuun abukar ayaa arooskoodu ka dhacay xaafada b.kirkara ee jaziirada malta. Waxaa Ilaahay aanu uga baryaynaa in uu ka dhigo kuwii isku waara ubad khayr qabana kala hela . Aaamiin Amiin, Amiin.

waxaa tahniyada diraayo dadka kala ah:

hooyo caasho cabdi kariim
aabe maxmed hasan
fadumo maxamed
maryam maxamed
ismaaciil maxamed
yasmiin maxamed
cumar maxamed
cabdulahi maxamed
fahad maxamed

iyo asxaabta nololcusub oo kala ah
tafatirah webka
c/casiis maxamed sh qalbijaceyl
abdalla adan maxamed
abdiasis mohamed adan
isxaaq c/rashiid mursal {gamuur}
jacfar jangow
ibraahim nuuriyey
adan salaad cali
adan sheekh barre
maxamuud maxamed ibraahim

c/risaq ,c/qaadir ,c/xakiim,
ahmed,li yasir,
c/wali,maxamed ,
xasan muqtaar,
qaalid, kalaweyne,
cabdullhi,cumar,
cabdi qadar,gaabshay,

aadan,abdullahi,
ahmed dheere,
baxeer,
billisa,henow,
cabdulqaadir,cabaas,
cadnaan,carab,
ceyni diin,
cabdiqaarir refuge,
dhagax tuur,farax,
garaad,habtom,
maciis,yuusuf,
xawashka,ibraahim,
ikraan,ifraax,
burtugaal,ismaaciil,
qadra,kef,
shukri,maxamed
sheeq,miskinow,
mustaf,m/dalabey,
nabila,nuur naxal,
saleman,cabdi waxid,
ismaaciil,xasan
sabiye,xusen,

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.