Manta ayaan garab kaaga baahan nahay fadlan dhaqso igu imaaw Saciid oo aad ugu nahay codka Ceyni ayaa ku yiri ok hadda ayaan kuu imaanayaa Saciid waa nin gaari wade sooma daahin markii loo sheegay sida uu xaalka yahay ayaa durbadiiba waxaa uu wacay Dr Warsame oo madax ka ahaa Bankiga Dhiiga markii uu nooca dhiig ee loo baahnaa u u sheegay ayaa la yiri 500cc oo kaliya ayaa noocaas ka yaalo balse qof ayaa lala rabaa Saciid oo ay aad saxiibo u ahaayeen Warsame ayaa ku yiri qofka aan u rabo waa qof nolol iyo geeri u dhaxeysa fadlan Ditoore nagu gargaar Warsame ugu dambeyn waa uu ogolaaday wuxuuna durbadiiba Isbitaalka ka qaatay warqadii dhiiga lagu dalbaayey si uu kaga soo qaado Bankiga dhiiga Saciid maadaama uu gaari sitay wax walba waqtigooda ayaa uu ku keenay markii dhiiga la keenay ayaa oo Canab qaliinkii loo diyaariyey ayaa uu taqtarkii uu dalbaday in la keeno ninkeeda iyo waliba ehelkeeda Ceyni yaab kale ayaa la soo gudboonaaday oo ku cataawday intee ka keenayaa ninkeeda waxayna sheegtay in aysan heli karto oo kaliya waalidkeeda balse waxaa loo sheegay in loo baahan yahay ninkeeda maxaa yeelay cunuga dhalanayo isaga ayaa lehee Ceyni si kasta oo xal u keento waa laga diiday xataa haddii ay tiri isagaa fooshaan deg deg ah ku keenay oo daqarkaas wejiga kaga yaal ku dhigay ugu dambeyn wuxuu xaalka ku soo biyo shubtay in helo ninkeeda markii dambe ayaa waxaa loo qeylo diray Canab reerkeeda oo waxaa yimid hooyadeed & Aabaheed iyadoo laga quustay in C/llaahi yariisow la soo helo ayaa ugu dambeyn waxaa la helay oo yimid aabahiis oo si wadajir ah warqada ay u wada saxiixeen isaga iyo Canab aabaheed markii qaliinka loo soo diyaariyey ayaa ay fursad ay ku wada hadlaan isu haleen Ceyni & Saciid iskuna wareysteen isla markaana ay halkas Ceyni ugu sheegtay sida uu dhibkaan ku dhacay uguna mahad celisay dadaalkii uu manta u galay badbaadinta saaxiibteed kadib Sciid waxa uu dalbaday in la fasaxo maadaama uu waqti hore uu xafiiska ka soo tagay waana ay ka ogolaaday iyadoo u mahad celineyso.

Mudo saacado kadib ayaa la soo gabagabeeyey qaliinkii waana illaahey mahadiisa waxay Canab dhashay gabar nool oo caafimaadkeeda taam yahay waxaana loo sheegay in Canab ay weli suntii ku jirto oo aan lala kulmi Karin Ceyni waala fasaxay maadaama ay daalaneyd waxaa badashay Canab walaasheed waxaad moodaa in xaalkaan uu isku soo dhaweeyey Canab & reerkeeda oo in mudo ah kala maqnaa waa Illaahey amuurtiisa manta Canab waxaa garabkeeda fadhiya ehelkeeda oo iyada u murugoonayo

Subaxii markii ay Ceyni ka soo rawaaxday shaqada ayaa ay soo abaartay isbitaal banaadir si ay saaxiibteeda xaalkeeda u soo ogaado markii ay qolkii ay soo gashay ayaa nasiib wanaag waxa ay la kulantay labada qoys oo ku kulansan qolka Canab ay jiifday iyadiina uu xaalkeeda fiican yahay inta ay saxiibteed labada dhaban ka dhunkaday ayaa ay tiri Hambalyo Saxiib kadib u soo jeesatay C/llaahi Yariisow oo aan ka fogeyn sariirta ay Canab Jiiftay markaasey iyadoo xanaaqsan ku tiri

Ceyni:

Raga adaa ceebeyey kaalay adiga hooyo kuma dhalin miyaa mise waxaa faan moodaa in naagaha la garaaco ma ogtahay in xaaskaaga ay tahay naago dhaaf waayo adiga oo foolkaan iyo naxariis la’aanta isku darsaday ayaa ay go’aansaday in ay kula noolaado waliba adigoo bakeeri biyo aadan u shubi Karin aad ayaan ugu xumahay in nasiibka saaxiibtey uu adiga noqdo dartaa ayaa ay rag oo idil u ceebeysan yihiin kaalay xataa kuma dhowri kartid miyaa ubadkaaga oo ay caloosha ku sido Ilaahow saaxiibtey nasiibkeeda ka roonee

In cabaar ayaa inta ay aamustay ayaa C/llaahi Yariisow aabahiis ku tiri

Ceyni:

Adeer ma ogtahay in aamusnaantaada ay u dhiganto in aad raali ka tahay in C/llaahi uu inanta garaaco waxaa jirta in maalin aan gurigaaga kugu imid oo aan kuu sheegay dhibka uu gabadha ku haayo wiilkaaga xataa ima aadan soo daba kicin adeer aaway dhaqankeenii sharafta lahaa ee hablaha xushmeyn jiray miyaadan ogeyn in nin naagtiisa garaaca uusan taariikhda meelna ka geli doonin

Markii ay intaa mareysa ayaa waxaa soo istaagay C/llaahi yariisow aabahiis oo camaamadiisa madaxa ka saaray una sheegay in tani oo kale aysan marnaba dhici doonin iminkadaan la joogana uu gabadhaan xagiisa u kaxeynayo aysana dhici doonin in maalin dambe uu C/llaahi gacan u qaado dhabtii aniga waxaanba kaaga mahad celinayaa dadaalka aad u gashay gabdhaan nolosheeda xataa dadaalkaaga manta sumcadeena ayaa uu baadbaadiyey waana ballan uu manta adeerkaa kaa qaadayo in Canab aysan marnaba dhibtoon, Ceyni aad ayaa ay ula dhacday sida uu u hadlay C/llaahi aabahiis C/llaahi ayaa markiisa inta uu soo istaagtay raali gelin siiyey Ceyni kuna yiri

C/llaahi:

Iga raali ahaaw waxaa I qaaday dhalinyaronimo manta wixii ka dambeeyana kuuma imaaneyso aqbaar xun oo xaggeyga ah waana ballan in aan masuuliyada I saran aan ka soo baxo

Ceyni:

Maya C/llaahi raali gelinta waxaa leh xaaskaaga iyada ayaana ku cafin karta

C/llaahi markii intaa la yiri ayaa u tagay xaaskiisa oo uu lugaha qabsaday kuna yiri iga raali ahaaw dhibkaan kuu geystay ileyn dumar iyo calool jilleec lagama waayee Canab inta ay indhaha ka ilmeeysay ayaa ay ka raali noqoday ninkeeda sidaas ayaan uu ku soo gabagaboobay xaalkii dhibka badnaa ee ay Canab intii muda ah ay ku nooleyd markii isbitaalka laga saaray waxaana la geeyey guriga ninkeeda reerkiisa halkas oo ay nolol cusub ay kaga billaabatay

Waa maalin Sabti ah sida caadada ah Ceyni subaxii hore ayaa ay shaqada tagtay in cabbaar ah markii ay xafiiska fadhisay ayaa waxaa loo keenay waqad baqshadeysan markii ay furtay ayaa ay aqris ku billaawday warqada sidaan ayaa ay u qorneyd

Ku: Ceyni Cisse

Ka: Naf Ku Jecel

Waxaan kugu salaamay salaam tan ugu sarreysa ee uu bani’aadamka isku diro salaam bacdigeeda waxaan ahay qof dartaa u dhibtoonayo waxaana manta aan xamili la ahay dhibka uu I badayo jaceykaada sidaa ay tahay ayaan ku leeyahay nooloow waxaana aad ugu xumahay in dambi uu qof kala galay in aad caddaabtiisa aad aniga I marsiiso dhibka uu jaceylkaaga I baday waxay dadka I weydiin doonaan gabdha sidaan ku waashey waa Ina Ayo maxeyse hablaha dheer tahay maxay tahay qiimaha dheeriga aad siineyso markaasaan ku oran doonaa.

SARGOOYADA WEJIGA & TIMAHA SEEN FARDHOODKAA
LUQUNTA SIMAN CABBAARYADA SANKA GAABNI & DHIRIR
SADARKA U DHAXEEYAA

ILKO AAN SAXAR LAHEYN DIBNAHA SUMMAD MADOWGA LEE
SUNNIAASHA KALA ROGAN SARKARKIYO LAABTIYO
SABARKIYO DHEXDEEDAAN SINNAHA & LUGAHIYO
GACMAHA I SIRAY LAAFYADAA

SARA- JOOGA DHIRIRKAA KU SUUREEYEY QALANJADAAN
SI LOO DAAYO QURUXDAA MEELNA LAGA SALUUGEYN
SINNIDIYOO ISLA’EGIYO KU SIIYEY AMAANTEE SOO CELIYEY
ABAALKII

SOO DHAWEE KALGACALKA MARTI WEEYE SOORYEE

JIDKA EEBE KU SAHAL HA KI JEBIN SALAAMADA
JIDKA EEBE KU SAHAL IMBA BACA KU SOCODKIYO
BA KU SIQAY GARGUURTIYO
SIXIR & HABAAR IYO IL KU SEEDLE KUMA KARO

Ceyniyee yaanan hadalka ku fogaanee waxaan ku leeyahay farxad weligaa ku noolaaw inta aad adduunka joogto.

Waxaanse kuu raacinayaa

AAQIRANA SAQIR & SAMHARIIRAY JAHANAWO SAFKA LAGA
XUREEYEY JANNADII LA SIIYEY SUBXAANOW CAFIYA NOQO
SUBXAANOW CAFIYO NOQO

By: Saciid nuur

Ceyni intii ay warqada aqrineysay ayaa ay ilmeyneysay isla markaana shucuurteeda oo idil is badashay waxyna ka shalaayday in Saciid ay sidaan oo idil ay u gasho waxayna gareysaday hadalkii uu weligiis Saciid dhihi jiray oo ahaa in dabeecadaha bani’aadamka aysan isku mid ahayn sidoo kale ayaa ay soo xasuusatay hadalkii saciid Walaashiis Zamzam oo ahaa walaalkey waa wiil fiican oo dumarka xushmeeye.

Ceyni markii intaa oo xasuus ah ay qalbigeeda wada kulmiyeen ayaa ay gareysaday in ay qaldaneyd waxayna markiiba ay telephone u garaacday xafiiskii Saciid gabar xogheyn aheyd ayaa u sheegtay in Saciid uu fasax ku maqan yahay maalinta berito ah uu u duuli doono magaalada Kismaayo si fasax sanadeedkiisa ugu soo qaado halkaas Ceyni markii ay intaa maqashay ayaa ay telefankii isa saartay isla markaana ay ku cataawday alle intee ayaan ka helayaa mana aqaan gurigiisa in cabbaar ah markii ay fikireysay ayaa ay telefankii mar labaad ku celisay xafiiskii Saciid waxayna weydiisay gurigiisa meesha uu ku yaal waxaana loo sheegay in aysan cidna garaneynin balse uu guriga leeyahay Telefan markii telefankii la siiyey ayaa dubadiiba garaacday waxaana meesha ku diyaar ku ahaa Saciid oo saaka oo idil aan bannaanka u soo bixin Ceyni markii uu Telefankii laga qabtay oo codkii Saciid ay garaneysay uu yiri Hallow ayaa ay ilmeysay oo ay waliba cod dabacsan ku tiri.

Ceyni:

Manta dhib ayaa I haayo weligaana dhibka iheysta adiga ayaa fududeyn jirtay waa ku baryayaa waa codsigeyga ugu dambeeyey ma ii imaan kartaa waxaan joogaa xafiiskeyga.

Saciid:

Ceyni manta caafimaadkeyga ma fiicna waxna ma kuu qaban karo dhinaca kalana berito Safar ayaan ahay waa ku baryayaa garab kale raadso.

Ceyni:

Maya Saciid waxaan ku leeyahay waa codsigeyga ugu dambeeyey yaan garab ka helayaa oo aanan adiga aheyn fadlan waa ku baryayaa ii imaaw.

Saciid muxuuu Ceyni ka diidi karaa waa uu ka ogalaaday waxaana uu u sheegay in weli uusan toosin marka in ay mudo saacad ah ay ku qaadaneyso inuu isa soo diyaariyo waxayna ku tiri saacad waan ku sugi karaa.

Ceyni durbadiiba waxaa ay ku gashay agaasimaheedii waxayna ku wargelisay in ay u baahan tahay qolkiisa gaarka ah oo ah goob uu martidiisa qaaska ah uu ku qaabilo waana loo ogolaaday mudo saacad ka yar ayaa uu Saciid ku yimid xafiiskii Ceyni markii Ceyni loo sheegay in uu qof u joogo ayaa u sheegay in la geeyo qolka martida qaaska ah Saciid oo aad ula yaaban qolkaan la keenay ayaa waxaa u soo gashay Ceyni waana leys salaamay waxaana hadalkii furay Saciid oo yiri.

Saciid:

Manta qol aad u qurux badan ayaa I keentay bal ii sheeg sidee ayaan kuu caawimi karaa garab noocee ayaad iiga baahan tahay mid ogow waxaan manta oo kaliya aan ku qaban karo ha ahaato maxaa yeelay berito safar ayaan ahay.

Ceyni:

Codsiga aan wado ayaa ah mid noloshaada inta ka dhiman aad ii qabaneysid

Saciid:

Kuma fahmin

Ceyni:

Saciid dhabtii markii aad iga fogaaday ayaan wax walba dareemay run ahaantii nafteyda waxa ay taweyso oo rabto xataa lama socon manta waxaan kaa baryayaa in aad ii ogolaado in aan noloshaada aan ku soo biro dhabtii ma ogi sida ay jawaabtaada noqoneyso waayo anigaba adigoo ii baahan ayaan ku tuuray laakiin manta naf ku jecel oo kuu baahan ayaa ku horjoogta Saciid.

Saciid oo la yaaban jiljileeca iyo rabbitaanka ka muuqda Ceyni ayaa inta uusan u jawaaban ku soo booday oo xabadka saaray ceyni oo faraxd xad dhaaf ah dareentay ayaa ooyin la dhacday inta uu Ceyni illinta ka tiray ayaa uu ku yiri.

Saciid:

Maya Ceyni ha ooyin manta waa maalin farxadeed diyaar ayaan u ahay in aad nolosheyda ku soo biirto koley berito safarka sidaa ayaa uu ku baaqday ka waran haddii aan berito reerkaaga kaaga soo googol fadhiisto.

Ceyni:

Maxaad la degdegsaa Saciid

Saciid:

Maya Ceyni waxaan ka baqayaa in haddana aad aragto gabar kale oo ninkeeda garaacayo waxaana ka baqayaa in aad isbadasho.

Ceyni inta ay qososhay ayaa ay tiri

Ceyni:

Manta go’aan kasta aad gaarto waan kugu raacayaa adigaana kuu xil saaray reerkeena yagleelidiisa.

In cabaar ayaa si wadajir ah loo sheekeystay waxaana arrinta lagu soo gabagabeeyey in Saciid iyo ergadiisa ay habeen dambe yimaadaan guriga Ceyni si iyada reerkeeda looga soo doonto sidaa ayaan uu xaalka noqday waana lagu ijaabooday arrintii doonashada waxaana la go’aamiyey in usbuuc ka dib uu arooska ahaado saciid fadhi uma oolinee wuxuu u yeeray walaashiis Zamzam oo si deg deg ah ku timid kuna diyaarisay gurigii uu wallaalkeed ku aqal geli lahaa.

Xafladii mehrinta kadib waxaa Ceyni loo dhigay xaflad aad u qurux badan waxaana jirtay in Ceyni aysan marnaba casuuman saxiibteed Caasho odoygeeda Ahmed Deeq oo ahaa nin aad u silcin jiray saxiibteed balse waxaa cajiib lahaa in habeenkaa uu iskiis isku casuumay oo uu xafladii yimid waliba inta uu kor yimid halkii ay fadhiyeen arooska & aroosada ayaa uu gacan qaaday oo uu Ceyni ku yiri Hambalyo Dumaashi igana raali ahaaw hadaladii xumaa ee aan ku kala hadlay maalintii aad gurigeyga joogtay midna ogow in ciyaalnimadii igu jirtay aan iska saaray oo aan ahay nin wanaagsan oo reerkiisa daryeela Ceyni arrintaa aad ayaa ay ugu faraxday markii ay xafladii dhamaaday oo Ceyni & odoygeeda Saciid loo guuriyey gurigooda ayaa ay hadaladaan isdhaafsadeen.

Ceyni:

Saciidoow waxaan ku weydiinayaa maxaad igu jeclaaday bal ii sheeg sifaha aan leeyahay ee aan gabdhaha oo idil aan kaga soo baxay.

Saciid oo jawaabta u fiirsanayaa ayaa inta uu Ceyni u soo dhawaaday dhexdana ka qabsadaya ayaa ku yiri.

Saciid:

Seddex arrimood ayaan kugu jeclaaday

• Codkarnimadaada oo aan aad ula dhacay maalintii ugu horeysay ee Siminaarkii aad ka hadashay
• Dabeecadaada & Damiirkaaga wanaagsan ee aad xumaha kaga dhiidhisid
• Tan seddexaddna waa stylekaaga oo aan aad ugu helay

Ceyni inta qososhay ayaa tiri aad ayaan kugu faraxsan nahay in aad ninkeyga tahay dhabtiina waan kugu faani doonaa.

Sidaa ayaa ay ku billaawday noloshii Ceyni & Saciid wallow Ceyni ay iskeed u go’aansaday in shaqada isaga tagto maadaama ay Marwo noqotay waxaana go’aankeeda ku raacay ninkeeda oo aad ula dhacay qodobada ay u cuskaday in ay shaqada ka tagto.

PENNED BY HALI HASSAN MOHAMED
xaalkoos@hotmail.com

hoyga arimaha bulshada
http://www.nololcusub.tk
qalbijaceyl11@hotmail.com

12 Responses

  1. abayo macan marka hore wan ku salamay salan kadib aniga wan ku ficanahy walahi wax dhibato ah majidho inatan kaa ahen xisahado abayo macan adiga side ii tahay cafimadkaga wax walbo adiga iga qima weynee,mida kale abayo macan inaan walahi ben kuma sheygayo nafteyda waxey ka hari laa dhahay xasustado macan iyo jaceylkagi qimaha weyna Marna wey kaa hari la’adahay ama ku hilmaami la’adahay wayo waxad ahed hilibkeygiyey dhigeygi iyo mida an dunida ogu jeceylahay had iyo jedh, jecelka aan kuu hayo waxaa walbo wuu igala qima weyn yahay ama jaceylka an kuu qabo ama cish-qiga aankuhayo adiga haddaba wehelkeygiyey ba tahay magaranayo waxa ku mataalo sidan ku jecelahay. qof nolosha macaankeeeda wax ka taqaan baatahay marka abayo macan waxan kaa cudsana inaan dib iskugu sonoqono oo jaceylkini so cesheno, dhibkana isla qeybsano farxaaddana wax iska siino ayan jaceylestay abayo macan maxa kaa qabto arintas wayo anmi wali wan ku jaceylahay walahi ben kuma sheygayo mida kale hada kaa xun tahay rali kaa ahen iskada iska abayo macan . hadan waxan ku rajeynaya cibado wacan iyo mid janada laaga warabiyo inuu alle kaa dhigo xumati kaa dhowro sharaf ku gashid janada mid dinta alle uu dagasho allah kaa dhigo amiin abayo ASC janada inuu balana aha isha-allah
    I just close my eyes because I might see your face. I just close my mouth because I might hear your voice. I just close my ears because I might hear of you, but I could not close my heart because I love you.”
    “I Love you with the breath, the smiles and the tears of all my life.”
    “The more I know you, the more I love you.”

    DEEQ OSMAN ABDI

  2. sxbsyaal waxaan jeclahay gabar mana aqaan adana imataqaa ee saan ulaxiriir karaa

  3. waxan ka salamaa halkan dhamaaan umada soo maliyee ku nool soomaliya

  4. abayo macan marka hore wan ku salamay salan kadib aniga wan ku ficanahy walahi wax dhibato ah majidho inatan kaa ahen xisahado abayo macan adiga side ii tahay cafimadkaga wax walbo adiga iga qima weynee,mida kale abayo macan inaan walahi ben kuma sheygayo nafteyda waxey ka hari laa dhahay xasustado macan iyo jaceylkagi qimaha weyna Marna wey kaa hari la’adahay ama ku hilmaami la’adahay wayo waxad ahed hilibkeygiyey dhigeygi iyo mida an dunida ogu jeceylahay had iyo jedh, jecelka aan kuu hayo waxaa walbo wuu igala qima weyn yahay ama jaceylka an kuu qabo ama cish-qiga aankuhayo adiga haddaba wehelkeygiyey ba tahay magaranayo waxa ku mataalo sidan ku jecelahay. qof nolosha macaankeeeda wax ka taqaan baatahay marka abayo macan waxan kaa cudsana inaan dib iskugu sonoqono oo jaceylkini so cesheno, dhibkana isla qeybsano farxaaddana wax iska siino ayan jaceylestay abayo macan maxa kaa qabto arintas wayo anmi wali wan ku jaceylahay walahi ben kuma sheygayo mida kale hada kaa xun tahay rali kaa ahen iskada iska abayo macan . hadan waxan ku rajeynaya cibado wacan iyo mid janada laaga warabiyo inuu alle kaa dhigo xumati kaa dhowro sharaf ku gashid janada mid dinta alle uu dagasho allah kaa dhigo amiin abayo ASC janada inuu balana aha isha-allah
    I just close my eyes because I might see your face. I just close my mouth because I might hear your voice. I just close my ears because I might hear of you, but I could not close my heart because I love you.”
    “I Love you with the breath, the smiles and the tears of all my life.”
    “The more I know you, the more I love you.”

  5. kkkkkkkkkk

  6. fadlan uma bagin waxa aad wadaan mana inka yeelayo iga raali ahaaada oo jaceylka wax ka bartay

  7. waa ku salaamay abaayo mcn salaan sare ayaan hawada kuu soo marsiinayaa ee iga gudoon

  8. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk warqad caadi ma ahan ruuntii kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  9. asxabey mesha matlo qosol waxa yalo sheko murug leh maxa ku qosleysan mase qosolka iyo murugta kalama taqanan kakakakakakaka

  10. llllllllllllllllllllllll kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk lol jacayl aaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa iga tag

  11. waaa aniga abdulaahi hanshi oo kunool wadanka saudi arebia gaar ahaan jiddah waxaan kudhashay muqdisho gar ahaan dagmada sibis waxaan dhashay sanadkii 1984/18/6 waxaan kusoo waxbartay muqdisha laakin waa kaxumahay wadankeyga oo colaad kajirtah oo aan waxba u qabankarin maxaa yeelay wadankeeyga aad ayaan ujeclahay sidaa darteet waxaan leeyahay illahow wadan keena noosamey aamin yaa rabii

Leave a comment