heeso qoraala » dookh samatar iyo fanaanada wayn ee Magool iyo samatar

Samatar

Dalsankii wiriiroo
xiligii ku di i jiray
dabarsamuu ku onkoday
darantuna ugbaad tahay
oo ramasku dayr dhalay
deercadkisii loo dhigay
nirgaha mid duleedka
damalada hadhkoodana
dikriyeysa culimadu

Habluhuu dahab la moodiyo
doobkiyo barbaartuna
ilaa waaga daalaco
sacabka ayna dayneyn

Daymada sideedii
marka aan ku daawado
qalbiga ku diirsada

Dadna adaa ugu qurux badaney
jeegaanta roobkiyo
adaa doogna ka udgoon
dumarna waa adoo qudha
dookhna waa ka igu jira
duntuna iigu kaa xidhan

Magool

Dooliyo afmeero
roobaan dabayliyo
duufaan wax Qaadiyo
dibindaabyo lagu arag
oo mawluhu ugu deeqoo
dhulka meesha dididbka ah
daadkii kusoo jabay
dambaskii uu kala tagay
iyo digadii xoolaha

Uu Madarku dayr dhalay
hoobaan da’aysiyoo

Uu cirku dayr dhalay
hoobaan da’aysiyoo
malabyadii kadaatiyo
dusha midho ku leeyihiin

Daymada sidoo dii
marka aanku daawado
indhaha i daraan dara

Dadna adaa ugu qurux badaney
waagoo dilaaciyo
dabna adaa ka muuq dheer

Ragna doorkii baa tahay
dookhna waaka igu jiraa
duntuna iigu kaa xiran

Samatar

Xidigtii dagaar iyo
dayaxa iyo cadceedo
darisoo gantaalaha
dacalada ka baxayiyo
diilimo iska hor yimid
daheer damaano
cirka meel ka wada dagay
oo daga iyo nuurka
midabkooda dahabka ah

Daaweystay maalmuhu
dan wadaag shucaac u leh
sagalyaroo da’a a iyo
dusha caad isaga maray

Dar alee jaleecada
waxay dunida u eegyihiin
idileey adaa jira

Dadna adaa guu qurux badan
jeegaanta roobkiyo
adaa doogna ka udgoon
dumarna waa adoo qudha
dookhna waa ka igu jira
duntuna iigu kaa xidhan.

Magool

Ina soo barwaaqoo
dunida cawle ku onkodaye
dhulka mesha dirida leh
doogiyo xareedii
labadii is dabasheen

Duunyaduna galabtii
laxda sabada daaqdiyo
neyluhuna duleedkii
farduhu is dugsanayaan

Ooy dumarku hawlihii
soo dabaalaay leeyiihiin

Awrna dabarka lagu xidhin
meel dheerna laga dayin

Dayashada kal gacalka
marka aan ku daawado
indhaha i daraan dara

Dadna adaa ugu qurux badaney
waagoo dilaaciyo
dabna adaa ka muuq dheer

Ragna doorkii baa tahay
dookhna waakan igu jiraa
duntuna iigu kaa xidhan

18 Responses

  1. walaalo wan kusalaamay

  2. WAXAAN RABAA INAA WAXKA OGAADO
    DOOKH IYO JACAYLKU WAXAY KALAYIHIIN

  3. asc walalkis ibrahim : su,ashada hadan kaga jawabo dokh iyo jacayl waa labo micine :
    dokh waa qofku waxuu ka helo ama uu dokh u leyahay tusalee ahan hadii ad shatiyadada kalar goni ah uu dokhagu yahay iyo waxii lamida waye erayga dokh :

    jacaylkuna waa waxad saaiid u jaceshahay waxana lo adeegsada badana qofka ad jaceshahay iyo waxaa qalbigaga ka marmin sida best love kaga ee sas ula soco bye mahadsanid

  4. ifrah ty habka wanaagsan aad uga jawaabtey dookh iyo jaceyl waa kala labo bro koley hadal badan haan ma buuxsho ifrah ayaa tusaalo ku siisey hadii uu ku anfici waayana waa lagaa hagarbixinayaa waa qalbijaceyl

  5. walaal layaa waan idin salaan may marka hore hadi aan kahadlo ?waxaan oran karaa dooqa waa wax jira waliba dadka so jiita dooqa waxuu leyahay siyaabo badan oo kala duwan waxaana kamid noqon kara in aad ka hesho qof muqaal kiisa ama dabeecadiisa ama uu noqdo qof aad iyo aad ku so jiitay ?lkn jacaylka waa wax nafta kugu dirayso oo nafta wax kale aysan ubaah nayn xita hadi lasiiyo aduunyo aysan rabin in kasto jaylku uuyahay dareen gaar ah waayo naftu kugu dirayso dheman uga dooq roon /

  6. waan idin salamay salaan kadib hadaan kuda galo waxaa dhihi karaa jacayl waa nafta waxay kugu dirto oo cid kale aysan uhibaynaynin nafta “waana wax jira “dooqa waa waa waxaad ku raacdo qofka xurux ama qancis wax walba ah /dooqa waxuu kaymada jacayl “jcaylkana waa aabe iyo hooyo

  7. waxaa rabaa wada sheekeysi

  8. waxaan u duceynayaa wadankeyga soomaaliya ilaahay nabad keeno aamiin aamiin aamiin waxaan kalasalaamayaa wixii barnamijkaan soo sameeyey iyo wixii kaqebqaaten ayaan salaamayaa anigoo ah wil soomaaliyed ciid wanaaqsan kul caam wa antum bikheeyr

  9. aasiyo wan ka qaday abayo macan ku soo dhawoow webka sharafta leh

    • waxaan salaamayaa dhamaan qorayaash webkan iyo tifatirayaasha meelkasta oo ay joogaan waxaan leeyahay sii wada dedaalkiina allah haydin la qabto soomaaliana ilaahay nabad ha siiyo

  10. dooqa waa wax layaab leh adiga oo qurux badan ayuu ku tusinayaa qof fool xun ama adiga oo fool xun ayuu ku tusainayaa qof aad kaka qurux badan ayada oo ay sas taahy ayaaa laga yaaba inaad hesho qofki aad niyada ku heysay waxay ila tahay doooqa waa wax cajiib badan lakin su aaaaaaaaal doooqa iyo jaceylka ma hal baa mise waa kala mid ?

  11. asc jaceyl waali ah oo kudhacday wiil ladhaho mr baashi rooble mohamed oo kunool wadanka soomaaliya hada ka hore waxaa soo agmaray gabar qurux badan oo ladhaha sagal mohamed rooble wiilkii gabadha wuu jaclaaday jaceylkaas oo waali ah wilka iyo gabadha waxey isla dhigin jireen bareefad oo ku yaalo dagmada labadhagax oo waxaa kaloo is la dhigan jireen dugsi kuyeelo dagmada wardhiigley

  12. asc walalheey somaaliyeed waxaan iin sheegaayaa hada labada qof islama joogaan hada wiilka waxuu kunoolyahay wadanka kenya iyadana hada magaranaayo halka ee kunooshahay hada walaalyaal maxaan sameeyaa oo aan kudhaqaaqaa ila taliyo gabadha wiilka si aad ayuu ujacelyahay mana garanaayo halka kunooshahay walalyaal waxaan in ida cosanaayaa hadii aaad garaneesiin iigu sooxariiriyo ciwan kaan abdiyare58 @hotmail.com ama iyada hadii ee aragto haa ilasoo xariirto ciwaaankaas walalyaal gabadha waxaa ladhahaa sagal mohamed roooble anigana waxaa la idhaha abdifatah rooble mohamed waad mahasantihiin wsc byyyyyyyyyy

  13. asc walalayo warem haan waa wiil sooomali ah oojoogo muqdisho gaar ahaan madiino oo jacail arimaha jaceilka ooo laayahey kkkkkkkk

  14. asc asc aqayaarata sha raf ta lah waa salaa man tihiin salaan kadib waxaa jiro ari kadac da y muqdisho oo ku saab san arima jaceilka waxaayn dac day 20-11-5-2010 waa arin ron ah walaalayaalo wa xaan qorey wariya cumar siyaad saaqey oo go magac dhaa r baato

  15. asc walaal waxaan kul taliyaa i naad uu sheekatit meesha aad ka j agtit keny waa lag yaa baa inaad is heshin haa di dhab ga tahay waa jera jacela

  16. jecela wa dareen dhab ah waxana daremi karo naf wax jecel taso ah

  17. waxaan salaamayaa dhamaan qorayaash webkan iyo tifatirayaasha meelkasta oo ay joogaan waxaan leeyahay sii wada dedaalkiina

Leave a comment