h/qoraal

AFKA LAGAMA SHEEGTO ADOON JACEYL ARAG/
KHADRA DAAHIR

Afka lagama sheegtoo
adigoon jacayl arag
looma uur xumaadee

Aniguu i helayoo
intuu soo abraaruu
xadhig igu adkeeyee

soowtan aramadiisii
oofaha dhexdoodiyo
adhaxduu i gooyee

Kii igu abuureen
u ilmeynayoow

ha igu eegine
ii imoow.

Anfacadii ka go ayoo
eedaadka caashaqa
u adkeeysan waayee

intuu igu itaalsadey
iimana tudhaayoo
anfariir ka qaade

sow tan alhumadiisii
igu sii fideeysee
aan ka jiifsan waayee.

Kii igu abuureen
u ilmeynayoow
ha igu eegine
ii imoow.
waxaa kuu diyaariyey
c/c/m/A
qalbijaceyl11@hotmail.com
KHADRA DAAHIR
Dawada Caashaqa

Cawoy maalinbaa la yidhi
cadoy gudcur baa la yidhi
cidloy wehel baa la yidhi
Amaanadu waa culeys
Cirka iyo dhulku diidayoo
Carona waxa la yidhi mugeed

Dawada cashaqan i heley
Cidkale loo doonimaayo
Cilmiga ha laguu dhigee
Caqliga kaasho baaa la yidhi

Repeat-1

Cod iyo jiib baa la yidhi
Jaan iyo cidhib baa la yidhi
cayaar sacab baa la yidhi

Cod iyo jiib baa la yidhi
Cad iyo jiidh baa la yidhi
Ciyaar sacab baa la ydihi
Qofuu cudurkuu hayoon
Hadana kaa cawinayn
Cad kaa maqan baa la yidhi

Dawada cashaqan i heley
Cidkale loo doonimaayo
Cilmiga ha laguu dhigee
Caqliga kaasho baa la yidhi

Repeat-1

Carab ku hadal baa la yidhi
Cagay socod baa la yidhi
Cuntoy dhadhan baa la yidhi
Dunidu waa caynba cayno
Waxaad ceebta u taqaan
Qof bay camal kiisa tahay

Dawada cashaqan i heley
Cidkale loo doonimaayo
Cilmiga ha laguu dhigee
Caqliga kaasho baa la yidhi.
waxaa kuu diyaariyey
c/c/m/A
qalbijaceyl11@hotmail.com

HEESTII Caashaqa Ha Baayicin XASAN ADAN SAMATAR

Xasan Adan

caashadu ilaahay
cirka taagay udubli
ciidana ka dhigay gogol
wabiyada cartamayiyo
cidhifyada bad kaga xidhay
iyo buuraahaa culus
cimrigeed aduunyadaa
waxa jiraa col iyo nabadee
caydhiyo nin xoola leh
iyo laba is caashaqay
caawana kamay tagin
caynkaynu ku ogeyn
adna calafka kuu qoran
cuuna seegi maayee
caashaqa ha baayicin

Magool

cadadkuu ilaahay
caradeena joojee
aadan ciida ka alkumay
xaawana cadkiisiyo
feedh calaanta laga dhigay
cishadaa ma uuneyd
caawana ma nooshahay
caqliga sidaa hadalkuye
carab dalab la sheegee
ceeryaamo iyo boodh
ciiro ha isku qarinine
noloshayda caydh iyo
cilmi guraan ku fadhiyin
ku caar caari maaye
caashaqa iska ilow

Xasan

xalaytabao caweskii
canabay daruuruuhu
cimidh bay ahaayeen
caawana lagu ma oga
wakhtigii ku ciiliyo
cisigiyo wanaaguna
way is daba caraabaan
waxana kuu cadayn kara
caamiyaha indhaha liyo
ma ogtahay curyaankaba
cago loo ma waayine
caynkaa wax loo yidhi
ku wa cararayee ladan
inay ku cibro qataan
caashaqa ha baayicin

Magool

bada caarid maalmaha
cawa daranta fiidkiyo
caddadaa walaala
cadcedii timaadaan
dadka ruux cadibanoo
waayhuu ku ciiriyo
mid caruusa yaa jiroo
caad iga ma saarnee
ee cilmiyada ilaahay
anigoon aan casiyin
cabsi ha igu galine
adigoon cuud dhaqan
caashaqan ku taabtaan
cudurdaar u yeelee
ceeb kale miyaan dhigay.
waxaa kuu diyaariyey
c/c/m/A
qalbijaceyl11@hotmail.com

HEESTII CASHAQ GODLADEY FANAANKII XASAN ADAN SAMATAR

Xalay gelin dhexaadkii
Mar aan mayrac guuraha
Sheedda guriga faallaley
Oon himilo gaariyo
Dayaxoon galsho lahayn
Illayskiisa galalacy
Sida goonni daaq cawl
Gaaf meeray socodkii

Oon guudka laaniyo
Millilicay gob weynoo
Midba goonni laamaha
Rucub midha guduuttiyo
Gad gaddoonka raamuhu
Dhexda geri garaaraha
Hadba gees u liicaan

Oon weli gar eexaad
Lagu niqin guntiisoo
Gudin nabar u yeeshiyo
Gacan cadow ku dhicinoo
Oon halaq galeen iyo
Inna godad lahaynoo
Gardhadiyo caleemaha
Aanay haaddu goyn karin

Oon xididka gaarrani
Dayrtoo gidaaddiyo
Gu’la waayey aragoo
Gunta rayska kula jira
Oo hoos galbeedkiyo
Hadhka gelinku bixiyaa
Neecaw gaar ah leeyiin

Oo meel gabboodiyo
Saba guri ku yaalloo
Leexa is galaashiyo
Ufta garannug kiciyiyo
Dabaylaha gilgilayaa
Marna aanay goyn karin

Kalgacayl i galay iyo
Gocashada xasuustiyo
Haybaddayda gudubtoo
Naxariis indhuhu godol
Baalashii is geliyeen
Ayaa gadafka muuqaa
Geed iiga dhigayee
Illeyn araggu waa gabar
Mase garanayee talo!

Guurti yaa mari laa?
Goob xarashada yaa
Isagoon gilgila sugin
Garta keligii niqi laa?
Naftu gogo tiraabtee
Googaala badanaa
Gudbi weydey socodkee
Ma god baa horteeda ah?

Inan laba mid soo galo
Sow ilama gudboonaan
Geesi waaya aragii
Danti kama guddoomee
Sow ardaaga gurigeed
Gaashaanka maan dhigan

Sow ereya googo’an
Gooli baadh kumaan oran
Guuleed ma joogaa?

Guntanaha sarbeebta ah
Sow maanay garanoo
Kaftan dhiirri geliniyo
Googaa ma oranoo
Sheekadii igama gurin
Oo gudasho xeer iyo
Gaari camalladeedii
Gogol iima soo dhigin

Haasaawe guud oo
Gardaadsaday jacayl iyo
Sow barasha gaaroo
Aannu libin ka gaarnaa
Goobtaa kamuu dhalan

Laxawgaaa guntamey iyo
Badhaxaa kasoo go’ay
Qalbigii gudhnaayee
Irmaanaaday galabtaa

Gacma furan dhankaygee
Daallo geedeheedii
Gani aan ka guray iyo
Guntimooyin ubaxoo
Xariir lagu ganeeyaan
Kuu geliyey qoortee
Deeq gacal ah weeyee
Gobaad waxaad ku geysaa
Boholyow aan qof ii gelin
Geddii aan ku noolaa
Giijiyoo xishoodkana
Addiguna garaad badaneey
Maanku kaama guuree
Murti aan la goohiyo
Gunno weeye keligaa
Gabdho aad ka mudatee
Geestaydan caashaqa
Ga GODLADEY ha gaagixineey
Ka godladey ha gaagixin…..
waxaa kuu diyaariyey
c/c/m/A
qalbijaceyl11@hotmail.com

HEESTII Dhoof Caashaq FANAANKII XASAN AADAN SAMATAR
Jacayl aan dhamaanbaa
Dhexda iigu maranoo
kii hore ayaa i dhaawacay
kanna way igu dhaafee

Dhabuhuu ka foofiyo
Dhib u qaad miyaan ahay
Dharaaraba waxyaablaa
igu soo dhacaayee

Allahayow dhib badanaa
adoo dhoofey caashaqa
dhul shisheeye kaa heley

Waaban soo dhaqaaqee
dhiiranaa il adaga
dhabaha yuu lasoo marey
dhawr habeen dayaaradi
meel ay udhixi buu
dhakhso iigu yimide
dheereeye maxaa side

Waxa kaloon la dhaygagay
koron korta dhirteedii
dhulkoo hodon ah geedaha
dhayntiyo canba is xidhey
kayn libaax ilmaha dhigo
anigoo ku dhuuntuu
igasoo dhex saaree
dhaayihiisu furanaa
ma dhal awliyaadbaa

Hurdo miyaan dhakoolaa
dhan markaan useexdaba
soow dhool la moodii
dhabta anoo ku heeysta
kuma soo dhadhabayoo
dheelalow ma soo kaco

Soomaaliya Dhankeedii
Dhawaq farax leh mooyee
Dhiilo kama sugaayee

Allahayow iyadoon dhiman
Dhaban quruxsan oo ladan
Kalgacaylkii dhicin
waliba dhir sii korey
dhulkiiyoo barwaaqaa
dhamaantayo na nabad gee
waxaa kuu diyaariyey
c/c/m/A
qalbijaceyl11@hotmail.com

HEESTII Habooney Naftaydan IYO FANAANKII XASAN AADAN SAMATAR

sida hogasha roobka
ama hilaaca guyoo da’ay
hobaan bislaatiyo
haro wada biyeysan
oo lagu hayaamo
hubaal sahan kii uu raray
waxuu si hintiqiyaba
hada qadacsi loo jiro

haboonay naftaydaan
higsi baad ku noqatoo
adaa ii hiraayee
hadaad diido hadalkayga
habeen wacan nasiibkayga
halkaygaan ku sugayaa

hanfi iyo dabayl baa
isu kay hadheeyoo
sida hawd dulhamagan
habaqa iga baxayaa

hadaan haysto taladaa
hiboy kaama hiisheen
kuu hoodo sheegtee
haween haygu noqonine
waxaan hiilay noqon laa
halista iyo dhibtaan qabo
adoo iga horjoogsada
hadaad diido hadalkayga
habeen wacan nasiibkayga
halkaygan ku sugayaa

hanaankiyo quruxdaan
hiboy kugu jeclaadee
hablahaad u sidataa
haybadiyo asluubtee
sahamiyey dartaayo
habeen socod ku waasho
waxan eega dhaafaa
hawadaa sareetee

waxaan hiilay noqon laa
halista iyo dhibtaan qabo
adoo iga horjoogsada
hadaad diido hadalkayga
habeen wacan nasiibkayga
halkaygan ku sugayaa
waxaa kuu diyaariyey
c/c/m/A
qalbijaceyl11@hotmail.com

HEESTII Kalgacaylku Waa Qani FANAANADII HIBO NUURA
Kalgacaylku Waa Qani
Caashaqa Ka Qaran Weyn
Quruxiyo Wanaag Badan
Waana Shay Ku Qaaliya
Qiimeynta Aadmiga
Labada Isla Qadaan
Qalbigooda Kama Go’e
Waxan Igaba Kaa Qaban
Kuu Quudhi Maayee
Qumanoow U Jeedada
Waanada Adoon Qubin
Soo Dhawayn Qalbi Furan
Oon Qoonsimaad Lahayn
Geestaada Ila Qabo.

Saalax Qaasim

Allow Yaa Habeen Qudha
Uurkeyga Qala Oo
Qudha Uun La Iga Jarin
Quuruumaha Ku Loolama
Ku Yidhaa Garta U Qaad
taladaan qandhoodee
aan qawda ku hayaa
qotodeedu dheeraa
iinsha alaahu waan qaban
Qalanjooy Inanadee
Hadii La Isku Keen Qorey
Oo Aan Qof Isku Leenahay
Waan Isla Qosli Doonaa
Adna Taa Qiraha Gali

Hibo Mohamed

Baribaa Nin Qaaliya
Qom Uu La Noolaa
Qawlka Uu Yidhaahdaba
Hadii uu Quraanyahay
Ay Ka Qaadan Waayeen
kol adoon i qadinayn
quluubtu way ku raacdee
nafta aan qaboojee
hadal quruxsan ii sheeg
Quumanow U Jeedada
Waanada Adoon Qubin
soo dhawayn Qalbi Furan
Oon Qoonsimaad Lahayn
Geestaad Ila Qabo.

Saalax Qaasim

Aduunyada Qorshaa Jira
Iyo Qaabab Waaweyn
qarar oodan baa badan
Qaxar Iyo Dhibaatana
Intaa Way Is Dhex Qaadaan
Qandoodee sheekada
waan qaadi doonaa
qarqarsiga ku jiidoo
hawlaha ma qabanaa
Qalanjooy Inanadee
Hadii La Isku Keen Qorey
Oo Aan Qof Isku Leenahay
Waan Isla Qosli Doonaa
Adna Taa Qiraha Gali
waxaa kuu diyaariyey
c/c/m/A
qalbijaceyl11@hotmail.com

HEESTII Kalgaceyl FANAANADII HIBO NUURA
Kalgaceyl illeen igama suulee
laabteydaan samir iraahdaa
sare iyo hoose wax ugu sheegaa
kolkaan taladeyda siiyo iyadoo
aan igu saluugin kaa siistay by igu tiraah
anigoon moogeynba saacad ayey
ayey iga salalisaayoo
Anigu waxba maan samayne
sababta adigaa lahaaye
sag-saaga intaad ka dayso
sidaan doonaayo garo oo
sidaasay igu tiraah
hadaad samo ii falaysid
anigu waa ley sitaaye
miyaan niyadayda siiyay
warkiisii maad isiin
sidaasay igu tiraah,
sidaasay igu tiraah

Fakarkaa badan ee aad sameyso
qalbigaan iska saar iraahdaa
intuu samo ila gudoontuu
markaan seexo is iraahdaba
hadana saqda dhexe
go’aan buu igula soo sare kacaa
su’aashuu igu yiraahna mid weeyaan
weeyaan suuragal ahoo
intaad keymaha jacaylka
aniga ii sahamisaa baad
sidii sabigiyo dhallaankaad
afkoodii igu sabaysaa
samaantiyo nolosha fiican
si aan ugu wada dhaqnaano
intaan isa seegi lahayn
sidoodaan raacayaayoo
sadrigu meeshuu qabsady
sama kula waarayaa,
sama kula waarayaa.

waxaa kuu diyaariyey
c/c/m/A
qalbijaceyl11@hotmail.com

HEESTII Dhalanteed FANAANADII HIBO NUURA
Nimuu dhabarku jaban yahay
dhaq dhaqaaqi maaye
sidan dhawr habeen qaday
dhafooradu i jiitee
waa dhaawacaagii
waxanaan la dhubtee
markii aan ku dhawraba
dhibaa ii kordheysee

Hibo Nuura

Markii hore dhitiyo subag
dhay baan filaayee
dhiil madhan adoo sida
dhabta iga tuurtee
dharab orodka xoolaha
dhurwaagaa ku laayee
ani dhedo iyo ceeryaan
hay odhan ka dhaansee
dhalanteedku waa midaan
iga dhaadhacayne

Xasan Diiriye

Ninkii dhiiranaan jiray
wakhtigaa dhantaaloo
dhaxaan itaalkay
amba dhaban adeegoo
dhudhun iyo lixaadkii
wax ku dheefi waayee
hagar kuguma dhaafine
dhadhaab bau i horyaalee

Hibo Nuura

Aqal dhinac banaan yahay
dhaxan kaama celiyee
dharaartii aan baahnaa
igu dhege adeygtee
dhuub kaa koley tahay
kama helin dhaqaalee
waadigii i dhigay meel
dhamac iyo abaaroo
dhalanteedku waa midaan
iga dhaadhacayne

Xasan Diiriye

Sidii dheeha geeloo
dhamaal hawdka daaqdoo
danihii bulaaliyo
dhobaale joogtaa
ama tahay dhir canabaad
dhaayaha u roontee
wali waan dhursugayaa
inaan wada dhamaynee

Hibo Nuura

Ninkii dhuumanaayee
dhabarkiisu muuqdee
dhakhso loo ogaadaa
sidiisi ka dhigantoo
hadalka dhan saarka ah
kaa dhageysan maayee
hadii ay dhab kaa tahay
dhaar may ii maraysaa
mise kala dhaqaanaye
sidaasaan ku dhaafnaa..
waxaa kuu diyaariyey
c/c/m/A
qalbijaceyl11@hotmail.com

HEESTII Kaa doortay khayrkaa

Qurux badanidaayee
Qiimo weeynidaayee
Qalbiguna ku jecelaa

Qawlkaadu waa dahab
Aan la quurikarininee
Ala qaalisanidaa

Kaa doortay Qayrkaa
Laabteeydaan kugu qoray
Ila qaybso noloshoo
Kalgaceeylka ila qaad

Ala qumanidaayee
Qaayo weeynidaayee
Ma qof kula midaa jira

Niyadeeyda qaadoo
Qancisay nafteeydee
Ma qof kula midaa jira
Ala qaalisanidaa

Kaa doortay Qayrkaa
Laabteeydaan kugu qoray
Ila qaybso noloshoo
Kalgaceeylka ila qabo
waxaa kuu diyaariyey
c/c/m/A
qalbijaceyl11@hotmail.com
HEESTII Neecawda jaceyl FANAANKII HANUUNIYE
Qalbigaan is nooc ka wada nahayoo
Nabarka ku damqaayaan Uunugulahayoo
Naftaadu nafteyda waa u naxariis

Niyada isku mida namiimka dakiyo
Naxligu ma galee

Neecaawda jaceyl neecaawda jaceyl
Nacabka ka jiroo naceybka ka dhawr

Nabdiga ku raboo ku naawilayoo
Nimca aad u tahiyo nasteexo ugoow
Cishqiga nagibaa ase nuurinayee

Niyada isku mida namiimka dadkiyo
Naxliga ma galee

Neecawda jaceyl neecaawda jaceyl
Nacabka ka jiroo naceybka ka dhaw
waxaa kuu diyaariyey
c/c/m/A
qalbijaceyl11@hotmail.com

HEESTII waa halis nafteeyduye HANUUNIYE
Qurux lagu hanqaaramaay
Heeybad iyo wanaageey
Sharaf iyo hanaanba
Rabi kuu hibeeyee
Haweenka aad ku dhaaftoo
Aad ugu horeeysaa

Qalbi kugu hamiya iyo
Hurdo aan ladeeynaa
Caashaqu haleeloo
Anigana i hawlee

Waa halis nafteeyduyee 2
Sidee laguugu laguugu
Sidee laguugu helayaa?

Qurux lagu hanqaarmaay
Hogol iyo hilaaceey
Hood iyo nasiib wacan
Oo aan haweenku wada helin
Adigaa hantiyayoo
Ifka ugu horeeyee

Qalbi kuu hilooboo
Kuu qabo haraadaa
Caashqa haleeloo
Anigana i hawlee
waxaa kuu diyaariyey
c/c/m/A
qalbijaceyl11@hotmail.com

HEESTII RAALIYO IYO FANAANKII LAFOOLE

Rag iyo dumaroow ogoow
riyada reer kuma dhismee
run-buu ku nagaanayaa

rafiiqi buu doonayaa
hadaan la is raali galin

barwaaqo raarantoo
cishqiqu wuu ragaadayaa
jacaylkuna wuu ribaday

ra’yigoo la is dhaafsadaa
rasmiga lagu gaadhayaa

Markaasaa raaliya ninkuu
calaf raaciyaa
nolosha u riyaaqayaa

Markay tolo raaran tahey
rabbaa lala kaashadaa
dantoo la iska raaridaa

samaha lagu raadiyaa
rug iyo guri lagu dhisaa

raxmaad soo da aa
ramaadku soo baxaa
rucubta laga soo gurtaa

rayrayn lagu waarayaa
raaxo da loo wada jiraa

markaasaa raaliya ninkuu
calaf raaciyaa
nolosha u riyaaqayaa
waxaa kuu diyaariyey
c/c/m/A
qalbijaceyl11@hotmail.com

25 Responses

  1. waxan rabay walalayal iniga o iga raliya waxan idin waydinaya waxan galay axdi waxan lagalay gabdh marka wakhtigi aya ii samixiwayey in an is aragno ama aan gursado sobobto aa walid kaygi aya ii diday gabadha marka maxan samayn kaara ila taaliya ma hadalka walid kayga ayan dida o waan gursada gabadha mise walid ka hadalkisa ayan maqla waxan idinka araaba taalo walaalayal inigo iga ralira wsc

    • hassan
      marka hore waad salaamantahay marka xiga waxaan ku weydiinayaa 2 su,aal.
      1:axdi aadan kasoo bixi karin marka hore maxaad u gashay?
      2:axdiga intaadan galin kahor maxaad uga fiirsan weysay meelkasto oo ay carqalad ka imaan karto?

      aniga talada aan kusiinaayo waxey tahay waalidkaaga weydii sawabta ay kugu diidayaan gabadha.
      hadey tahay sawab macquul ah oo la qaadan karo gabadha runta usheeg cafisna ka dalbo maadaama aad axdiga kasoo bixi weysay.
      waalidkaaga hadeysan sawab macquul ah la,imaana guurso gabadha asc

    • sxb xasan adiga ayaan suaasha kugu soo celinaa ha iga xumaan
      waalidka inanta mexey ku diidanyihiin?

    • wacaleykuma salan walal wad ku mahad san tahay raigaga aad sodhibatay walal inta aad adunka kunoshahay walidka waxba haga didin dooda yeel adna iska ilow jacaylkaga mar haduu walidka rali ka ahayn kuma waraysid gurikaagana wuxuu dhismaya marku walidkaa aqalkaga dhiso ayad adunka farxad kuwari ducadodana qaado by walal waad mahad san tahay

    • sxb in kastoo waaligaka la caasiyo ama la diido dhib ayleeyihiin hadana maka fakartay inanta oo waalidkeed ku dhahaan ku siin mayno wiilka sxb maraa waalidkaa si kale wax ugu sheeg lkn waxaan ku leeyay nabsiga iska ilaali waayo shayga la dhaho axdiga ama jacaylka waa dhibaato war war xanuun qiiro murugo iyo qisooyin kaloo fara badan markaa hadal iyo dhamaan adoo raaliya inanta qalbigeeda hadhaawacin hana ka nixin guurso

  2. asc all thanks baraamijkaan heesaha by qoraalka ah jacaylkuna waa wax jira

  3. kolay aniga ha daan ah hay waxaan samen lahaa warit hadalkiis ma maqleyn maxaa yelay mel ay yaa ii muqata ku atkeyso jacelkaga ay yaan kudhihi lahaa

  4. runte waxan u mahad caline heesaha qorolka jacelka aha qofte so qortaye ama websidka dhamaane toda runte tankale ane wilka walalkeyga aha waxa kula taline lahaye walidka hadalkesa seda ku dideysa wayo hoyo intaase oo sane ayey kuso wadaye walidka ogalaw hadalkesa wayo walidka aya xaqeleh gabadha aad jaceshahaye runta usheek madama oo kala fogaane karene dareemkene jacelka insha alaah waad is helysaane

  5. walaal macaan waxaan kaaga mahadcelinyaa sida wanaagsan aad u soo bandhigtay hoosaha qoraalka waxaan ku lee yahay sii wad oo hakala jaran waxaan sugnaa waa qoraaladaada qaaliga ah

  6. asc dhaman isku dabaridka wan idin salamey salanta muslinka ah hadan gudaha wabkan galo waxan ka faidestey jaely marna ma amisanen jacely hadan wilka walidkisa uu diden gawadha waxan dilhi lahay walidka adigon xumeen sifican wax uku dheg hadey mesha guur yamadey shedanka walaga xijabey ?marka adey diden walidka hadalkad dhahdey wadka tashan kartana?asc

  7. marki hore waxaa umaxad cilinayaa dedki waqtigoodi u xurey inay qoraan ama tadhwiiriyaan heesaha soomaaliyeed ee qoraalki ah kadib hadii aanlitaliyo walaalkeena ee soo codsidey inlala taliyo run ahaantii anigi talideydi waxaa dhihilahaa maadaamaa oo kugeley jaceyl aabi hadalkiisini hadiidin oo kidhaadhici sii ay kuugi suurtoowi leheyd qofti cifki aduuni ugu jeceshahay saa uwada noolaan leheedeen haki quursanin dadaal guulbaa kuu rajeynayaa ilaahey hakuu yeelo sidaa rabtid haduu kujiro wanaag mahadsanidiin

  8. run ahaantii waad idin wada salaanmay horta salaan ka dib ogaada waligiina jaceyl waa waxa jira waana qayb noolasha ka mid ah riyadaadana isaga ayaa kuu rumaynaayaa hawada aad ku nooshahayna isaga ayaa kuu carfinaaya kuna badalaayaa indhahaaguna qofkaad jeceshahay mooyee qof kale ma arkaayaan midab aad waligaa necbayd baad hada jeclaanaysaa afkaagana hal erey baa ka soo baxayaa waa axlaan qaali halkayga kk mid kale jaceylku waa noolal uu qofku rabo inuu ku noolaado in mudo ah wuxuuna ka bilaabmaa indhaha wuxuuna ku dhamaadaa qalbiga waa taa sxbyaal if some one need to me connected my email. awga_99@hotmail.com gooooooooood bye l always interest shahrukhan father of love

  9. aslkm walalayaal waad mahadsantihiin dhamantiin gaar ahaan qofka qoray heesa somaliga anigu hadaan lataliyo walalkey nin yohow somalidu waa isku wada diin ismana wada guursadan oo qaar baa laga tagaa ee hooyada iyo aabaa yeel oo iskaga taag naagtaan ayaaguba axdiga madhowraane

  10. Sideedaba jaceylka ma wax jiraaaa? Bal iga dhaadhiciya

  11. waa maxay jacaylku walyaal?

  12. dhamaan waa iidin salaamey ilhan sidaadoo kale ayaan jaceylka ku wareersanaa waxa oo yahey ilaayo oo iigu dhaco jaceyl midka iigu xun jaceylka waa dareene qalbiga ku beerma ama iigu booda sida magnadkee dhab ahaantee ilaa aa dareento wax lagu qiyaaso ma jiraan mar waa farxad,aad u macaane ,marne waa murugo marne waa naxdin,.so jaceyka waa dareen dhab ah oo jira

    • Waw masha allah sihaam aad iyo aad ayan ugabaxsatay qali jecelka inta aan ku arkay adigaa faafiyo aqyarta sharafta leh ilah waxan kabaryenaa in uu noo sahlo nafta aaan jecelnahay bye thnkr all

  13. anigu waxaaan ahy ruux jaceyl hayo saas ee tahy qof aan jeclaa waxee dhahdo uun baan u sameen jiray sawab too ah waxaan is lahaa mar uun maar aroostid taas uun baa qalbiga iiga juri jirtay saas ee tahy wali ma helin qof aan jeclaa waxaan idin dhi lahaa gabar & wiil qofka aa jeceshiin yaalaga herin horay ayaa waxaa loo dhahay dadaa laa wuu gaaraa waxaana idin dhihi laha dadala waana ka baxay byy

  14. asc dhamantiin waxan gar u salamay wiilka su,asha so bandhigtay walalo aniga waxan ahya gabar walashaya oo wax badan so nolen in ku fiilan in kalana jecel in ey nolato balse waxan ad uga fajacay wariidka aniga wali warid masonoqon balse hadan noqdo caruurtayda jacelkoda kama hor imaden in an tagero moyane why waxan ahay naf in muda lahed qofka ey jeceshahay wana ku dalay siyabo kala duwana wan u so maray wiilkas an jecelahya wax i dhala kajogna ma helin balse asaga ayah noqon wayay sidan moday 7 sano kahor ayey ahed markan is baranay wax gulana kaman garin xarirkena mana dhamado waxa ka calol xumaday jacelkada ibtilada ku imatay waridkana mala diidi karo ayadana lagama hari karo wa arin layab le aniga dhan keyga wa igu adagtahay wax an dhaho

  15. illahya waxan kaga bar yaya in ad hesho jacelkada miilaha anigana sas ayah wiilkas waridki ku dhahen oo waxa u ijiido wa arinta oo kala heysata laga yaba illahya anigana ha isahlo keyga adigana haku sahlo walalo

  16. alll waan idni salaamay inta aqrineyso qoraalada mar walawaaad waan idin salaamay mid kale dooda aad wadaan mahan wax la is ku daaliyo bcz nin hoyadiis hadal ka diiday aniga ilama ahan nin jira naag waxaa ka qiima badan hoyoda ku so waday 9 bilood ii zygiisa somali saas be tiraahdaa marka wilka walaalkeyga ah waxaan ka codsanaa in hoyo si walibaha noqotee hoyo basarey hadey noqon weydeyna gabrat been ha u sheegin hoyo raali ikaama ahan ayaad ku ledhahay hoyona meeleen raali kaaga aheyn wax ku tarimaayo wa in hoyo ku ahaato halgan ku halgameyso gurkaaga ii noloshaada ayna ku faraxsanaato hadey ka xuntahay meshaas waad inaad ka fogaato aad hoyo amarkeyda qadataa wbilaahi towfiiq adigana walaal siduu niyadaada jeclyahay alle ha ku yelo asc wcs brkth

  17. jacaylka inihaya maxaa udawa ah

  18. waxad ku mahad san tihiin heesaha aad soo bandhigteen waanan ladhacay run ahaantii jacaylka sida aadka ah ee aad u tix galiseen .
    waxa kale oo jirta sida dadku rayga isku waydaarsanayaan talooyin la isa siinayo iyo kuwa talada lasiinayaba waa wax qurux badan.
    JACAYL WAA LAGAMA MAARMO.
    is jeclaada hana kala tagina waligiin wsc.

  19. asc all dhamaan wxan salamaya dhalinta somaliyeed oo dhan meel kasta oo ay joogan ba anu waxa aan ka hadlaya labadan fanaan ee qaliga ah ee shaashada wada saaran walibana kala sita labada calan runti waxan is odhankara ma kala liitan labaduba lakiin waxa is waydiin leh sidaY mudnaanta ukala leeyihin wayo sado waxa ay sidata calankii qaranka somali9weyn maryana waxa ay sidata calan goboleed markaa waxa is odhan kara sado marka aan eeno heseheea qarkood waa fananad qaran waxanan leeyahy labaduba liban ha gaadhan bey

  20. Asc dhamaan aqyaarta..Marka hore waxaan u mahad celinayaa aqyaarta.!Bro hadaan talada horey u galo aniga wexey ila tahay mudnaanta koowaad inuu waalidka leyahay..Marka rag ayaa Alle kaa dhigey waalidka ilaa iyo xad wax ka dhaadhici,hadey kaa diidaan gabadha cafis weydiiso kuna kala faateyeysta waayo waalidka abaal kooda ma gudi kartid xataa hadaad dhabarka ku sido inta cimrigooda ka dhiman…Adigana sidaad jeceshahay Rabi hakuu yeelo bro..!..Asc.

Leave a reply to jjj Cancel reply