Qof waalidkeeda iyo walaalkeeda lagu hor dilay, hooyadeed-na lagu hor kufsaday , iyadiina afduub loo kaxeystay,caruur si sharci darro ah looga dhalay ( qiso xanuun badan).

Waayihii Colaada Soomaaliya (1991-1994) ayey qisadani ka dhacday degmada Xamarweyne ee Muqdisho.

Qeybta koowaad .

Dhacdada 1-aad Bishii Agoosto ee sanadkii 1994-kii ayaan gaari ku kulanay gabar safar aheyd oo dooneysay in ay gaarto dalka Kenya iyadoo dooneysay in ay ka gududbto dhinaca Baardheere, hase yeeshee anigoo safarka gabadhaasi la wadaagay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo ayaan kala sheekeystay xaalad aan la yaabay ka dibna go’aansaday in yaabkaasi layla qeybsado, ka dibna markii aan Baydhabo gaarnay waxaan ku degnay isku guri, taas oo ii sahashay in aan gabadha ka wareystay waxa ku dhacay waxeyna iiga sheekeysay qiso layaab leh oo xasuus iyo xanuun badan.

Gabadhan oo aanan wax fasax uga heysan in aan magaceeda qoro, haatana aanan ogeyn meesha ay joogto darteed, magaceeda ma xusayo, laakiin sheekadeedii oo markii ay iiga sheekeysayba ii fasaxday in aan qori karo ayaan go’aansaday in aan qoro, waxey ku bilaabaysaa sidatan.

Waxaan ahaa 16 jir markii uu dagaalka ka qarxay magaaladda Muqdishu, waxaan ahaa gabar maqabiyo ah oo aan gurigooda ka soo bixin ilaa markii aan jirey 7 sano, waxaana ka koobneyn 6 caruur ah oo ila dhalatay iyo hooyo iyo aabe, reerkeena waa uu ladnaa oo waxaa lahaan jirnay dhawr dukaan oo ku kala yaaleen inta u dhaxeysa Ceelgaabta iyo Hotel 900 (Bar Noba Jante), ee agagaarka Masjidka Marwaas, markii ay dagaaladda dhaceen, oo dhibaatada badan loo geysanayey dadka aan beelahooda hubka heysan wuxuu qoyskeegii noqoday mid ka mid ah qoysaska dhibaatadii ugu balaarneyd loo geystay hadimada nasiibka u yeeshay.

Xilli galab ah ayaa waxaa gurigeena, oo ahaa sedax dabaq kuna yaalay agagaarka Koodka, noogu soo galeen koox maleeshiyo ah oo ka kooban ilaa 10 qofood, waxey irrida banaankeeda ka soo bilaabeen in ay xabado guriga ku soo ridaan, dhinacyadana waxey u ridayeen xabado kale, Ilaahooow Na Badaadi, waxaan na soo wajahday cabsi tii ugu darneed, waxaan galnay welwelkii ugu weynaa adduunka, maleeshiyadii 5 ka mid ah ayaa markiiba guriga horey u soo galeen, 5 tii kalana banaanka ayey ku sugaayeen si ay difaac ugu sameeyaan kuwa guriga soo galay, ugu horeyn waxey baas ku fureen walaalkeyga oo ahaa da’da kaliya oo iga weyn, curadka aabeheey ahaa, balse aysan hooyadeey dhalin, si xun ayey u dhaawaceen isagoo dhiig baxaaya ayuu kushiinka aktiisa ku rafanayaa, ka dibna hooyadey ayaa naxdin dhulka a dhacday, waana isku dhax yaacday waxey shegeyso iyo wax kale ayeyna ku wareertay.

Kooxdii waxey qori baadkiisa ku garaaceen aabe, waxeyna waydiiyeen inuu sheego meesha lacagta keydka iyo dahabka ugu jiraan, aabe si uu naftiisa u badbaadiyo ayuu u sheegay meelihii wax keyd ah noogu jireen oo dhan, waloow ay tuugadaasi arxanka darnaa ay aabeheey ka qaateen dhamaanba furayaashii, ka dibna gurigii oo dhan faagteen dhaceenna in ka badan $60,000 Kaasha ah iyo dahab kiilaad ah, hadana kuma aysan qancin oo waxey aabe ku cadaadiyeen inuu sheego lacag iyo dahab kale, markii uu u sheegay in aysan jirin meel ay wax lacag ama dahab ah ugu jiraanna waxey ku yiraahdeen Ashahaado, markii uu ashahaatayna ………oohin ………oohin …… waa ay dileen, waxey xabada kaga dhufteen wejiga iyo caloosha, ka dibna isagoo rafanaayo ayey ka dhaqaaqeen anigiina I kaxeesteen.

Inta ay qeyb tuugada ka mid ah ay dilayeen aabaheey, qaar kale waxey faraxumeyn ugu dhaqaaqeen hooyadeey, anigiina inta indhaha garbasaar aan watay la iiga xiray ayaa lay saaray gaarigii ay tuugada saarnaayeen oo hoos yaalay, waxeyna ii sheegeen in aanan hadli Karin, hadii aan ooyana ay i dilayaan, ………oohin………qof waalidkiisa la dilay, walaakiis la dilay, hooyadii hortiisa lagu faraxumeynayo isagana afduub gaari loo saartay sababta uu u oyn waayo anigu ma garaneyn, laakiin oohintii oo aan ceshan waayey darted waa yara miir beelay, waxaana ku dhacay gaarigii sagxadiisa.

Dhamaanba dadka deriska ah waa ay ogaayeen waxa nagu dhacaya, mana jirin qof wax gurmad ah noo sameeyay, waloow ay jireen dad ka xun waxa nagu dhacaya, hadana nooma aysan arwaaxi Karin……Ooohin……Oohin……Ilaah baa arxan ku filan.

Aniga sidii la ii waday waxaa lay geeyey guri weyn oo meel walba ay ka fadhiyaan tuugadda loo yaqaano mooryaanta, waxaana la ii sheegay in saacadaas laga bilaabo aan afduubanahay, xitaa ma fahmi Karin waxa loola jeedo Afduub, waayo Af Soomaaligaba dhib ayuu igu ahaa, waayo maqabiyo aan dadka la sheekeysan oo keligeed qol ku jirta ayaan ahaa.

Markii gurigii lay keenay, waxaa bilaabatay shuuxshuux iyo in faraha laygu soo taagtaago, qaar aa bilaabeen in ay dhahaan (Caawo Gaal aa god iigu jiree garuun haleykeeno) waxaa la is weydiinayaa goorta kawaanka la I saarayo, dabley kasta wuxuu jeclaan lahaa in mar uun uu maqlo waa la kufsanayaa si feelka dhiniciisa uga soo galo, laakiin ninkii kooxdaasi tuugada madaxa u ahaa ee aahabeey dilay, hooyadeey soo faraxumeeyey wuxuu go’aansaday inuu keligiis i heysto oo nimanka kale aysan ii soo dhowaan.

Habeenkii ugu horeysay ee aan ka walwalsanaa sida xaaladeyda noqoneyso iyo waxa ay reerkeyga ku sugan yihiin, meeydkii aabaheey meesha lagu aasay, walaalkey inuu dhintay iyo inkale, hooyadeey waxa gaaray, ayaa anigiina waxaan wajahay dhibaato weyn, balse waan is diyaariyey oo waxaan niyeystay in aan wajihi doono, kufsi iyo dil.

Ninkii madaxa tuugada ahaa wuxuu meel dhigtay derin, wuxuuan so oak dhigtay bac ay ku jiraan caws badan, wuxuuna igu yiri kaalay, markii aan u tagayna wuxuu ii sheegay in aan xaaskiisa ahay, hadaan diidana uu i dili doono, isla habeenkii ayuuna wuxuu igu amray in cawska oo ahaa Jaad uu cunaayey aan afka u gelgeliyo.
Hadalka ugu yaabka badnaa ee uu habeenkaas I dhahay wuxuu ahaa “Waan geerasheeynaa” aniguse maba aqoonin waxa uu ula jeeday, in aan fahmi karina isaga wuu ogaa, intuu igu qoslay ayuu I dhahay hadaadan garaneyn waa lagu baraa.

Aniga Jaadka waan la yaabanaa, waxaana is dhahay dadkaan waa reer baadiyeyaal waxey cunaayaan cawska sidii xoolihii, laakiin maba dareensaneyn in jaadka uu yahay wax lacag badan laga soo bixiyo oo suuqa lagu gado.

Isla habeenkii ayaa waxaa ii bilaabatay noloshii ugu mugdiga badneyd oo adduunkaan uu ku soo maro qof bani’aadam ah, hase yeeshee wax walba amar Ilaaheey ayey ku dhacaane, waan wajahay, waayo ma lihi awood ka weyn in wixii sameey lay dhaho aan sameeyo.

Nolosheyda waxey soo martay dhawr weji oo aad u xanuun badan.

Qeybta labaad .

Iyadoo ay dhibaatadaasi jirto ayaa waxaa dhacday inuu bilaawday dagaalkii afarta bilood, markii uu dagaalkaasi socday muddo bil ah ayuu ninkii I heystay uu taabsaday guri ay ka qaxeen dadkii lahaa oo gogoshiisa iyo alaabooyinkiisa yaalaan, ka dibna wuxuu i geeyey gurigii, wuxuuna ii sheegay in xaaskiisa aan ahay, meeshii ayaana ku dhalay wiilkeyga curadka ah ee aan meherka ku dhalan balse uu aabihii joogo.

Inta aan umusha ku jirey ayuu ninkii maalin maalmaha ka mid ah wuxuu guriga keenay qeyb ka mid ah dahabkii hooyadeey, wuxuuna ii sheegay inuu aniga ii soo gaday, aniga dahabka waan aqaanaa inuu keenii yahay, laakiin isaga sida uu marba reer u dhacaayey wixii ayaa isaga qasmay oo maba kala oga sida ay kala yihiin.
Dahabkaasi neef weyn ayuu iga keenay oo intaan qeyb ka mid ah iibiyey ayaan markii uu guriga ka maqan yahay ku soo gadan jirey rooti iyo moos iyo wax la mid ah si aan wax xalaal ah u arko, oo dhuunteyda u maraan wax uun xalaalnimadooda aan ogahay.

Habeen walba ninka wuxuu iiga sheekeyn jirey inta dhibaato oo uu soo geystay, wuxuu iiga sheekeyn jirey sida ay dadka u dilaan, sida ay wax u dhacaan, iyo sida ay u wiideestaan wax ay dhacayaan iyo dadka ay afduubaan, anigase shidada I heysay qeyb ka mid ah uun bey ii aheyd arrinta uu iiga sheekeynayo habeen walba, mar walbana waxaan filanaayey in saacadaha soo socda mid ka mid ah uu I dili doono.

Inta aan xaaska guriga joogo ahaa, waxaa damcay in aan raadiyo xaaladda reeraheena, laakiin intuu dareemay ayuu I saaray cadaadis badan, la iima ogoleyn in aan guriga ka baxo oo markii uu guriga ka baxaayo wuxuu igu xiri jirey silsilad weyn deriska wuxuu ugu sheekeyn jirey in aan ahay naag saaqidad ah oo isaga diideysa uuna aabaheey igu daray, anigiina dadka waxba uma sheegi karo oo isagii ayaan ka baqayaa oo ii ogoleyn in aan qof la hadlo, haduu I mehersan lahaa waxaa ii sahlanaan laheyd in aan isaga la hadlo oo derbiga nagu hor gudban ee cadaawada ah aan ka talaabo, laakiin nin og inuu afduub igu heysto hadaan ku dayo jiljileec wuxuu u fahmi karaa inaan qorshe damacsanahay sidaas ayuuna igu dili karaa, deriska oo dhan wuxuu ii tusay in aan qof xun ahay, isagiina way yaqaanaan inuu yahay Mooryaan weyn oo Allow imooti lagu ak maro……oohin……oohin.

Sidaas anoo ku jira ayaan ku dhalay sedax caruur ah oo mid tahay gabar, labana yihiin wiilal, welina ninkaasi ma go’aansan inuu marna i soo mehersado, reerihiisana gurigeyga ma imaan jirin oo aabihiis wuu dhintay, Hooyadii gobal kale ayey ku nooleyd, walaalihiisana sida uu igu heystay ayeyba raali uga ahaayeen oo maba ii dhaami jirin isaga isku feker ayey ka ahaayeen arrimaheyga, noloshaasna waxey aheyd mid aan la qabsaday oo aan ku dulqaatay in badan go’aansadayna in aan isaga jiro inta uu Ilaah faraj qeyr leh iiga furaayo.

Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa ninkeyga Xaaraanta ………oohin…… oohin…… isagoo wata kooxdiisa ma naxayaasha wuxuu weerar ku qaaday gawaari jaad siday si ay u dhacaan, gawaaridii waa ay dabsaareen, waxey ku dileen ilaa 8 qofood oo haween dan yar ah u badan, haseyeeshee ilaa in muddo ah uma aysan suuro galin in gawaarida dhacaan oo maleeshiyooyin jaadkaasi galbinayey ayaa iska difaacayey.

Waloow tuugadii ninkeyga ay ku guuleysteen in ay soo dhacaan hal gaari oo jaad ah, hadana waxaa laga soo diley laba maleeshiyadii ka mid ah, jaadkii la soo dhacayna waxaa la keenay gurigii aan deganaa, sidii ayeyna damaashaad ku bilaabeen oo jaadkii qeybna guriga qol ka mid ah jawaanadiisa kula raseeyeen, qaarna intay la soo baxeen ayey cunis ku bilaabeen.

Qeybta Sadaxaad.

Nolosha qaraarka iyo macaanta isku darsatay waxey igu aheyd markii anigoo ninkeygii xoogga igu heystay afka jaadkii uu soo dhacay u gelgelinaayo nalagu soo weeraray gurigii aan deganeyn, waxaa na soo weerareen kooxo hubeysan oo jaadkii laga soo dhacay daba socda, dhinac walba gurigii aan ku noolaa waxaa kaga soo bilaabatay rasaas ka soo dhaceysay qoryaha nooca fudud iyo kuwa waaweyn ee darandooriga u dhaca.

Markii ay rasaasta is qabsatay, waxaa soo xasuustay maalintii lay soo afduubaayey, taroomadii ayaa igu soo kacday, cadaabta adduunka ayaan dareemay, waxaan ku sigtay in aan waasho, mar qaylo ayaan bilaabaa, hadana waan aamusaa oo ninkeygii iheystay oo dagaal ku jira in aan ku qayliyana waxaan ka baqayaa inuu intuu igu xanaaqo i dilo.

Waxaan bilaabay in marba caruurta mid ka mid ah guriga dhaxdiisa kula carcararo, ugu dambeytii waxaa yara qabowday rasaastii, waxaana arkay iyadoo kooxo hubeysan oo aanan aqoon u laheyn ay gurigii soo galayaan, waxaan ogaaday in dhamaanba 14 istaafka ahaa ee guriga joogeen ee ninkeyga saaxiibadiisa ahaayeen intoodii badneydna la dilay qaarna iyagoo dhaawac ah ay banaabka guriga iyo gudahaba yaalaan, qoryihiina laga wada qaatay.

Waxaa guriga daaradiisa loogu soo galay ninkeygii aan la heystaha u ahaa oo isagiina markey rasaastii ka dhamaatay qoriga intuu sariirta hoosteeda ku tuuray doonaya inuu iska dhigo inuusan dagaalameyn, si uu isu badbaadiyo, laakiin waxaan lagu amray inuu gacmaha kor u taago soona baxo banaanka.
Nimankii hubeysnaa oo aad u careysnaa waxey ninkeyga waydiiyeen inuu sheego meesha uu geeyey jaadkii, isagoo aad baari u ah ayuu tusay meeshii ay jaadkii ku xareeyeen, dhawr jawaan oo jaadka ahna horey ayeyba u cuneen.

Markii jaadkii lagala wareegay ayaa haddana laga qaatay dhamaanba wixii qoryo ahaa ee guriga yaalay oo ay ka mid ahaayeen 2 dabajeex iyo 13 kuwa yaryar ah, ka dibna nimankii waxey bilaabeen in ay dhameytiraan qaar ka mid ah maleeshiyooyinkii dhaawaca ahaa oo cabaadayeen, ugu dambeyntii inta aysan gawaaridoodii fuulin ayey ninkeygii ku dhufteen xabado aad u badan, horteydii ayey ku dileen, waxeyna igu yiraahdeen “haduu in badan kaa qosolsiiyey manta ku dul ooy”.
Anigii waxaan bilaabay in aan ku dul baroorto, waa cusub ayaa igu baryey oo maba jirin qof aan isaga aheyn oo aan aqaano, muddo afar sano oo aan laheyste u ahaa isagaan bartay oo uun kale isma arkin, marmar in aan naagtiisa oo run ah ahay ayaan u maleyn jirey, waxaase nasiib iyo nasiib daro is biirsaday ahaa in meydkiisa lay hor dhigay oo sidii uu aabahey iigu hor dilay isagiina la iigu hor dilay ……oohin…oohin.

Mar waxaan ku farxay inuu Ilaah ninkii aabahey igu hordilay i tusay isagoo horteyda lagu dilaayo oo waxaan ku farxay inuu Ilaah faraj ii furayo, waayo dhibaato kasta oo igaartay isagaa ka masuul ahaa, marna waan murugooday oo meel aan u ciirsi doonto ma aqaano oo xitaa deris ii garaabayo ma jiro oo waxaa la ii arkaa naag iskiifo ah mooryaanta la nooleyd, guri dad leeyahay xoog ku deganeyd, mugdi hor leh ayaa i hareeyey, meel aan talo ka bilaabo ayaanan garaneyn maahee farxad iima taalo ninka aktiisa, noloshii fasahaadka ayaa soo afjarmeysay, hase yeeshee dilkiisa xitaa hadaan ku farxay wuxuu ii ahaa “meeshii cir laga filaayey ayey ceeryaamo iiga timid” oo meel aan talo ka bilaabo ma aqoonin.

Markii kooxdii ninka dishay ee intii maleeshiyo aheyd ee guriga joogtayna dhameysay ay naga tageen waxaa gurigii yimaadeen kooxo kale oo gurmad u ahaa ninkaan la heystaha u ahaa iyo mooryaantiisa la laayey.

Iyagiina waxey aruuriyeen meedadkii, waxey qaadeen dhaawicii isbitaal ayey geeyeen, gurigii waxaa uu noqday meel qof iyo qori ah oo ay isugu soo uruureen qoladii geesigoodii dilaaga ahaa laga dilay.

In badan oo asxaabta ninka ahaa waa ogaayeen inuusan I qabin oo uu xoog igu heysto, waloow ay ku feker ahaayeen oo aysan weligood dhihin gabadhaan islaameed iska fasax ama meherso, markii uu dhintayna kuwa gurmadka soo sameeyey ayey ka mid ahaayeen, waxaan ka baqay in ay I soo damcaan oo ay dhibaato hor leh igu dhacdo dhimashadiisa ka dib.

Mabeenkii waan fekeray, inta ay dadka ku mashquulsanaayeen tacsida ayaan waxaan is weydiiyey dhawr su’aalood.

Waxaan is dhahay MASHEEGTAA OO MA DHAHDAA HEBEL IMA QABINE XOOG AYUU IGU HEYSTAY, hadana waxaan is dhahay dadkaan careysan hadaad warkaas la hor timaado qof dhimashadiisa ku faraxsan ayey kaa dhigayaan waana ku dilaayaan.

Hadana waxaan is weydiiyey SIDEED NAFSADAADA UGA BADBAADISAA DHIBAATO KALE OO KU TIMAADA, ka dib waxaan go’aansaday in aan iska dhigo marwo la qabay oo dhaho Hebel waan is qabnay, waxaan is mehersanay markii uurkii cunugii ugu horeeyey aan qaaday, si aan u qiro in markii hore xoog laygu keenay ka dibna lay mehersaday oo aan marwo noqday, sidaasna assaay been ah ku qaado, TABTA keliya ee aan u dareemay in aan kaga badbaadi karo in aan mooryaan kale gacantiisa galo ayaa taas noqotay.

Subixii dambe ee meydadkii la aasayey ayaa odey reerkii ninka ka mid ahaa I weydiiyey gurigaan yaa lahaa, waan u sheegay dad ka cararay ayaa lahaa ayaan dhahay, ka dibna waxaa lay dhahay hantida dhax taala ee alaabooyinka ka mid yihiina? Waxaan ku jawaabay isla reerkii guriga ka cararay ayaa lahaayeen.
Intaas ka dib waxaa la go’aamiyey in gurigaas layga raro, biilna meel la ii saaro inta aan asaayga wado, sidii ayaan ku noqday marwo assaay reer u sida oo la yara tixgelinaayo.

Biil ayaa meel la ii saaray, waxaana maalin walba u tagaa dhalinyaro meel jid ah fadhida oo baabuurta lacag ka aruurineysa, aniga waxaan u heystay wax caadi ah, laakiin maalin baa anoo lacagtii meesha ku sugaaya waxaa arkay odey adeerkey ah oo jidka maraaya, adeerkey waa uu naxay markii uu i arkay, waxaan dhahay adeer, ka dibna wuxuu i dhahay adeerkaa ma ihi, waan isu eknahay adeerkaa.

Aniga waxaa isku dayayaa in aan la hadlo, oo waa maalintii iigu horeysay oo indhaheyga ay arkaan qof ehelkeyga ah tan iyo markii lay soo qafaashay, waxaana rabaa in aan adeer wareysto oo reerihii warkoodii ka helo isaga wuxuu isleeyahay naagtaan isbaarada taagan armey ku shirqooshaa, nimanka aan la taaganahay oo uu ogyahay wixii ay nagu dhigeen ayuuba igaaga xanaaqsan yahay.

Adeerkey waa iga orday, laakiin kama aanan harin, ugu dambeyntii waxaan daba socday ilaa meel dheer oo aan aheyn jidkii ay dhalinyarada lacagta aruurineysa aan biilka kaga soo doonan jirey ayaan sidaan u baryaayey ……oohin ……uu ugu dambeyntii ii istaagay, waan isku duubay, waan ku ooyey, ka dibna waxaan u sheegay xaalkeyga iyo nolosha aan ku jiro, adeerkey waa shakiyey geesaha ayuu iska eegeegay, wuxuu arkay wiil la dhashay ninkii iga dhintay oo marka aan biilka soo doonanaayo I soo raaci jirey, ka dibna wuxuu igu dhahay ninkaas maxaa waaye, waxaan dhahay waa kuwa I heystaan, ka dibna wuxuu I dhahay bax beri inta iigu imaaw isagoo aan qof kula jirin, markaas ayaan kuu waramaa.

Maalintii kale markii aan adeer arkay ayuu ii sheegay in aabe uu dhintay, hooyo ay xanuusatay, walaalkey dhaawicii muddo ka dib u dhintay, reerkiina loo raray Yaman.

Anigana waxaan uga sheekeeyey xaalkeyga, ka dibna waxaan ku balanay in aan mar walba kulano, si aan uga sheekeysano wax badan, waxaana ku balanay inuu gurigiisa I soo tuso si aan marmar dhuumasho ugu tago oo xaalada reeraha ula socdo.

Adeerkey maalin maalmaha ka mid ah wuxuu I weydiiyey sida aan ugu dhaxjiro noloshan baas ee shidada badan, wuxuuna I dhahay isbaaro biilkeeda sideed u qaadaneysaa, isbaaro waxa loola jeedo isagaa i fahamsiiyey ……oohin…… ka dibna wuxuu i dhahay sideed jeceshahy oo aan kuu sameeyaa?

Adeer waxaan ka codsaday inuu ii diro meeshii ay hooyadeey joogto, waxaana isla garanay in aan si la igu fahmeyn u baxo oo aanan si bareer ah u bixin, sitaas aan u dhaqan geliyana waxaan ku heshiinay in reerkii caruurtooda aan haayey aan ka dhaadhiciyo in aan shaqeysanaayo oo qudaareey noqonaayo si aan u helo jaanis aan ku safri karo.

Adeer hooyadeey ayuu taar ka wacay, wuxuu u sheegay inuu i helay, iyadiina farxad ayey gashay, sidii ayaana la isku afgartay in aan ku fakado si xeeladeysan.

Qeybta afaraad.

Arrintii iigu adkeyd go’aan ka gaaristeeda.

Waxa iigu yaabka badnaa in aan go’aan ka gaaro waxey noqdeen caruurtii aan dhalay.

Marka koowaad sharci kuma dhalin, oo waxaan ku dhalay si qasab ah oo aan meher sharci ahna loo soo marin.

Marka labaad ninkii aabaheey horteya ku dilay, hantideenii dhacay, walaalkey dilay, hooyadeey faraxumeeyey ayaa iga dhalay oo meel ay gurigeena ka soo galaan maba jirto.

Waxaan mar ku fekeray in gabadha oo ugu yareyd qaato, hadana waxaa soo xasuustay dhibaatadii loo geystay reerkeyga iyo in ilmahaba ay yihiin qeyb dhibaatadda la ii geystay ka mid ah oo reerkeenii ay ku ridi karaan cuqdo nafsi aan weligood ka hareyn, waxaan is dhahay adeer makala tashataa, hadana waxaan is dhahay weceladii ninkii xooga ku heystay oo ka dhalay ayey rajo kaleedahay amuu is dhahaa oo kugu xanaaqaa.

Ugu dambeyn waxaan isku cadaadiyey in aan ……oohin……oohin…niyadda ka goosto oo aan isaga tago oo dib dambena u sheegan in aan aniga dhalay, mar xitaa waxaan isku dulmiyey in aan subaxa aan dhuuman doono habeenkeeda sun siiyo dhamaantood, hadana waxaan ka baqay inuu Ilaah aakhiro dhiigooda ii qabsado.

Ugu dambeyntii waxaan go’aansaday in aan ilmaha ka tago markii aan go’aansado in aan baxo, ka dibna sidii ayaa waxaan ku bilaabay qudaar iibis, igamana aheyn in aan wax ka faa’iido ee waxey iga aheyd in aan jawiga ku fahmo si aan u bixi karo.

Hadda waan soo fakaday, waxaan u socdaa Kenya, ka dibna Mombasa ayaan rabaa in aan doon ka raaco oo aan ku tagaayo Yaman, caruurtaasna hadii ay weynaadaan iyo hadii kaleba waxaan ku soo dhaafay gabar booyeeso ah oo aan dhahay qudaar ayaan doonaaye sii haay, hadeey dooneyso haka tagto ……oohin ……oohin…hadii kalana ha heysato aniga jirkeygii qeyb ka mid ah oo hadana aanan noloshoodii farxad ku qabin waaye, aduunkase in aan isku aragno ma jecli oo ilaah waxaan ka tuugayaa inuusan nolol igu tusin caruurtaas, ilaah hana kala qariyo ……oohin……oohin.

Gabadhani waa gabar aad u qurux badan, laakiin ay ka muuqato in ay soo martay dhibaato badan, xasuus xanuun badanna gocaneysay, inta aan kala sheekeysanayey waxa ku dhacayna waa ay ooyneysay, aniga xitaa intaan is heyn waayey ayaan yara dabcay oo illin ka masaxay isheyda, hadana waxaan sheekadan u soo bandhigayaa in lagu waano qaato oo laga hortago taariikhda soo socota hadii ay shacabka soo wajahdo masiibo la mid ah tii dhacday 1991-kii ee reebtay waayahani xanuunka badan iyo walbahaarka nololedka ee gabadhan.

18 Responses

  1. asc wr wb waxan salamatahay dhanaa daadki soqoratahay waxan dhacay waa faal laka xuumado lakiin wixi dhacayo 100sano bee ka weetahay gabadha waxa rabi ku bari ina hesho nabad iyo cafiimada iyo niyada wangasan waxan rabi ku bartahay hooyadi inu caafiyo aboo iyo aboo samar iyo imaan ka isiyo ilaa waxa dilay gacan ka xaqa darin

  2. WAXAAN KU NOLAHAY HARGAYSA SOMALILAND .WAXAAN AHAY GABADH WAXJECLAATY.

  3. abaayo macnto marka ugu horeyso waad salamantahay salaan qaali ah
    salaan kadib abaayo macnto waanka xumahay qisadan kugu dhacday oo aadka uxunaanka badan
    walahi waana qiso aad looga xumaado igana ooysiisay marka abaayo macnto iska samir
    waxkasto weyqoranyihiin waxa qorana 1000 sano ayeykaa weyn yihiin
    abaayo macnto aniga hal codsi ayaan wataa hadaad iga aqbaleeso waad hadad qoraalkeyga aragto
    abaayo mcnto ilmahaaga ulabo ilmahaaga wax qalad ah malahan dhibatada adiga kusoo gaartay waxaa ku gaarsiiyey aabahooda oo xumaaday maaha in aad dhibaatada aabohood kuu geystay in aad ayaga kagoysid ilmahaaga weykuu baahanyihiin abaayo hooyo ayaa tahay waxaan filaa ilmahaaga oo dunida kula joogo in aadan kasamri karin marka ulaabo abaayo ama soo kaxeeso hadad awoodo ilmahaaga dhibata badan ayey lakulmayaan
    waxaana laga yabaa naceyb gaar ah ama cuqdad in ay kuu qaadan marka inteenan taas dhicin abaayo macnto ulaabo ciyaalkaaga fadlan waa codsigeyga
    waa mahadsantahay

  4. asc waan ku salaamey salaan macaan, marka hore marka xigta walaahi qiasada kuugu dhacdey waa mid aan aad uga xumahey oo ooyin badan igelisey calool xumo badana igu beeratey. Abaayo qaligaaga ilaah hakuu dejiyo aduunyadaan wax walbowaala arkaa laakiin waxaa leeysku dardaaramaa saber badan ilaah saber hakugu bedelo arinti ku gaartey waa mid aan la seexan lahaey abaayo. laakin ilhadada oo ilmo qladkaad ayaga waxna ku laheeyn ilmona ah ilaah dartiisa ku saber ee ilmahadaad macaanto la xiriir hooyo aatehy ilaah ayaa intaas kuu qorey laakiin ilmahada yar yarka ey weey kuu baahanyihiim abaayo hadaad aqbaarteeyda hesho ama cid ku taqaano hesho. abaayooy ilaah hooyo caafiyo aabana same iyo iimaan alaah kaa siiyo asagaa nasiib sadey oo gacan ka gardaran dishey ilaah janada fardoowso alaah geeyo aabo iyo aboowe aamiin. illahnahakaa sabersiiyo kuli
    adigana nolo farxad leh iyo caafimaad iyo qalbi degen aan ilaah kaaga baryayaa. soomali nabsi waaleeyska gley nabad sidee lagu helaaa hada.?

  5. Asc walahi tani waa wax aad iyo aad looha xumayo sida aan shekadan ugu ooyayna waligey ma arag sheeko iga ooysisa run ahanti waa wax layaab ah lkn wax walbo waa qatar Alle Illahey gabartaasna jinada haugu bishareyo ciyaalkeda madama ay aabo la’aan cml ku dhashen waxan ilahey aga barya in ay noqdaan kuwo hooyadood so xasuusta hoyadana kama maarmata ciyaalkeda ay u so barjilecdo hoyo iyl caruurteda kala ma marman Illaheyna wuu u jeda wax walbo oo dhacayan marka hooyada iyo caruurtaba danbi ma lahan waana jirkeda qeyb ka mid ah caruurtaas ee Illaahey haisku keeno igayo nabad qaban dadka somaliyedna qabilka haka wano qatan waxa dhibkas gabartan loogu geystay qabiil aya sabab u ah:@

  6. aad ayaan ooga xumahay qisada kugu dhacday walaashayda qaaliga ah waana kaaga tacsiyaynayaa in uu alle khayr kuugu badalo aamin runti waana waxa ay ilaa hada xamar la dagi la dahay sidaan oo kale ayay umada maskiinta ah u gaysteen runti umadaan xamar joogta waxad moodaa in ayba naxariistii ka guurtay wayo waxaadba u jeedaa sida ay dadkaan maskiintaan u galayan

  7. dhamaan waad salaamantihiin umada islamka melkasta oo ay joogaan waxaa, ilaahay uga baryayaa inuu samir siiyo gabadhaa waxaan shacabka s\land leeyahay walaalayaal ama waraabayaal intii hore inooga tagtay inagu soo noqon mayso ee ku cimra qaata inantaa ilaah sbx watacaala innalillahu wa;inaa ilayhi raajicuun

  8. asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu
    sxb ama walaalayaal hadba saad jeceshihiin uqaata waxaa laynaga doonayaa inaynu ka,hortag muujino ama dhaqdhaqaaq ‘{ka,hortagaa kawacan iska dawaynta eeeeeeee yaanay tani iman aynu ka dedaalno
    wfgvdcj,n

  9. asx wllyalaa rum ahntii waan kaxumaday qisadan ku dhcadayb gabadhaan walsheena ah balse waxa allha awoda leh ugu baryaa cafimaad & niyad saafi ah meekl walbo oo ay ku noolshahay faraxd ku nooolow abyo macan qee badan my name siidcali

  10. marka hore waad slaaman tihiin wlaal markii aan akhristay sheekada aad iyo aad ayaan u naxay uguna xumaaday waa sheeko naxdin leh,ilaahay iyada wax khayr leh ha ugu badalo dhibaa tadii ay soo martaywlaal.

  11. asc waaxaan aad iyo aad uga xumahay walashay waxa ku dhacay dadka somlaiyeed waxaab uga digaa in aysan markale waxaaan dhicin nacalaa qabill ku talaal waxuu nabaday in uu na iksu keen diro waxaan jeclaan lahaa in aan qabiil laan ahnano maantay waan ku farxi lahaa hadaan nahay dad reer badiyaa oo qabiil aqoon lakiiin taas wayba dhacdee maka tagi karno miyaa
    ma nici karno miyaaa
    qufwalbo qabiil malihi ma dhihi karo miyaa somali aan ahay ma dhihi karo miyaa
    gabdhaas waxaas maku dhici laheen hadii uu qabiil jirin haduu ficil jirin

  12. asc damaan walaal hayga waa qiso la yaab leh qisada ku dhacday walashayda muslimada ah aad ayaan uga xumaaday laakiin maxaa n ka samayn kar naa hadii anan wadan krrna bur burin lahayn ma dhacdeen waxaan in kastoo aanan qadar la joojin kari waxaa ku dhahay abaayo macaan ilahay ha kaa abaal mariyo aduun ka na wax kuu badala alaah ha kaa siiyo

  13. anigu waxaan ahey nin gabadh jeclaadey

  14. waa idin salaamay dhamaan asxaabta runtii waa qiso aad u xanuunbadan allah waxaan uga baryayaa gabdhaa walaashay ah inuu samir iyo iimaan ka siiyo wixii soo gaaray wax ug khayrbadana ugu badalo ,lkn somaliya waxaa ku dhacay waxay kasbadeen dadka reer muqdishana wuxuu alaah ka abaal mariyay camalkoodii waxshinimada ahaa ……
    sidaas iyo nabad ayaan idin ku dhaafayaa maca salaama

  15. asc walalaya ad ayad u salamatihin marka hore asxaabta marka xigta walashena qaliga qisadan ku dhacday alaha ayan uga baryayna waa qiso ad iyo ad u murugo badan salamulah wan idin salamay marka xigta

  16. waa idin salaamay dhaan dadka aqristayaasha iyo gaar ahaan qoraha sheekadaan aadka u xanuunka badaan hadaaan aniga iska hadlo wlhi aad ayaan ooga xumaaday qisadaan ku dhacday gabadhaan walaashay ah waxaan alle ooga baryayaa inoo adunka iyo aaqirabo ku siiy farxad iyo reeren inta ay soo martay oo dhibaataa100jibaarkeeda

  17. asc dhaman muslimiinta meel walba oo ay joogaan salaan kadib:
    waxaan rabaaa inaan marka hore halkaan ka cadeeyo in raga iyo dumarka ay kala niyad wanaagsan yihiin oo ay dumarka niyad wanaagsanyihii oo ay raggu yihiin dulli 1aad iyo kan 2aad iyo kan 3aad oo aan duli kale jirin tusaale waxaa inoogu filan ficilka uu sameeyay ninkaas mooryaanka ah oo uu ku sameeyay gabadhas muslimada ah ah
    teeda kale waxaan meesha tan ku arkaa habla fara badan oo ka xun arintas iyada ah oo gabadha uga tacsiyadeeyay halka raga qaar erayada ay soo qoren aad halkaaan ku arki kartaaan waa arimo aan isku qalmin aniga waxaan u garaabi karaa ruuxa soo diyaariyay oo aan filaayo inuu yahay wiil haaa kasi waa wiil soomaliyed oo daacad ah
    balse waxaad moodaa in gabdhaha ay yihiin asalka dhabta ah ee soomaalinimada iyo muslinnimoba ineey muujiyeen waan mid looga baahnaa waana ay guteen maasha allaaaah ayaan idiin leeeyahay aniga
    intaas kadib aniga qisadaan waxaan aqriyay caawa oo ay taariikhdu tahay17/10/2011 waxaana ka xumahay qisada ku dhacday gabadhaas waxaana leeyahay abaayo alle hakuugu bedelo jinatul firdoza iinsha allaah walaalahaa waalidiintadana alle ha u gargaaro adigana intaad dunida ku nooshahay bedel qayrqaba alle haku soo geliyo insha allaah wlhi aad iyo aad ayaan uga xumaaday oo aan uga naxay markaan aqriyay waxaan filayaa inaan ku dheeraaday waxaana hadalkeyga ku soo gaabinaya alle hakuu gar gaaro walaasheyda muslimada aheey iinsha allaaah

  18. walaal walahi markaan arkey qisadan runtii jidhidhico ayaa iga kacdey walahi aad iyo aad ayaan murug udareemey walasheydaa qaliga ah ee somaliyed waxa odhanayaa samir iyo iiman walashey qofkasta oo ayey ladhalatey gabadh ama jecel gabadh wuu naxayaa oo wuu murugonyaa inabadan anbadan ana ilaahay waxan kuwydinayaa inuu wax dagdag ah oo ku ilowsiya kugu badlo dhibatadaa kugu habstey

Leave a comment