Allaah ayaa mahad leh nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato Nabi Muxam ed, intaa ka dib.

Saxabiyaal waan idiin salaamay meel kasta oo aad aduunka kaga nooshiin, wax aan halkaan idiinku soo gudbineynaa Qiso xusid mudan oo Jacayl ah taas oo ah Qisadii Abwaankii Jacaylka Ee Cilmi Boodhari.

iyadoo aan u qeybinnay Cutubyo badan soona koobnay Nuxurka Qisada layaa bka leh ee Cilmi iyo Hodan

Dukaankii rootiga lagu gaday ee Berbera ugu weynaa ee Cilmi uu ka shaqeyne yey waxaa soo gashay gabadh qurux badan oo la odhan jirey Hodan Cabdille Walanwal. Sidii ay u socotey waxaa abwaan Soomaaliyeed ku sifeeyey sidan

Markay socodka damacdee

Deggenida tallaabada

Miisaanka lagu daray

Laafyaha la daawado

Dadku waxay yiraahdaan:

“May daarin ciiddee

Indho deeraleeyey!“

Gabadhu waxay ku tiri Cilmi „Subaax wanaagsan!“ Isagoo markii horeba ka helay qaab-dhismeedka qurxoon ee uu Eebbe u uumay baa haddana wuxuu ku murqaamay midabkeeda oo aad dahabi moodeysey iyo indheheeda debecsan ee ka soo jeeda wejiga dhalaalaya wuxuu ugu jawaabay „wanaagsan“. Islamarkaasna wuu caashaqay

Caashaqii buu u bukay Cilmi Boodhari . „Culays wuu i saaran yahay“ buu ku yidhi saaxiibbadiis. Markuu muddo bil ah jacaylka dhex dabaalanayay waxaa soo batay xanuun ka dhashay rabitaan xad-dhaaf ah oo uu u qabay Hodan. Cuntadii iyo hurdadiina way ku yaraadeen. Intii uu Hodan u tegey ayaa wuxuu u sheegay in uu jecel yahay inuu guursado. Hodanna iyadoo dirifsan, si kulul bay ugu sheegtay Cilmi inaysan guurkiisa u baahnayn. Muddo kaddib Cilmi wuxuu tiriyey gabaygii ugu horreeyey, isagoo ku muujiyey dhibaatadii la soo deristay

Nimanyahow, dharaar iyo habeen waan dhadhabayaaye

Dhulkuun baan xariiqaa siday dhiilo u timiye

Sidii qaalin dhugatoobayoo geeli laga reebay

Dhallinyaro ma raacee keligay baan dhaxanta meeraaye

Dhakhtarkaa la geeyaa qofkii dhawac weyn qaba e

Iyana waa igu dheeldheeleyaan dhamacda Daa’uude!

Cilmi wuxuu ka faquuqmay bulshadii uu dhexdeeda magaca iyo maamuuska ku lahaa, wuxuuna noqday nin iska aammusan. Xilligaa geyiga Soomaaliyeed lagama aqoon jecel, waxaana ceeb iyo foolxumo loo arkayey qofkii laga maqlo „Caashaq baa i haya“. Qofkaa caynkaas ah waxaa loo haysan jirey mid uu jiinni derderay. Sidaas darteed ayaa Cilmi loogu qaadey habar jiinniga dadka ka buubisa oo dad badan daaweysey. Kaddib markii laga quustay ayaa waxaa loo tegey wadaaddo. Inkastoo ay aad u dadaaleen, haddana ficilkoodii iyo Quraankoodii ma noqon fal uu Cilmi ku raystay. Nin wed galay looma taag helo!

Cilmi Boodhari isagoo aad u xanuunsan ayaa wuxuu tiriyey gabay uu ku eedeeyey dadkii garan waayey caashaqa wuxuu yahay:

Caashaqa haween waa horuu Caaddil soo rogaye

Sayidkii Carshiga fuulay iyo Caliba soo gaadhye

Carruurtay sideen meesha iyo Ciise Nebigiiye

Cidla‘ lagama beermeen dadkoo cuudi waaxidahe

Waxaa qaarba cayn looga dhigay hays cajebiyeene

Soomaalidaa caado xumee iguma caydeene

Oo ima canaanteen sidaan Cuudka iibsadaye

Kuwii ii calaacalayey baan camal tusalayne…

Cilmi iyo saaxiibbadiisii waxay ka qayb galeen xaafaddii arooska ee ka dhacday Daaroole, waxayna kula kulmeen Hodan.

Alla hoobey hobaaligayeey sidirigam hoobalow heeleey

Gaadama galooleeyeey sidirigam hoobalow heeleey

Gidiggeedba Soomaaliya sidirigam hoobalow heeleey

Geyigaan ku nool ahayeey sidirigam hoobalow heeleey

Gabdhaha waad u sidataayeey sidirigam hoobalow heeleey…

Kaddib markii la wada ciyaarey oo la wada heesey ayay Cilmi suurtoggal u noqotay inuu gooni ula sheekeysto Hodan. Wuxuu u sheegey inuu danaynayo inay noqdaan laba qof oo haasawe wadaag ah, maadaama uu iyada aad dooneyo, hablaha oodhanna uu ka calmaday. Hodan waxay ugu jawaabtay in ay la nooshahay islaan eeddadeed ah oo aan marnaba ka aqbalayn nin iyo sheekadiis tooona. Islamarkaasna waxay dhegaha Cilmi si dadban ugu riddey inay jeceshahay in mustaqbalka guurkeedu uu talo ahaan qoyskooda ka go‘o

Cilmi Boodhari wuxuu yimid gurigii Hodan isagoo u tiriyey gabay uu ku ammaanay quruxdeeda:

Naasahan sidii hooto waran horay u soo taagan

Dibnahaagan hiifkaba aqoon hadasan mooyaane

Gudub halacsi daymada indhahan hibada loo siiyey

Qosol hanaqa soo taabayoo caashaq hurinaaya

Ilko aan hogoodii ka lumin kalana hoosaynin

Sankaagaa hanaakiyo qorshaha hadiyad loo siiyey

Dhabannada hareeraha wacan wejiga halac nuuraaya

Suniyaha habkooda wacan hadal dhamayn waaye

Luquntaa habkii geri lahaa hadal wax dhaafsiiyey

Timaha hoos garbaha uga degoo sinaha haabhaabtay

Heega iyo laafyaha gacmahan hibada loo siiyey

Dhexdan aan hareeraha u fidin horayna soo taagmin

Hannaan quruxsan waa taa indhuhu ka haqab beeleene!

Dhowr oday oo ay Cilmi is xigeen ayaa macsuumay odayaal dhinaca Hodan ah. Hase yeeshee markii dantii ay iska lahaayeen iska wareysteen arrinkii hanaqaad ma noqon, maxaa yeelay odaydii gabadha la weyddiistay yarad ka kooban xoolo aan xerada Cilmi iyo xerada xigaalkii ku jirin bay ku xidheen. Dhowr bilood kaddib bay hablo reer Berbera ah oo aad uga xumaaday xaaladda Cilmi wwaxay u soo jeediyeen inuu tan ugu qurux badan ka doorto oo iska illaawo Hodan. Cilmina wuxuu hablihii u tiriyey gabaygan:

…Hablahayow, halkii qoomanayd baad i qabateene

Qalbigaan bugsiinaayey baad qac iga siisaane

Bal qiyaasa waa taan qandhaday qamarey awgiine

Qarqarada jidhkaygiyo gacmuhu wayqadh-qarayane

Qalbiguu wax iga yeelayaa naaska qaawaniye

Qosolka yaryari waa waxaad nagu qaldaysaane

Inaan Eebbahay idin qatalin qariya laabtiina!

Cilmi abtiyaashiisii iyo adeerradiisii waxay isku deyeen in ay ka leexiyaan Hodan, ayna u toosiyasan gabadh kale oo fiican oo deggen Oodweyne. Hase yeeshee wuxuu raggii la talineyey ka dul mariyey gabay oo ku yidhi:

Allahayow afkaygiyo sidaan aadmiga u eedey

Amadariyo Oodweyne way Omos badnaayeene

Aagaamo haddii loogu shubo ma engegnaateene

Abaaraa ku doogoobi la ereyo daydiiye!..

Gabadh ay Hodan deris ahaayeen baa waxay u sheegtay Cilmi inuu yimaaddo gurigeeda oo ay Hodan ku martiqaadday.Cilmi aad buu u farxay, laakiin intii uu sugeyey waqtigii uu la kulmi lahaa Hodan waa uu lulmooday. Ninkii seexdaa sicii dibi dhal! Cilmi markii uu gartay wixii dhacay dhulka ayaa la wareegay. Niyad-jab baa kor iyo kal saaqay. Ciil buu cunihiisu buuxsamay. Indho buurbuuran mooye far-dhaqaaqdaa laga waayay. Wixii maalintaa ka dambeeyey Cilmi wuxuu isu arkay nin nasiib xun oo gabadhuu calmaday hanan waayay.

Maalin maalmaha ka mid ahayd ayay rag ka mid ahaa Cilmi qoyskiisii go‘aan ku gaareen in Cilmi laga qaado Berbera ee uu ku xanuunsaday, lana geeyo magaalada Burco si uu waabayda jacalka uga soo dawoobo.Cilmi inkastoo ka cudurdaartay safarka, haddana waa uu yeelay. Burco Cilmi waxaa ku soo dhowweeyey dhallinyaro mqashiisnayd inuu dibindaabyo caasahaq oo dareenkiisa ku baahday in muddo ah dhinaca dhulka ugu hayey. Muddo kaddib Cilmi wuxuu bilaabay inuu sheekaysto oo kaftamo. Laakiin mararka uu Hodan soo xasuusto ayuu tash qabsan jirey.

Kaddib markii ay muddo sannad ah in ku dhow ku noolaa Burco ayaa waxaa la weyddiiyey Cilmi haddii uu ka raystay cudurkii jecaylka ee hayay. Isagoo su‘aashaa ka jawaabeya wuxuu yidhi: “Waxna igagama dhicin halkan oo sidaydii baan ahay. Sidii ayaan weli u bukaa, sidii baan Hodan u jeclahay!“ Gabaygii uu markaas tiriyery waxaa ka mid ahayd tixda soo socota:

Hilaac baa Berbera iiga baxay Hodan agteediye!

Intii uu Cilmi Burco ku sugnaa ayaa maalin dhallinyaro qado sharaf u sameeyeen, waxayna weyddiiyeen nuu sifeeyo muuqaalka Hodan iyo heerka ay hadda ka joogto qalbigiisa.Cilmi intuu go‘iisii shaalka ahaa madaxa hoos uga dhigay oo hagaag u fadhiistay buu gabay mariyey isagoo leh:

…Ilko saqaf la moodiyo wejiga lagu saruureeyey

Timaha, madoobee, subkane saaran garabkeeda

Indhaha, sanka iyo afka sida sabiibkeeda

Suniyaal madoobey qalbigu saakin kaa noqoye!…

Maalintii dambe ayuu Cilmi ka carraabay Burco, isagoo u soo hayaamay. Markiiba uu yimid ayaa wuxuu ku degdegay inuu arko Hodan. Hadalkiisii wuxuu ku bilaabay salaan iyo wareysi guud, kuna xejiyey bal inay la socoto dhibaatada uu darteed u qabo iyo weliba sida ay aragto haddii ay si wadajir ah u furtaan haasaawe ay ku gaadhaan wada-noolaansho dhab ah oo labadooda dhex mara. Laakiin warkii Cilmi Hodan way la yaabtay. Intay indhaheedii waaweynaa Cilmi kor ugu fiirisey bay tidhi: “Weligay kan oo kale ma arag. Waar maxaad sheegayso waxba ka garan maynee ninyohow maxaad u jeeddaa?“

Waqtigaas Soomaalidu waxay caashaqaa u arkayeen wax laga fiican tyahay oo mudan in laga dhowrsado. Hase yeeshee markii Cilmi la weyddiin jirey Hodan iyo halkii ay kala mareyeen waxna ma uu qasan jirin. Gabay uu tiriyey kaddib markii uu la sheekeystay gabadhii uu jeclaa wuxuu ku yidhi:

Kolkaad Hodan tidhaahdaanba waan soo hinqanayaye

Hadday hawl yaraan idinla tahay aniga way hooge

Iyadoon xabaal laygu hamsiin waanan ka hadhayne

Hamada been ah mar baan is idhi: “Haabo gacanteeda!“

Dhinaca Hodan iyadu way ka dheregsanayd Cilmi inuu dhowr goor isagoo saaxiibbadii wata sheeko iyo haasaawe ugu yimid. Xigtada Hodanna ninka gabadhooda marba gabay meel uga tirineya way ka cadhaysnaayeen oo dhaar xagaf ka siiyeen inay dilaan.

Xaaladdu markay meel xun gaadhay baa odayaal soo jeediyey, reerkiisuna isku raacay in Cilmi loo tukubiyo xagga iyo Saylac. Markii gaadhigii la saary uu dhaqaaqay Cilmi wuxuu ku heesey:

Abuteeristi waa gooni maree, cishqi keenaya
Badoow waaridkii naaree serigii doo mareenaya!

Intii uu Cilmi Saylac joogay dadyow ay qaraabo ahaayeen wxay kula taliyeen inuu ka hadho jacaylkii u socon waayay, waxayna u ballan qaadeen in ay u guuriyaan gabadh allaale gabadhii kale ee uu ka doorto hablaha sokeeye iyo shisheeyaba, meeshay doonto ha joogte. Laakiin Cilmi wuxuu sheegey inuusan Hodan ka maarmi karin, gabadh kalena uusan doonayn

Maalin ayuu ku lugeeyey xeebta ilaa uu ka helay taag yar oo dhulka xoogaa kor uga go‘an. Intii uu soo tafay buu wuxuu arkay dabaylo hayaan ah oo u socda dhinaca Berbera. Markay mid mooyee intii kale dhaaftay buu tii ugu dambeysey guddoonsaday inuu farriin gabay ah Hodan ugu soo dhiibo:

Dabaylyahay adaa duulayoon orodka daynayne

Adigaa dul mari meel haday dogobo yaalliine

Adigaan darqii xun iyo daah ku celinayne

Adigaan darboobayn naf waa lala dalumaaye…

Maalin kale Cilmi waxaa lagu martiqaaday aroos si heer sare ah loo soo agaasimay. Goobtii aroosku uu ka dhacayay waxaa laga mariyey laba gabay oo mid uu tiriyey Cabdi Gahaydh, middii kalana Cige Baraar. Dabadeedna ninkii la odhan jirey Ducaale wuxuu Cilmi ka codsaday inuu soo daayo gabay uu Hodantii uu jeclaaday ku ammaanayo.Cilmi wuxuu yidhi:

Maryama Xaashii iyo tuu Gahaydh madal ka sheegaayo

Iyo mudantiduu Cige Baraar meel fog kaaga booday

Muran ma leh Ducaalow inay muunad dheer tahaye

Maankaba ka jaray naago kale muhindis-koodiiye

Hadduu Qaaddi ii meheriyoo midigta ii saaro

Ku maqsuuday oo dunidu way maalintaa qudhahe!…

Maalintii danbe ayay Cilmi soo booqdeen dhowr dhallinyaro ah oo gabdho iyo wiilal ka kooban. Markii cabbaar la sheekeysaneyey bay gabadh intii hore aammusnayd waxay Cilmi weyddiisey bal inuu jacaylkii xanuunka badnaa ka raystay iyo in kale. Isagoo su‘aashaas ka jawaabaya wuxuu yidhi:

Kolba aniga oo sahashaday oo sooriyaha aaday

Ayuun baa Siraad midab-wanaag lay sawirayaaye

Sadrigay ka daabacan tahee uma sarkhameene

Sidii saacadii bay qalbiga iigu socotaaye

Habaynkii markaan seexdo way ila safaadaaye

Salaaddaa hore iga tagtaa Siigo noqotaaye!

Markii uu Cilmi in door ah ku dhex sugnaa Saylac waxaa u yimid nin ka soo socdaalay Berbera oo guddoonsiiyey warqad uu ka siday saaxiibbadii Tabbaase iyo Muuse “Carab”. Waxay la socodsiiyeen Cilmi in gabadhii uu jeclaa uu nin soo dooney, waalidkeedna ay siiyeen, waxayna u soo jeediyeen inuu Hodan laabtiisa ka xorreeyo, uuna gabadh kale helo.

Markiiba uu soo gabaggabeeyey fahamka nuxurka warkaas xun intuu fardhexada qaniinay buu cirka iyo dhulka meesha ay iska galaaan ku dhaygagay. Naxdin daraaddeed bay madaxa Saani ka kacday. Dhulkii baa la dheeliyey. Wadnahaa gariiray.Cilmi habaynkaas hurdo ma ledin. Wuxuuna ahaa habeenkaasi kii ugu dhibaatada badnaa intii uu Ilaahay uumay. Subixii danbe ayuu gaadhi Berbera u jeeda gundhada jaray. Saaxiibbadii ayaa Cilmi oo aan saddex beri hurdo arag la kulmay, waxayna korkiisa ka dheehdeen dhibaatada uu warkii ay u direen u geystay.

Kolkay in door ah Berbera iyo fagaarihii waaya-waayo dhex meeraysanayeen ayuu nin u sheegay in Hodan iyo ninkii soo dooney laysu meheriyey, isaguna uu falkaas goobjoog ka ahaa. Warkaas Cilmi naxdin buu beerkii la qadhqadhay. Meel uu joogo buu garan waayay. Wareer wareer kale ayuu u dhiibay. Wuxuu sameeyo ayuu garan kari waayay. Muddo kaddib buu Cilmi wuxuu tiriyey gabay uu ku yidhi:

…Haddaan madal ka sheegayo oo midho ka mansoodo

Martuba waa ka dhici lahayd hablaha muxibo awgeede

Murugada calooshayda iyo muhanka laabtayda

Miyi waxaan la tegi waayey iyo madaxdii Daa’uudka

Meereysigeedii waxaan ula madoobaaday

Nin kalaa la tegay geenyadii maanku ku xidhnaaye

Dadkii baa masoobo ninkii magac lahaa eedye

Muruq kuma kaxaysane rag buu magansanaayaaye…

Dabadeedna Cilmi wuxuu noqday qof murugo iyo tiiraanyo weheshada, welwel iyo walbahaarna adeegsada. Fekerka iyo maahsanaantuna waxay ahaayeen kuwo uu ku caweeyo. Wareerka iyo xanuunka waxaa u dheeraa hurdola’aan iyo cuntola’aan. Wxuu noqday qof xanuunsan. Si kasta oo loo dooney in la daweeyo ama lagu qanciyo inuu ka haro Hodan iyo jacaylkeeda waa lagu guuldarraystay.

Cilmi qaraabadiisii waxay arkeen inuu ka sii darayay. Si ay u badbaadiyaan ayaa waxay ku tashadeen in Cilmi loo guuriyo. Cilmi wuu aqbalay guddoonkii laysku wada raacay. Laakiin intii aan golihii laga kicin ayaa wuxuu tiriyey gabay uu ku yidhi:

Intaan adiga kugu gooni ahaa geed haddaan la hadlo

Ama aan gawaan qodayo may gama’sanaateene

Gaalladu ha joogtee sidaa gacal ma yeeleene

Gardarriyaa, maxaan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayey?

Maalin ka mid ah kuwii Cilmi ugu dhibaatada badnaa waxaa loo sheegay in Hodan iyo ninkii soo dooney ay is aroosayaan. Wakaas Cilmi dhayal iyo dheel-dheel buu u qaatay. Waxaa ku sii batay welwelkii iyo walaahowgii uu awalba la murugsanaa, waxaana weerar ku soo qaaday tiiraanyo xanuunkeedu si daran qalbigiisa u lulay. Wuxuu wareerkii ku sii batay markii ay hugunkii iyo mashxaraddii arooska loogu dabbaaldegey iyo heesihii cayaaraha hiddaha iyo dhaqanku ay dhegihiisa si toos ah ugu soo dheceen.

Muddo yar kaddib Cilmi Boodhari guurtidii waxay u dooneen gabadh carab ahayd oo la ohan jirey Faakhir. Arooskii Cilmi waa la qalqalay, guri baa la dadbay oo la qurxiyey, xoolaa loo gawracay, dhallinyaraa u cayaartay. Carab oo cadceedda u ekayd oo qiimaheeda iyo qaayaheeda la yaabay baa aqal loogu dalaq siiyey. Hase yeeshee Cilmi kama uu reysan cudurkii hayay. Hodan mooyee hadal kale waa laga waayay. Damaciisu gabadhii oorida u noqotay waa uu dhaafay. Taasina waxay keentay in Faakhir laga furay. Wixii intaa ka dambeeyey Cilmi jirradii ayaa kuu sii batay. Hurdadii ayuu gebi’ahaanba ka haajirey, cuntadiina way ka degi weydey, hadalkiiba wuu yaraaday. Maalinba maalinta ka dambeysa wuu ka sii dareyey ilaa uu socodkii gabay.

Maalin ka mid ah maalmihii uu Cilmi sariirta saarnaa ayaa wuxuu ka maqlay saaxiibbadii in Hodan iyo ninkeedii ay u guureen magaalo kale. Isagoo ay tiiraanyo xoog lihi ka muuqaato ayuu soo kuududsaday oo tiriyey gabay uu ku yihi:

Walaalooyinoow, waxaan ka biqi inaan ku waashaaye

Hadda inan wareegaan damcoo webiga jiidhaaye

Wiirsiga ragga iyo waxaan ka tegi wadhida naagaaye

Waddankeeda Soomaali waan sii wadacayaaye

Wuxuu Eebbahay ii wiciyo waa’ san bal aan dhowro!

Nin wedkii galay looma taag helo, baa la yidhi. Cilmi ehelladiisii wax kasta oo da awo u noqon kara way isku deyeen. Meel kasta way u cid direen. Fal kasta oo daawo laga raadiyo way tijaabiyeen. Nasiibdarrase, Cilmi xaaladdiisii waxay ga adhay meel aan ka soo noqosho lahayn. Xataa in la geddiyo mooyee wuu is ro gi kari waayay. Miyirkiisaa ka tegey. Naftii baa qaarka dambe ka soo xawaa raysay. Goor waagu uusan si fiican u beryin buu ka guurey adduunyadii uu tod doba iyo soddon sano ku noolaa e iyadoo u macaan uu jacaylku khadhaadiyey.

waxaa idiin diyaariyey

www.nololcusub.tk

c/casiis maxamed sheekh axmed

mr qalbijaceyl

qalbijaceyl11@hotmail.com

26 Responses

  1. I’m so sorry that happened to cilimi booderi before i though jacayal was not true but, when heard this story I believe that jacayal is true first i didn’t tell my self I’m girl who live united state I’m 17 years old I go to hight school I’m 11th grade I don’t anything about jacayal but know i know more about jacayal thank you so much that person who wrote this sheeko i really intesting somali sheeko thanks a lot Asalamu calayakum warxama tulaahi wabarakaat

  2. I’m so sorry that happened to cilimi booderi before i though jacayal was not true but, when heard this story I believe that jacayal is true first i didn’t anything about jacayal tell my self I’m girl who live united state I’m 17 years old I go to hight school I’m 11th grade I don’t anything about jacayal but know i know more about jacayal thank you so much that person who wrote this sheeko i really intesting somali sheeko thanks a lot Asalamu calayakum warxama tulaahi wabarakaat

  3. I’m so sorry that happened to cilimi booderi before i though jacayal was not true but, when heard this story I believe that jacayal is true first i didn’t anything about jacayal let me tell you guy a little bit about my self I’m girl who live united state I’m 17 years old I go to hight school I’m 11th grade I don’t anything about jacayal but know i know more about jacayal thank you so much that person who wrote this sheeko i really intesting somali sheeko thanks a lot Asalamu calayakum warxama tulaahi wabarakaat

  4. asc wlaahi waan ka xumahey zaaid waxeey aheeyd in eey u
    naxaiistaan familka hodan is not fare wixi lagu samyeey
    maskiinkaas goor meey aheeyd qisadaan. Walaahi waan ka xumahey i red alot os stroies laakin beleive me tan waan ka naxey maskiin ilaahey ha unaxariisto hana u kaso in ilaahey ugu keeno janada hodan inshallha aamiin

  5. marka hore waad salaamantihiin umada soomaaliyeed meelkastoo aad joogtaan asc all.
    markaa xiga cilmi booodhari illaahay ha unaxariisto qiso xun ayaa ku dhacday. hodan iyadana ilaahay ha unaxariisto insha,alaah.
    qiso kale oo jaceyl ah ayaa jirtay gabar jaceyl udhimatay iyadana cawralo maala dhahaa ma aqaan lkn sida cilmi caan may noqon qisadeeda hadaad heesaan noo soo bandhiga mahadsanidiin bahda webkan

  6. waan idiin slmy walaalayaal sln ka dib qisadan ku dhacdey cilmi aad ayaan ugu xumahay waana qiso aad u xiiso ninkii aqristaana uu ogaanayon waxa jaceylku yhy mah adsanidiin

  7. asc waad mahadsantihiin dakaqisda qoray aad yaana uga xumahay cilmi waxaa kudhacay mahadsanidin

  8. asc waad mahad san tihiin so srry wax kudhacay cilmi bootan waxaa aniga igudhacay gabar aan jeclahay ayaa rabaa iigu soodu ceeya walaalyaaaaal

  9. asc waad mahadsantihiin dakaqisda qoray aad yaana uga x

  10. kiisomaray cilmi aalw aanau nagudhicin aamiin

  11. mahadsanidin dhamaan tiin bahda wbsetka oodha &soomaliwaynta oodhan meeshaad ku nooshi hiin dhamaan tiin waxaan idin leyahay asc all aniga waxaan ahay gabar somaliyeed sheekadayda may furantahay in aankasppbandhigo wbstka fadlan ijwb wamahda san tihiin

  12. aad iyo aad ayaan ugu helay

  13. waad mahadsan tihiin dhammaantii

  14. aad iyo aad baad usalaman tihin dadka soo diyariyey waanan ka xumahay waxa ku dhacay cilmi

  15. aad iyo aad baad usalaman tihin dadka soo diyariyey waanan ka xumahay waxa ku dhacay cilmi
    lkn hodan in ay unaxariisato ayey ahayd labadoodana ilahay naxariisti jano ha ka warabiyo
    lakiin mid ban dumarka odhan laha walalayal
    iska daya wax yabaha aad ku dhaqantan ee dhinaca jacaylka ah waayo waxa inta badn jacaylka ku ciyara wa dumarka bye

  16. i love you sabriin

  17. waaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaw

  18. waaaaaaaaaaaaaaaaaaaw

  19. iam realy sorry qisadaan boodhari ku dhacday. every body remember one thing from love.. true love neer ends..

  20. iam realy sorry qisadaan boodhari ku dhacday. every body remember one thing from love.. true love never ends..

  21. waan ku slaamay

  22. Abaayo macaan waan ku salaamay marka xigta see ii tahay samaan xalay ma iigu seexatay taas mid lamid ah macaanto ma iigu soo kacday taasi waa salaam guud laakiin si gooni ah waxaan kugu salaamaayaa salaanta muslimka taa soo ah A/W/W abaayo macaanto hadii aan kaaga warbaxiyo xaaladayda gacaliso way is ka fiican tahay intuu alle ugu talagay 100% abaayo macaan adigana waxaan alle kaaga baryaayaa taas mid lamid ah in uu ku siiyo aamiin gacaliso hadii aan u guda galo arimahayga qaaska ah abaayo aniga waxa kaliya oo iga maqan waa adiga macaanto waxaan kaa rabaa garabkayga in aaad joogto oo aadan iga fogaanin runtii naf dhab kuu jecel ayaan ahay abaayo marka aan saas leeyahay waxaan rabaa in aan wax ku fahansiiyo markasta abaayo in aad ii aragto qof dunida kugu jecel in aan ahay waxaan ogahay in aad tahay qofta kaliya oo aan firsanaayo macaanto waxaad igu abuurtay ayaa ah wax aan la soo koobi Karin gacaliso runtiii wax kasta in la is waydiiyo ayaa fiican taariikh kastana wax ayey ku imaadaa tala kastana in la rog rogo ayey ku fiicantahay macaanto waxaan waa iska aduunyo waxaana fiican in la is ogaado abaayo macaan waxaa tahay ruux dhamaystiran gabdhaha dhaymankooda ayaa tahay abaayo qurux baa laguu dhameeyey dhankastoon kaa eegana waad is ku dheeli tiran tahay dhaliil ma lihid illaah ha ku dhowro waxaa tahay qof jirto hadii aan ku helo dhib arki mayo farxad ayaan helayaa meel dalxiis ku fiican daruur wabi dhexqaadiyo & meel kaymo leh oo doog ka baxaayo ayaan ku geen lahaa in kastooy aduunyadu tahay wax yar inta la joogaayo waa farxad jaceyl kama nuuxsan karo igu fogaaday wa uu igu nastay nabaro ayuu igu reebay intuu intuu sida hooyo wax dhashtay ayuu ilmaheeda ka tag la yiraahday oo diidayso buu aniguna igu yahay abaayo jaceylka dadka qaar waa uu naafeeyaa ama maskaxda ayuu madooweeyaa ama far xadaada ayuu dilaa kama noogo sida ruux waalan meelaha ayuu igeeyaa runtii sida aan ahay ma aqaan ana kama nasto nafsi inta aan gali lahaa anigalee ha la iga galo abaayo macaan waan hubaa in aan kugu han wayn nahay oo aan had & jeer muuqaaga aan rabo & la joogaaga waan kuu oo manahay gabdhaha adigaa ugu horeyo halyey la jacelyahay ayaa tahay waxaa tahay hormarkayga abaayo geeskaaga igala qabo waan ogahay in aan qabo halis jaceyl waan kuu hibeeyey waan kugu sidaa halbowlaha abaayo gabdhaha haybad ayaa dheertahay geesiyad lama huraan ah ayaa tahay abaayo macaan baahida jaceylka boholyowga aan qabo adigaa iga bogsiin karo jaceylkeena boga & wadnaha ayuu igaga yaalaa halista ayuu ku baahay meesha aad iga jirto ayaa macaanto la iiga wacaayaa jaceylka waa uu igu balaartay badwaynta ayuu igu dary jaceylkaaga igama ba aayo naftayda ayuu babinaayaa oo sifudud ayuu wax u fahansiiyaa waxuuna ku dhahaa waad hali doontaa hadii uu alle yiraahdo macaanto waxaa tahay nabad nasteexiyo nugul caashaq beeriyo waxaa tahay beer & doog neecow udgoon & nuurkii indhaha & qalbi urooney waxaa tahy roob ii da aayo aayahii naftaydaay nasiibka ha igu kaa daro nacab xaasib ayaa jiro laba is rabto aan arki Karin abaayo macaan marka aad qalbigay aad soo gasho qalbiga waan sasabaa midab kala quran dumarka muuqaalka guudka waxaa tahay luul & nuur hada soo baxay timahaaga xariirta ah maamuusta aad u dhalatay muraayadii qalbigaay maan qaboojisaa tahay miirkayga & xiskayga gayaankayga ayaa tahay wali ma arg mid aan kugu tilmaamo ama aan aqoon kula simo dumarka manta joogo abaayo macan afkaaga dhuxulka ah dhalalaalka wajigaaga midabkaaga dhiimka ah indhaaga aad umaleeso bamboo e fem dhaayaha urooneey quruxdii naftaydaay ma wax kula dhigmaa jira xabiibtii kula dhigmaa jiro macaanto kulaan kula dhigmaa jiro daily kula dhigmaa jiro my love kula dhigmaa jiro waxaad ila dhigantahay sida laan dhir & fiyoore ku yaalaan abaayo macaan waxaa thaay dhamays dumar dhaliil lahaynoo rabi uu kala dhantaalin jaceylkaaga waa uu igu dhexnool yahay dhawac ayaan ahay dhib ayaan kaa illaashaa dhiiga jirkaygiyo dhanka wadnaha xigo adigaa ku magacaaban kuma dhaafi karo dhab jaceyl macaanto iga hoo dhabanadaada hilaaciyo quruxdaada wacan xubnahaaga kala qoran dhankastoon kaa eegaba dheemanka ayaad la mid tahay dhaqanka & asluubta waa mid uu alle ku siiey allahayow calaf igu dar gacalisadayda maxuu jirka qalay jaceyl maxaan qamuumyooday maxaan riyo ku qarway markaan indhaha kala qaadayna qofna ilama joogto soo ilmada igama quban talada way iga qoloocan tahay runtii hadii aan ku helin maxaan sameenaa jariiraco ayaa igu taagan abaayo isaseegi mayno alle yaa barwaaqiyo bash bash kula beegto jaceyl guul ah alle hana siiyo abaayo macaan ma ogtahay geed miro ku yaalaan intuu baxay bilow ilaa & dhamaad gurashada diyaar u ah Gabdhihii Ambiyadiyo ka sokoow asxaabtii abaayo adiga oo kale Ifka hooyo mey dhalin abaayo macaan xabiibti xayaate
    uur laguma soo sidin lamma soo abaabibnin Aabba muu gardaadinin ragna abaayo macaan
    timmahaaga muu arag araxdaada muuqaal oo kale aduunkaan kuma arag asluub badanee amaan badanee sidii ubaxii udgoon badanee waxaan macaaneey ku oon bixi lahaa anigoo aroos kula galo abaayo macaan cirkoo gaaxday roobka seemaha ku raran yahay rabi nooga shubay oo beel barwaaqo ah ku da,aayo nafta ayaad raali ka dhigtay inta aan kula joogo aduunka ma rabo ruux kale adigaa runtii kugu qanacsanahay jirka & oogada adigay kuu oo man yihiin balanta & axdiga ha iloowin qalbigayga ayaad soo jiidanaysaa inta aan noolahay amaantaada ayaan haaynaa dunida adaan kaa rabaa daa,in intuu abuuray farxadayda ayaa ku raacday Abaayo macaan runtii wax kula dhigmo dunidaan ma saarno waayo waxaa tahay qof ceyb ka saliim ah abaayi macaan Waxa Inoo Dhaxeeyo Bad Weyn Buuro Iyo Weliba Wadamo Sidaa Aay Tahay Kama Daalo Inaan Kuu Soo Gudbiyo Jaceylkan Kuu Qabo Si Aan Umideeyo Wadnayaasheena. Waxaan Jeclahay Inaan Noqdo Ilmadaada Taasoo Kasoo Burqaneyso Indhahaada Quruxda Badan Soo Mareeyso Dhabankaaga Macaanta Badan Kuna Dhamaaneyso Faruuryahaaga Balse Madoonayo Inaad Noqoto Ilmadeyda Maxaa Yeelay Mar weliba Waa Aay Soo Daadataa Madoonayo Mar walbo Inaan Kuwaayo Aad Iga Dhamaato. Dadka Waxey Jeceylyihiin Iney Noqdaan Qoraxda Si Aay U Nuuraan Sida Qoraxda, Balse Anigu Waxaan Doonayaa Inaan Noqdo Dayaxa Si Aan Kuugu Ifiyo Xiliyada Aad Kujirto Mugdiga, Qoraxduna Aaysan Muuqan Xiligaas. Waan Kacabsanayaa Inaan Indhaha Isku Xiro Maxaa Yeelay Adaan Kuxasuusanayaa, Hadanne Waan Kacabsanayaa Inaan Furo Indhaheyga Maxaa Yeelay Madoonayo Adoo Iimuuqan Inaan Furo Oo Wax Kale Aan Arko, Waan Kacabsanayaaa Inaan Dhaqaajiyo Faruuryaheyga Adoo Iga Maqan Maxaa Yeelay Mar Weliba Inee Adi kula hadlaan Ayeey Doonayaan Oo Kudhaqaaqaan Waan Kujeclahay, Sidaa Darteed Marne Ha iga Fogaaan Hilibkeygiyey. Faraheyga ALLAH Qeybo Banaan Ayuu Uyeelay Waxaana Buuxin Karo Farahaada Si Aan Isku Buuxino Mar Walbo Aan Gacmaha Is Haaysano. Cid Aan ALLAH Aheyn MAjoojin Karto Shimbirahaas Duulaaa, Cid Aan Allah Aheyn Majoojin Karo Malaaygaas Biyaha Kudhex Dabaalanayo, Cid Aan Allah Aheyn ma joojin karo Anne Igama Joojin Karto Inaan Kuuxiiso Waan Kujeclahay Mar Weliba Aan Maqlo Dhicitaanka Teleefankeyga Inaad Adi Tahay Ayaan Maleeyaa Xattaa Mararka Qaar Telefankeyga Oo Dhaceyn Ayaan Mooda Inuu Dhacayo Aad Isoo Wacday, Memoriga Telefankeyga Space “banana” Ayuu Leeyahay Lakin Qalbigeyga Adaa Buuxiyay Malahan Meel Banaan. Abaayo macaan Qof ayaa Naweeydiiyay Qofka Bini Aadamka Maxaa Uweyn Oo Farxad Geliya Naftiisa Qof Wuxuu Yiri Hanti Qof Kalena Inuu Caanyahay Anigana Ano Adiga Kaafikirayo Ayaa Fariin Aad Iisoo Dirtay Telkeyga Kusoo dhacday Inaan Dhoola Cadeeyay Baan Ku idhi Anigu Fariintaanbaa Dunida Iigu Farxad Badan

    burhaan_cabdi@hotmail.com

  23. I’ve been absent for some time, but now I remember why I used to love this website. Thanks, I will try and check back more often. How frequently you update your site?

  24. walaahi waa yaab

  25. inkasto ogeen waxa meesha ka dhacay sababto ah aad ayuu u dheer yahay sheegkada

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: