siisi cade

Fariimo jaceyl
Calaacal : hadaba ku bilow sidaan

From : naf kuu oo man
Ku bilow aboowe/abaayo marka hore iga guddoon salaan sidato saxansaxo roobeed oo ugdgoon badan kaagana timid saableyda oo idil

Cishqigaan kuu qabo
Cawadiioo idil
Cindigaan ku hayaa
Caafimaad haddaan helo
Cindigeyga wuxuu tabaa
Guri inaan wadaagno
Galabtii alle keena
Garaadkaan kuu hayaa
Gacan wacan ii fidi
Haddaan garabka la i qaban
God caawa inaan u hoydaan
Go,aan ku gaaray
Galabtii alle keeno
Gabay gaagab sidaa

Waxaa sii socda calaacalka jaceylka sii qooraarso habka aad ugu jeedisan karto naf aad jeceshahay
From :naf loo dhibanyahay

Ku bilow sidaan

Garab baan kaa rabaa
Gacal aan wadaagnoo
Galabtii alle keeno
Garbahaan isku hayaa
Gargaar ii fidi
Haddaan ku waayo habeenkii
Hurdo waan ka quustaa
Harsina warkeeda daa
Halbowlihii dhiigga sidey iyo
Hungurigaa I istaagey
Hamuun baa ii heysee
Hal mar ii imow
Adaan kuu hilboobee
Intaan iilka lay dhigin
Itaan alwaaxa laygu xirin
I saar sambabada agtoodiyo
Saableyda caloosha I saar
Si uun aan u maqsuudo
Sahal ma ahan caashaq
Sidaan ha ii gelin

Calaacal :
From : naf loo dhib qabo
Ku bilow aboowe mise abaayo

Sahal ma ahan caashaqu
Mar hadduu ku saaqo
Wadnahaana surnaado
Suuradaada wacan baa
Saqda dhexe habeenkii
Sahwi baan dareemaa
Siduu ii saaqay daranaa
Sida aan u surnaa
Saqdi dhexe habeenkii
Barbarkaan u jiifsado
Baryo ka soo kici maayo
Bogga iyo calooshiyo
Beerkaa la iiga badan yahay
Bartaada hadaan arko
Bisha afar iyo tobnaad baa
Ber walba ku moodaa
Bilicdaada wacan baa
Bartamaha habeenkii
Bilicsami u eegaa

Codsi jaceyel
From : nafkuu waalan
Ku bilow aboowe ama abaayo xabiibi ama xabiibti

Waxaan u bukaa kulankaaga haddaan waayana waxaa hubaal ah inaan

hagar la kulmaayo
Hadaba ka bogosho wacan geeraarkani
Haddaan hawada kaa arkey
Hungurigii oo idil
Hami waan u waayey
Hilow caahaq baan higsadaa
Ma hurdo habeenkii
Hami jaceyl adigaa horey iigu abuurte
Halbowlihii dhiigga wadey iyo
Hagihii nafteydaa adi kuu hibeeyee
Haddan adiga ku helin
Hubaal waxaa ah
Hambalyaan iska daayee
Harsi waan ka sabrey
Iyo hurd habeen oo idil

Sarbeeb jaceyl :
Ku bilow aboowe ama abaayo waxaan kuu hibeeyay salaan ay isu diraan dadka nolosha wadaagey ee kala dheeraadey ee dareemey cidlo

Markii aan ku waayey
Midigteydi baa luntey
Marxabeyn iska daayee
Murug baan dareemey
Macnahaasi maan garan
Ma caashaq baa I helay
Ma hogaan baan rabaa
Ma adigaan ku tabey
Marxaladaan joogo
Ma qiyaasi karaayo
Marxuum in aan ahay
Mugdi inaan ku jiro
Marqaati looma haabno
Midig caashaq ii fiiri
Mar haddaan ku waayo
Mugdi baan dareemaa

Balan jaceyl:
From : naf kulan laga rabo

Ku bilow aboowe mise abaayo

Berigii aan ku bartaa
I laa bil iyo ayaamaa
U bukaa aragaaga
Bohlyow daraaddii
Bal inaan ku bogsado
Bartaada inaan arko
Beerkaad iiga taalaa
Bilicdaada qurxoon
Baan u bogaya anigee
Balan ila wadaagoo
Bartamaha badweyntiyo
Bal inaan booqano
Beerihii afgooyiyo
Bartamaha jannaalaa
Bashaal u aadnaa
Barthamaha jaceylkana
Beer wacan u fidinaa
Ballantaan iga aqbal

Qoomamo jaceyl :

Qoomamaan joogaa
Qiimihii wacanaa iyo
Qurux daad laheyd baa
Qarka iga tuuree
Qabri inaan u hodaa
Qorshahaagu ahaa
Qaadir baa ii macneeyay
Qiyaanadii wadatey iyo
Qalbigaaga ii dumay
Qorshahaad waddoo idil
Qeex baan u haysaa
Qatal haddaad is laheyd
Qorshahaasi wuu lumey
Qurux haddey qiimo leedahay
Qiyaasna loo dhameeyay
Qiyaano aan dhamaan
Qalbi caruur baad tahee
Qiyaamo heer laguma gaaree is qabo

Geeraaro jaceyl
Fron : naf wax lala wado

Gabey baan kuu marayaa
Gacal wacan xambaarsan
Gayaantii xiligaan
Gacal lala wadaaba adigaa
Gacal mudan hadaan ruux
Gacloonayo gacan wacan la siinaayo
Adigaa guddoon mudan
Haddan eego gayaankaan
Gacal looma quuree
Garaad wacan inaad tahay
Garwaaqso ogow
Musbaax baad tahay ifeysoo
Muuqaalkaaga wacan baa
Horay ugu maqsuudee
Saxansaxo roobkiyo
Si carfoon u jiidaa
Saakey iila mid tahay

Geeraar amaan ah

Dahab baa lagu moodaa
Hadduu ruux ku daawado
Kaama daayo eegmada
Danihiisa wuu gabaa
Da,yar wacan inaad tahay
Dadkaan u sheegaa
Daliil looma baahna
Da,yartii qurxooneyd
Dadku eegi waayeen
Dahab la mood inaad tahay
Daah igama saarna
Dooq haduu jiro
Da,yar loo qaado
Dad kale uma qalmo
Doolar iyo diinaar
Inta hanti dunidaan taalo
Adigaa kaa door roon
Damqashada jirkeygaan
Weli wuu dareemaa
Daacad wcan inaad tahay
Dadkoo dhan wey yaqaanaan

Hamuun jaceyl
From :naf loo hamuun qabo

Hamuun baan kuu qabaa
Halbowlihii dhiiga sidey iyo
Howl wadeenkii jirkoo idil
Heegan bey kuu yihiin
Haddan kuu jeedi waayo
Hurdo caashaq maan helin
Hilowga aan kuu qabo
Howlaha aduunkaa is
Hareero yaallee
Hoog iyo caloolyoow
Hurdo xumaan kuu noolahay
Haasaawe maan helin
Hilowga aan kuu qabo
Habeenkii oo idil
Hareerahaan kaa dayaa
Hamuun caashaq baa I helay
Heesaha jaceylkuna
Adaa igu habey dhamaantood
Horaadkaaga isaaroo
Hamuunta iga gooy

Geeraar guurdoon ah
From : naf guur laga rabo

Guurbaan kaa rabaa
Gacan aan wadaagnoo
Guri xalaal ah aan degnoo
Garab wacan I siiyoo
Garwaaqso hadalkeyga
Mar haddaan is gacloonay
Is garabsano wacanaa
Samir baan kuu wadaa
Sacabo xalaal ahoo wacan
Samir iiga gudoon
Sababtaa waxaa leh
Ilicii horoon marnay
Samirkiisii weeyaan
Suuradaadaa wacan baa
Suniyahaa I deeqee
Sambabada iyo calooshiyo
Seedahey I gooyeen
La,aantaada samri waayoo
Ilaa aan saxaro
Sir dambe kaa rabee
Suurta geli guurkaan

Maseyr :
From : naf laga shakiyey

Mar quraan dareemay
Muraad inaad iga laheyn
Meel kalaad u dareertey
Maskaxdaada aad siisey
Muran badan adoon gelin
Murugaa igu fogaatee
Maseyr aan dhamaan baa
Madaxeyga ku mug leh
Micno ma lahan aduunkaan
Mid kalaan calman doonaa
Daacad ahow daryeel mudan
Dadka u u riyaaqoo
Duco iyo wanagiyo
Dadka ay u wadaan
Daacad baad igu wadey
Daacad hadaad tahay
Daaha ka rog hadalkaaga

Aroos
From : ku bilow mudan ama marwo, ama arooska ama aroosada

Nolo waa docee
Daa,iin waxaan ka tuugey
Daacad inaad ahaantaan
Daahir iyo dulliyo
Daa,in u diin siiyo
Daadah aad tiraahdaan
Daar wacan oon dumeyn
Iyo daacad baan idin amrey
Daa,in waxaan ka tuugey
Da,da maanta jirtoo dhan
Duqow iyo doob
Iney idiin duceeyaan
Daar xalaal ahoo wacan
Dunidaan lala yaabo
Daa,in uu idiin siiyoo
Dadka hadalkoodana
Allaha ha idinka daboolo
Duco waxaan mudan
Daacad kuwii isu ah
Ayuu daa,in ka aqbalaa


Cafis
From : naf lagu qaldamey , aboowe ama abaayo

Catow baan kuu wadaa
Cafis baan kaa rabaa iyo
Calool fiyoowi
Cawaaqib xumadaan marey
Cawo iyo ayaan baa
Caloosha kugu hayaa
Calwasaad baa I dilay
Cuqubadaan dareemay
Ceyshkiiba waan gabay
Caqli xumaa I qaadey
Cishadaan ku waayay
Subixii ma tooso s
Suntii aad igu beertey
Sedexdii sano tagtey
Sahal baan ku dareemay
Sifahaaga wacan baa
Saqdii dhexe habeenkii
Si xun ugu qarwaa
Sohwi baan dareemay
Si uun ii cafi


Daadis :
From : naf ladiidey

Na daneysataa tahay
Naceb aan u qaaday
Niyadda kaa jarey
Naxariis kuuma hayo
Nacabka aan kuu qabo
Niyadeydii buu diley
Nabarada caashaqa adigaa dhimay
Nakala daa walaal
Niyad kuuma haayee
Nabad baan kaa rajaynayaa
Niyaddaa kuu diidee
Naf ku neeceb aduunkan
Nolol kuuma quurtee
Na kala daa walaal
Nooc kastood ahaato
Niyaddaa ku diidee
Na kala daa walaal
Nabsi adigaa dalbadey
Neecaawda xanuunka leh
Niyadaada ku samirsii

Weli waa uu socdaa daadiskiiyee indhaha u fur

Damacaa ku qaadee
Dooqaagu waa doolar
Dan kaama lihiyee I daa
Doqon aan jeclaaday
Dahab hadii lagu raro
Doolar iyo diinaar
Dan kaama lihiye
Dooni mid kale
Doqon lama dugaashee
Da.yer baan ahee I daa
Duduubey hadalkaaga
Ducaan duqowda weydiisan
Danihii aan laha
Dartaan baan u gubay
Ku diidey aniguye
Kurbo caashaq kaama lihi
Kol horaan ku diidey
Kulan kuuma quuree
Kobtaada I maqashii


Dardaaran
From :naf la waaninayo

Waxaan kaaga digayaa
Damac aan loo meel dayin
Dabin lagama waayee
Daacad inaad ahaataa
Ruux daacad ah
Rabbi wuu jeclaadaa
Rabiaan haduu ku galo
Rixim goys ha noqon
Runta daaha ka qaad
Ruux wacanoo loo riyaaqay
Rasmina reerka ugu dagay
Taam ka dhig noloshaada
Tiir wacan waxaa ah
Tii lagu nagaadee
Tilmaan wacan ahaataa
Talo kuugu darayaa

Hada dad weyno waxaa iga codsi ah oo aan ka codsanayaa dhalinta
Somaliyeed iyo kuwa daneeyo jaceylk a
Fariimahaani ha u adeegsinina dhalanteed iyo been jaceyl aad qof u qabin
Ha u dirin walaal

Waxaa idiin diyaariyey saaxiibkiina hawada
Mr c/casiis maxamed sheekh axmed (( qalbijaceyl ))
Waxaad kala xariiri kartaa
Email adress
Qalbijaceyl11@hotmail.com

84 Responses

  1. salamuceleykum markahore sxbayal wallahi anigu adban uxiseya jacaylka mawalba waxan firsada websiydada jacaylka ah inkastonan aqon kuwo badan thanks sxbayal s.c

  2. Asalaamu caleykum walaaloyaal aad iyo aad baad u mahasantihi maxaa yeelay aniga ma aqaano meel jaceyl laga maro hada markii aan aqriye qoraal kan aad idinka soo qorteen walaahi aad iyo aad baan u dareemay jaceyl wuxuu yahay.

    • ruux kaste oo alle abuuray waa uu ku beermaa jacaylka lakaiin waxay ku kala duwan yihiin bini aadmaka mid deris la ah jacaylka iyo mid aan wax o ka aqoon hadii aadan waagii hore wax ka aqoona hada ayaad haysaa haanta jacaylka gadowga ee iska ilaali .arrintu waa sidaan
      SU AASHAAN KA SOO JAWAAB :

      NINKA DABAYSHA RAACIYO
      NINKA DAADKA CUSKADAY
      KEE BAA DUGAAL HELAY

      • KKKK Dugaal meesha mayaalle waa dambas buubey oo kale dabuubtaada caddee?

  3. waxaan ahay wiil somali ah waxaan ku noolahay dagmada ceeldheer ee Gobolka Galgaduud waxaan dhigtaa iskuulka luugu yeero ELDER PRIMARY AND SOCONDARY SCHOOL

  4. dhamaantii waan idinsalaamay
    fadlan qofka soo diyaariyo gabayadaan ama
    geeraaradaa
    waxaan kaa codsanayaa
    in aadan somalida iyo dhilnta soo kacaysa
    aadan nacsiin murtida iyo suugaanta soo yaalka u ah
    afka hoyo
    hadad rabtay in aad gabayo ma aadan gabyin ee waad mooday
    geeraar hadad dooneysayna waad mooday ee maadan geeraarin ee fadlan qalbiga ayaad ka jeclaatay
    adiga oon qalad ii arkeyn dib u sax deelqaafyadaada suugaaneed
    xusheena maqalka iyo arag lagu luminayo arintaas aad
    sida qaladkaa kaad ugu maleysay in ay murti ku dheehantahay waan ku salamayaa dadaal wacan

  5. dhamaantii waan idinsalaamay
    fadlan qofka soo diyaariyo gabayadaan ama
    geeraaradaa
    waxaan kaa codsanayaa
    in aadan somalida iyo dhilnta soo kacaysa
    aadan nacsiin murtida iyo suugaanta soo yaalka u ah
    afka hoyo
    hadad rabtay in aad gabayo ma aadan gabyin ee waad mooday
    geeraar hadad dooneysayna waad mooday ee maadan geeraarin ee fadlan qalbiga ayaad ka jeclaatay
    adiga oon qalad ii arkeyn dib u sax deelqaafyadaada suugaaneed
    xushmeena maqalka iyo arag lagu luminayo arintaas aad gabayga ama gerarka mooday
    sida qaladkaa aad ugu maleysay in ay murti ku dheehantahay waan ku salamayaa dadaal wacan

  6. hi waan idin salaamay dhamaantiin qaasatan waxaan salaamayaa qoraalka weyn ee noosooo diyaariyay geeraarada

  7. Waad ku majadsan tahay

  8. asc all muslims
    salaan sare all umada soomaaliyeed meelkasto oo aad joogtaan .
    salaan qaas ah ayaan ku salaamay (qalbijaceyl)
    waad ku mahadsantahay geeraaradan cajiibka ah ee aad nosoo bandhigtay marlabaad mahadsanid

  9. asc all asxabta salan sare marka xigtan waxan halkan ka salamaya qalbijeceyl marka xigtana masha allah wan ku riyaaqay qoralada ama farimaha jaceyl an noso ban dhigteen mahad sanidiin waxan u mahad celinayaaa markale asxabta kaso qebgashay wliba anigo idin leh asac wr wp mahad sanidiin all of u

  10. War jaceyl maxa la dhahaa jaceylka lagu shegayo wabeen wana dhalanted jacel hadu jiro gurka gadashi maxa leyso dagalaa naga daya jacel majire an isku daneysano habenana an iska raxeysano waye habenada raxada hadey dhamadana wa la is nacaya

    • waan idn salaamey dhaman uda soomaaliyeed salaanti muslimka asalaamu caleykum qalbi waad mahadsan tahay sida aad nogu soo gudbisey fariimaha jaceyl waxaana rabaa su aalshada ka jawaabo oo ahayd nin dabesha raaciyo ninka daadku cugsadey kee baa dugaal heley aniga rayi ahaanteyda midna ma helinteeda kale waxaan rabaa in aan u jawaan shekeye sxb jaceylku waa wax jira malahaa waxaan filaa in uusan ku helin oo aad macniihsa adan aqoon sxb marka sxb jaceylka waa wax jira oo xanuun badan

  11. rum ahntii qisadaan aad ayaan ula dhacay dadkasoo qoray waxan ka codsanaa inuu iisoo raaciyo wax yaaba kale oo lagu hantiyo dumar

  12. marka hore waxaan inta salaan qaali ah igu soo dirayaa dhamaan dhalinta soo baxeeso marka xiga wiilka geeraarkaan soo diyaariyey aad iyo aad ayaa nolasha adunka wax igu taqaana sikasto ahaatee marka waad ku mahadsan tahay

  13. waxaan ahay wiil jira 20 sano waxaan joogaa Somalia waxaan rabaan in aan halkaan kasoo jeediyo qiso jaceel ah oo dhab igu dhacday waxaan jeclaay gabar mudo 2sano ah si dhab eh ayaan isku jecleen lkn waxaa igu dhacday qiyaano aad udaran waayo waxaan ku balanay inaan wada aqal kakno lkn markii aan u doontay reerkoodii oo odayaasha aan isku wada keenay ee balantii iiga baxday oo ee iiganbisay waana qiso dhab ah

  14. walala yaal wat mahad santihiin geerarkina ad iyo ad wan kahelay waxan idinka cotsana inat ku soo dartaan geeraar hooyo ok watna mahat san tihiin god by

  15. asc all umada soomaliyeed melkasta oo aad kala joogtaan wiiil iyo gabarba sida aad u leedihiiin ( runtii qalbi jaceyl sigaar ah ayaan adigana kuusalamayaa sxb waadna kumahadsantahay soo bandihiga geeraarada jaceeylka ee dhinac walbaba leh sxb ) runtii jaceeyl waa xanuun badanyahay jaceyl waa mid kugu abuurma adooon iska jireeyn waa wax alla wato oo dabeeci ah runti waxaan ahay ruux aaminsan jaceeylka kana danbeeya jecelna sooo booqashada geeraaarada jaceelka iyo waliba aqrintooda thnx alll asc wr wb

  16. asc qoraagaan somaliyeed waan u hambalyenayaa sida wacan uu uso diyriyay oona ku lumiyay waqti fara badan so diyaarinta geeraradaan waxaan leehay halakaaga kasii wad dadka somalida ah lagama waayo qof mucaarada wax loso diyaariayay dheg jalaq ha usiin halkaagana kasii wat

  17. mahadsanid cabdiraxmaan waana kaa gadooney hambalyada wacan aad hawada noo soo marisey adigana mid la mid ah ayaan kuu soo marineynaa hawada bro

  18. asc waxaan kuweediinaa siisii caadi matihid ee halagu arko hee ayaantaan maku arkin eng ayaa iitahay aniga saas ulaosoco hee waan ksugaa ciyaarta igadhaaf hee bro wiilasha jaceel ayee rabaan soobuuxi hade webkaan waa shidanyahay reer oslo waa kuxeranyihiin ee nabadoonkeega banooniga soobaas hee xanaaqabadan jooji hade ok bayyyyyyyyyyyyyyyyyyy

  19. dhamaantiin waan idiin salaamin marka hore marka xigana aad baan ugu bogey amuuraha jaceyl ee aad soo bandhigteen tan ku xigtana haddii la ii helli karo gabar quruxley ah fadlan garowe iigu soo hagaajiya gaar ahaan xarunta idaacada garowe gaar ahaan guriga fatxi

  20. wali idiin kama hayo gabadhii aan idiin dirsadey shaley mar aan wacey fatxi cidna ilama soo xiriirin ayey tiri fadlan jawaab isoo siiya tan kale xataa idaacadii oo aan tagey ayuu ii sheegey wariyaha bidaarta dheer c/xamiid salaad barre in aan waxna loo keenin marka waa idiin sidee

  21. asc waan kuu hambal yeena qoraayga wayn

  22. asc hanbalyo walal abwaan fiican ayaa tahay markaan akhrisanayay geeraaradan jacaylka ah aad iyo aad ayaan ujecleystay marka waad kumahadsantahay geeraar radan aad nosoo bandhigtay walaal marlabaad mahadsanid kuwo kale oo cusub nosoo sameey walaal

  23. asc asxaabta soomaliyeed meelkasto oo aad joogtaan ramadaan kariim ayaan idin leeyahy.
    (qalbijaceyl geeraarada aaway hee awooto faareydi qamiis kala haadki kuwaa soo qortaa weli yaalo kkk wax cusub malahan miyaa .

    • sucaaaaaaaaaaaaaaaaaad sis qaali xogahaa waan xanuunsadey kkkkkkkkkkkkkk inta aan iska soo kabaayo isug adi kkkkkkk lol kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

      • asc jace wajiraa lakin waxu lubahan yahay inaa laxafidoo lakin maumalenayoo inaa laxafidoo oo maxaa eeh sanagkan nimin majiroo kkkk com

  24. wwww inaba caadi ma qofka thnks alot qofka soo qoray

  25. Sucaad adiga ha degdegin. Qormooyinka jaceyl fakir farabadan ayey u bahanyihin. Hadi aad wax isku heysidna, banaanka soo dhig ayan ku lenahay cml bye

  26. asc walayalaal aaaaaaad & aaaaaaaaaaaaaaad ayaa umahad santihiin wlhi wax badan oo ika maqnaa ayaan kahelay qoraalkiina tanks

  27. asc dhamaan dhalinta somaliyed meel kasta aad jogtan
    aniga aad ayaan uga qancay qoralda jaceel ku uga macan badan ugana xisaha badan runti qofka qoray waxoo ka qoray ayan fila labtisa wayo wax leeska qori karoo mahan jaceelka ama sida laraba lo adeegsankaro jaceelka micna jaceelka hada ayuu idhacay aayan dhihikara mahadasanadiin aqyarta

  28. walal inanka qoraaga ahoow aad baad u qurux badan tahay maasha allaaaaaaaaah anigu waxaan ahay gabadh kaa heshay

  29. asc wr wb waan idin salaamay walaalayaal dhamaan dhalinta somaliyeed hablo iyo wiilalba waxaan halkaan mahad baladhan uga jeedinayaa walaalkeen qalbijacayl oo noo soo bandhigay geeraaro iyo erayo aad u macmacaan waxaan idinkula dardaarmayaa aniga oo naftayda ka bilaavaya soida uu horay noogu sheegay walaalkeenba in aynaan erayadaan u isticmaalin dhalanteed iyo been ka aniga ahaan aad ayaaan uga faaiiaystay oo wax yaabo badan ooo iga maqnaa ayaan ka kororsasay adinkana waxaan idinka rajaynayaa sidaas iyo si lamid ah ha noooooooooooooooolado jacaylku waaaaaaa jiraaaaaaaaaaa jacay
    mr deeq mohammed elmi

  30. Waa wax cajib ah markan aqrisaday jeceylba i galay

  31. wiil jira ayaa tahay runtii aqligaaga iyo hadalkaaga macaanbaa ideeqee nooloow waligaa walaalkiis

  32. a.s.c madaxa webka qiimaha badan iyo dhamaan bar baarta oo dhan waxaan ku farax sanahan hoosha oo u haayo webka bar baarta oo dhan

  33. dhamooy waxa igu dheer igu dhaliye heestiyo
    dhada xarafka maatada inaa dhoor warqadaood dhambaal kuu sodirira xubnhaaga kala dhigan dheehaaga yaabka leh dhaxdu madag afkuna
    dhuxul mawax loo dhiga jira alaha ku
    dhooro kuma kala dhantaaninn
    dhacdiid yaad u noqota haben
    dheela laawada adigoo hubkii dhigay
    dhacadiid ujiifaday naasaha dhaxdoodiyo yaa
    dhuunta kaagala sida doobi kugu dhaga
    dhakab iydaoo dhameystiran kuu dhiiba sheekada dhididkaaga yaahida burco kugu
    dhaashada kaadhooro hadimada

  34. walaalayaal aad ayaan idiin salaamayaa dhamaan asxaabta xiisaysa jacaylka anigu gabdh ayaan jeclaaday aad ayayna iigu wayntahay laakiin gabdhii wax jawaaba ayaan kalaayahay markaan aaan wacana waxay ileedahay anaa kaaga soo jawaabi mana sugi karaayo markaa maxaa tala oo aad isiin lahaydeen? waad mahadsantihiin

  35. asc dhaman halkaan waxa ka salmayaa asxaabta ka faaloota jecelka salan ka dib, runtii jaceylka wa shay qaali ku ah aadimiga misane u baahan in la qadariyo marka maxay tahay dadka ka dhigto ciyaar ama wax lagu kaftamo jaceylka runtii jaceylka nolosha aya ku kulana geerada waan ku kala tagnaa marka sidee loo dhihi karaa wa shay aan la dareemi karin dadka qar way ka een abuuran ayagow jaceyl uusan heen marka aniga waxan jeclahay gabar aad uqurux badan misane aan ka heley dabecadeyda marka hadii an arko waxay ii muujisa wai furan hadii an u ban dhigto jaceyki waxa ileedahay aniga nin aya leegu dari raba marka iga fogoow marka maxa sameyaa waa arin aan la yaabey ok

  36. asc sxbyaal dhamaantiina waad salaamantihiin sida aad udhantihiin aqaaaarta jaceelka xiiseeya waan ku mahadsantihiin nolosha aad nollenaysaa jaceelka waayo jaceelka maanta waxa uu noqday mid lagu daneesto jaceelka nimbaa wuxuu jaceel been ah ku beerayaa gabar cideeda lacag leedahay ama ayadaba ay joogto wadamo dhaqaalo leh gabar ayaa ayadane waxay jaceel been ah ku beeraysaa wiil ayadoo u raacayso dhaqaaalo wiil kaas waxa uu yahay iyo maba taqaan waaayo waxa uu ka bilowday jaceelkooda facebook loz marka aad ayaan idiinka mahadcelinayaa nooleenta jacelka

  37. Asc wan idin salamey dhaman asxaabta somaliyed wadna ku mahadsantihin suganta iyo geraarada ad no so jeedisen waxayna faida weyn u tahay dhalinta somaliyed e an aqoon murtida jecelka waxana idin leyahay dadaal wacan

  38. asc awalan walaalaheyga muslinka ah waan salaamaa dhamaantooda dibeda ama dalka kuwa ku nool salaan kadibna waxaan halkaan uga mahad celinaa mrc/casiis maxamed shiikh axmed oo erayaadaan jaceylka ah soo diyaariyey tan kale suaasha ah dhalateeda wax jira mahan see maqabo jaceyl runta kahadlaaya ama xaqiiqada hadii loo maro wado sax ah waxaan filaa in uu run siu bedeli garo hada gohor wil aan ugaadha isla joogny ayaa waxaa jacelaatay gabar asna majeclayn oo waxaa uu dhahay jaceyl dhalateed ah markaan ayadana jaceylkii dhabta ahaa ayeey qaaday tan kadhacdayna waaa walgoo oo ugu danbays waa iskuur sadeen macasalaama

  39. ugu holreyn waad salaamantahiin bahda webkan oo idil waxaana wataa hal codsi oo ah waxaan jeclahay gabar aanan is ku xaafad ahayn oo aan isku iskuul nahay mana isla hadalno waxaana rabaa in aan soo jiito marka sidee usoo jiitaa waxaan idinka sugaya jawaab fiican waxaadna iigu soo hagaa jisaan waxii talo ah ii maylkayga oo ah Raaxeeye210@hotmail.com byb ybybyby

  40. ugu horen waxan salaamaya dadki laha fikrada in lasameyo meel dhalan yarada jaceylka dhabta ah haayo geeraro ay ku farxaan looso galiyey oo noc walbo leh taas aad iyo aad ayad ugu mahadsantihiin lk waxa yareesen geeraarada ka hadlaayan dhinac guurka waxan idinka codsanaya inad kuso kordhisan geeraarada arooska please

  41. waxaan layaabaa waxaad akhrinaysaa b
    waxba komajiraan

  42. walala salaan sare dhamaan asxaabta ku nool aduunka dacaladiisa

  43. walaahi waa geraaro mcaan waad dadaadheyn wlaalyaal dadaalkaane sii wada insha allaaah waad gaareydaan waxaad jeceshihiin insha allaaah allaahne ha idin xafido dhamaantiina nabadeeeey

  44. wan ini salamaya all aqiyarta sharafta mudan meel kaste ad joogtan dunidan

  45. sxb sare waad ku mahad santahy baahida aad ka haqbtir tay dhalin ta waxaana kaa codsanayaa dhacdo walba in aad noogu soo qortid webka oo ku saabsan arimaha jaceyl ka waayo waxaa farxad inoo ah in aad baahideena dabooshay

  46. asc dhamantin wan idin salamay sxbayal ani hada ra’yi ahantayda way i anfacen qoraygana mahadsanid qalbi jaceyl intina wan idin salamaya

  47. Asc waa geeraaro qatar ah

  48. Ka.ka.ka.ka.ka.ka

  49. waan idin salaamay dhamaantiina aqyaarta sharafta leh kuligiin meel walbo aad joogtaan waxaana idin leeyahahy dadaaal wacan nabadeeey

  50. waan taageeraa jeceylka waana ka helaa geeraarada mcaan sida kuwa aan meeshaan uga jeedo noolaada dhamaantiina iyo inta isku so duba riday ok byyyeee

  51. marka hore aqyarta sharafta leh waxaan hawada usoo marinaa salaan salantaas ay isu diraan islaamka kuligood aslaamu alleykm w w

  52. halkaan waxaan ugu mahad naqayaa qoral jecel aad iyo aa ayaad umahad san tahay waliagaane noo noolloow sxb

  53. WA QORAL AN CADI AHAN LOLZ

  54. Qoraalka aad ayu u wanaagsan yaha waan uu ku mahadsanayahay qofkii halkan ku soo diyaariyey waxaana kuu raacinayaa waliaaga joog ee halaa helo faa’ido sidan oo kale ah insha’allah beenla looma adeegsan doono maadaamoyo yihiin dhlinta sanadkan jirta wada beenoolayaal marka Allaha soo hanuuniyo dhlinyarada sanadakan adigana ducada soo wad

  55. waa la iidin salaalamy dhaban dhalinyarado dhan gno iyo dibad ma

  56. waaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaw walaahi waad mahad santihiin asxaabta

  57. waat mahat san tihiin dhamaan walaalaha sooqoray jacelka waayo waxaan kahelay erayo mac quul ah iyo waxaan kadareemay waad ku mahad san tihiin qeeyr ilaahey ha idin kasiiyo BYBY

  58. asc waan idin salamay umada somaliyed melkasta ad jogtan qasatan qorayga jacelka qoray waxana kuleyahay wad mahadsantahay nolow waliga

  59. asc?marka hora asxaabeey.
    Fariin:
    naftii aydoo jaceeyl waligeed aan arkin.markii aat jaceeylka ku beertay .hadana aat ka gooysay.waa tuu nafsiga ku soo helay oo uu horteeyda ku keenay.waa taan cafis wey ku siiyay.hada aan ka bilaawnay halkeedii.maxaat marlabaat ugu buuqday oo oo daaqada uga tuurtay.walee markaleey katahay inaan cafis weyn ku siiyee.nafsigu nafsigu yuuw ku soo xerxerin halkaadi yuw kugu soo celinin.

  60. waaaaaaaaaaaw

  61. waaaaaaaaaaaw? waan ka helay wlhi maan shaa allah

  62. Asc walalaha somaliyeed dhaman waad salamantahin marka labad waxa salamaya sxbkena qalbijacayl sxb dhab ahaanti waad i caawisay sababto ah waxan jeclaa gabar mana garaneen erayo macaan oo aaan u qoro halkan ayan qaatay erayo murti leh gawadhina waan ku soo jiitay marka mahat sanit sxb noolow sxb intaaad ka dhimato guul baan kuu rajeeenaa by aqyaaarta

  63. asc salaan kadib kawarama caafimadka runtii waxaa jecelahay in aan ku soo biiro arimahaan jaceylka ah waxaan jecelahay gaber layiraado Farxiyo haaashim in kas too aan jeceylahay lkn ayad waxaa igu xujeesay in aan is guursano hasi ahaatee aniga waxaan ahay aad u liita hada doonaya in aan waxbarashadeyda in aan sii wato ayada waxey atiri aniga ma’aan suki kale ilaa aad ka dhameynesid jaamacad maxaa yeela aniga ma aan is celikari waxaan ahay dumar wax kasta a ayaa waa calaf hadii aan calakeena ilaahay isku daro waan arkeynaa balse aniga ma’aan sheeki kari in aan is gursaneyno

  64. ASC DHAMAN UMADA MUSLIMIINTA EE KU NOL DAFAHA ADUUNKO IDIL JACEL WUU JIRAAA WALIBA WAXYELO AYUU LEYAHAY SXBKENE BARAAMIJKAN OOO INOGU DHIIRI GALIYAY WAN UGA MAHADCELINENAAA MY WALAALAHE KU NOLADA NABAD JACELKANA HA NOOLADO

  65. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk jeceel wax jiro mahin

  66. su al walalahee haduu cashaq jiro calaf muxuu noqon

  67. Asc all asxabta aniga waxn amin sanahy jacelku inu yahay waxjira odinada dhan kadhaco wana kahela gerarada jacelka by

  68. Waan idin salamay aq yarta qoralkina ad baan uga helay runtii

  69. jacel waa jiraaa calaf waa nasiib

  70. walahi waa erayo macan waadna mahadsan tihiin

Leave a reply to yoonis Cancel reply